Posts

Waddankeenna Waxaa ka Jira Kun Maadays!

Image
                                 Nin baa maalin iska dhextaagay dad salaad tukanaya, dadkiibuu fiiriyey; wuxuunna arkay in wajiyadoodu si yihiin, indhuhuna hurdoonayaan. Dabadeed imaamkii ayuu fiiriyey, wuxuuna arkay odey cajuus ah oo si adag u socda, hadlaya balse, dadku ayna maqlayn hadalkiisa. Wuxuuna iswayddiiyey; maxay kuwani yihiin? Maxaa masaajidka ka socda? Maxaa isbaddelay? Maxay dadku Masaajidka u yimaaddeen? Ma Salaad   mise seexasho? Ma si ay uga nastaan wixii ay lumiyeen, mise in ay Allah ugu tagaan safar macno leh? [Ninkii] Masaajidkii wuu ka baxay, wuxuunna fadhiistay maqaaxi meel shaaric ah ku taal. Sidii caadada u ahayd dadkiibuu fiiriyey mar labaad, wuxuuna arkay in dadka halkani ayna la mid ahayn kuwii masaajidka joogay, wajiyadoodu way noolyihiin, sidoo kale indhahooguna way furanyihiin. Dadadeed wuxuu eegay nin...

Waxa aan ka bilaabay Dhaqidda Saxniga illaa aan Noqday Maamulaha [Shirkadda] Qantas!

Image
  Jamila Gordon waa waddo dheer oo ka timid Tuulada ay ku dhalatay gabadhu . Soomaaliya waxa ay ka qaxdey dagaalkii sokeeye ka hor; waxayna tagtay Ustaraaliya. Waxoogaa ayaa English-ka uga bidhiiqay, laakiin may joojin doonistii ay doonasay in ay ka