Posts

Awoowgey Sh Maxammed C C Tukaale: Wadaad, Macallin, iyo Dhakhtar.

Image
Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale, wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii waxbarashada u dhuyaalay ee meelo badan u tagay, culimmo kala duwanna kala kulmay ee ka soo qaatay. Meelaha uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa; Addis’ababa, Herer, Jigjiga, Jabuuti IWM. Muddo hadda laga joogo sannado badan wuxuu macallin ka noqday magaalada Hargeysa. Ardey buu qabtay oo wax bari jiray. Sida uu dhawaan iiga warramay waxa ka mid ahaa ardeydaa Xildhibaan Cabdillaahi Balaak oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaalilaan. Hadda Awoowo waa bare, Dabiib, Mufti, Imaam, odey, Nabaddoon, iyo Wadaad. Wuxuu   hage iyo hoggaan ba u yahay bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Durya, Eegato, Dabarddullalay, Siyaarada, Eegato, Gobyarta Awnuurka, Caloolla, Qaaliga Albaase, Dhumucyare, Biciidlaa, Qorijabka IWM, oo dhammaan hoostaga Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan.   Wuxuu gacanta u qabtay oo uu Qur'aanka baray kumannaan qof. Wuxuu Qur'aanka xifdisiiyay kumannaan kale. Wuxuu waxbaray buls...

Candhasaab

Image
Maradaa soohan ee hasha kaga duuban candhada ee Sakaarka iyo Kuruska agteedana lagu soo xidhay, waxa loo yaqaan ‘ Candhasaab.’ Macno ahaan wixii candhada ama naasaha hasha qarinayay. Dhammaan candhadii hadhu way daboolantahay oo hadda waxba lagama dheefi karo. Ujeeddada loogu xidhaa waxaa weeyi in maalintii aynna jiqin nirguhu geela. Waxaanna lagu xidhaa geela irmaan ee la liso. Inta badan Nirgaha Geela waalla raaciyaa oo way lasoo daaqaan, iyaga gaar ahaan looma e ego sida dhasha kale ee maqasha iyo Waylaha, oo iyaga duleedka, aradka ama bootada xaafadda lagu eego. Mar haddii lagu daray Nirgihii oo la raaciyay geelii waxaa dhacaysa in ay jaqaan. Sidaa darteed waa lagama maarmaan in la helo wax lagu xakameeyo jiqidda Nirgaha ee geela. Labo hab ayaa la sameeyaa: Mid nirgaha ayaa lagu sameeyaa oo waxa la yidhaa ‘ Jiil’, waxaanna intaa sanqaroorka lagaga xidhaa laba ulood oo yaryar oo taagtaagan, oo markay jaq istidhaa hasha ay ku muddo, hashuna ay ka booddo. Ta labaad Halaha ayaa ...

GARO ILAHA KHEYRAADKAAGA NAFEED!

Image
Kheyraad (Resourse) waa: shey aad u adeegsan karto si aad ugu gaadho hadafkaaga. Inkastoo ay jiraan ilo badan oo kheyraad; waxaynnu kusoo ururrin afar qeybood: 1- Kheyraadka dadka 2- Kheyraadka shey’yada 3- Kheyraadka Deegaanka 4- Kheyraad guud. 1-    Kheyraadka Dadka Kheyraadka dadka waxaa laga helaa naftaada iyo dadka kale. Waxaanna ka mid ah: Aqoonta ( Knowledge), iyo Xirfadda ( Skills). Aqoontu waxa ay ka koobantahay shey kasta oo aad akhrido, baadho, barato, ama aad xasuusato. Hal’abuurnimadu ( Creativity) waa qeyb kale oo ka mid ah kheyraadka qofka. Waanna habka qofku uu ku xallinayo dhibaatada naftiisa, kuna bandhigayo dareenkiisa. Si aad ugu guuleysato hadaf, waxa aad u baahantahay labo shey: Waqti ( Time) iyo tamar ( Energy). Sidoo kale, qoyska iyo saaxiibbaduna waa qeyb ka mid ah kheyraadka dadka. 2-   Kheyraadka Shey’ yada Kheyraadka walxuhu: Waa dhammaan shey’yada muuqda ee aad u isticmaalaso si aad ugu guuleysato hadafkaaga. Tusaale, lac...

Fekerku wuu waarayaa; wixii ka soo hadhaana wuu suulayaa!

Image
Waqtigii hore, caalamka dibdhacay waxa ay   aad u aaminsanaayeen in kaliya awoodda ciidanka iyo ammaanku tahay waxa dawladda ilaalinaya, ee ummadda dhisaya. Sidaa daraadeed waxa ay odhan jireen: “ Ciddii caasimadda gacanta ku dhigta, ciidamana haysta, waxa ay ku guuleysatay   in ay dawladdu u adeegto”. Balse, taasi maaha mid la jaanqaadasa dawladdan casriga ah; haddii aynnu ku eegno halbeegga waqtigan. Awoodda dhabta ah ee bini’aadamku waa: Aaminaadda (Caqiidada), iyo fekerka─ oo qalbiga iyo caqliga ka ahaadey. Wax awood ku qabsan karaanna ma jiro. Balse, gaadhidda dhabnimadu waxa ay ku jirtaa meel taag ah dhexdeed. Cilmiga hadalka, loojigga, iyo afcelinta kala geddisani maaha wax fudud. Sida aynna dhisidda fekerka, iyo xiiseynta   aragtiyaha kala duwani aynna mid fudud u ahayn! Halkaas aaminaaddu waxa ay helasaa awood, fekerkuna wuu ku dhimanayaa. Xarakadaha Islaamku waxa ay noqdeen kuwo xambaara awood feker ka hor intaynna noqon kuwo leh awood nidaam. Waxayn...

Marka Cabbirku khalkhalo Waxaa Dayacanta Xuquuqda!

Image
Markii uu Maalik Binu Nebi, daraasad gundheer ku   sameeyay geeddisocodka nolosha, marrinka dawladaha, iyo dhismaha ilbaxnimada iyo burburkeeda waxa uu helay Qaaciido muhiim ah. Waxaanna weeyi in dawladaha guuleystay iyo shacbiyadaha guuleystay   ay socodkooda ka soo bilaabaan Caalamka fekerka, iyaga oo saxaya, dheellitiraya oo difaacaya misana ilaalinayana. Dabadeed, ay dadku sameeyaan waxyaabaha cusub iyo shey’yo.   Rasuulku SCW wuxuu dacwaddiisii ka bilaabay caalamka fekradaha, caqiidada iyo waxsawirashada. Wuxuu dhaqaajiyay caqliyadii fadhiyay, wuxuunna la dagaallamay fekerradii bakhtiyay ee dadka dilayay. Wuxuu dadkii ku qanciyay fekerro cusub oo nool, dadkana noolaynaya. Halkaas ayay ka bilaabantay in ummaddu jirrid awood leh ku taaganto, khuraafaadkana diiddo. Aynna muqaddas ka dhigin qofka, iyo sanamyada ee ay marxaladdii Carruurnimada ku dhaafaan caqli toosan iyo feker iftiimaya. Galbeedka waxaa ka jirta khibrad soo bilaabantay casrigii iftiinka (Horumar...

Wax’akhrisku Waaa Sirta Nolosha

Image
         Wax’akhrisku waa safar, safarkana cibro ayaa ku sugan. Dadka safra ee badawda ahina waxba ma akhriyaan, wixii nolosha cibroqaadasho ku suganna ma garanayaan; waayo ma rixlaynayaan, meel kaliyana waqtigu wuu iskugu bedbeddelayaa. Safarku waa isku mid balse, cibraqaadashu maaha dhaqdhaqaaqa. Cibraqaadashadu waa caqliga socdaalaya ee dhaqdhaqaaqaya. Wax’akhrisku waa fiirfiirin, fiirfiirintana waxaa ku jirta fekrad. Balse, kuwa wax akhriya caqlila’aan waxba fiirfiirin maayaan. Waayo, iyaga oo aan fahmin ayay rabaan in ay wax ogaadaan. Abii Muuse Al-Ashcari waxaa laga doonay fahan.. fahan, ujeeddadooduna waxa ay ahayd ogaansho, fahan ma ahayn. Balse Cumar Buugga ( إعلام الموقّعين عن رب العالمين ) fahmi dabadeed ayuu ku sheegay, warqaddii Cumarna waxa ay isku baddeshay Buugga uu gacanta ku qabtay Ibnu Qayim. Wax’akhrisku wuu macaanyahay, macaankuna wuxuu leeyahay raaxo. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan macaankii wax akhriska...

Gundheerida Dhibaataa ku jirta; Dhibaataduna way gundheertahay!

Image
Mandiqadeennan waxaa soo maray ilbidhiqsiyo aan innaba caadi ahayn. Xaqiiqo lagu kalsoonyahay lagama hayo dhinacyada   metelaya. Sababtuna waa shakigii oo gogladay booskii kalsoonida. Midkastaana wuxuu ka baqayaa ka kale. Dhammaan way shakisanyihiin, dadkana waxaa kusii siyaadaya cabsashada ay ka cabsanayaan Mustaqbalka. Waayo, daynta waxa la soo qaataa in le’eg, faqrigiinna awood buu sii yeeshay. Gaabkii u dhexeeyay dabaqaduhuna wuu sii batay. Dadka intooda yari waxa ay haystaan madaxnimo iyo xoolo! Intoodii badnaydna waxa ay la taahayaan faqri; dabaqaddii  dhexduna  saaxaddaba way ka baxday. Dhibaatooyinka mandiqaddennu waa waa saddex maanafeesto. Xadgudub diineed oo metelaya feker qufulan oo ah labo nooc: Fekerka qaska oo ay xanbaaesanyihiin kooxaha cunfiga Diineed lihi sida Al-Shabaab iyo walaallahood. Iyo fekerka engagan ee xawilaya intuu maqnaysiiyo doorkii shacabka,   misana waynaynaya doorkii madaxweynaha. Ta labaadna waxa ay adkeynaysaa jiitaanni...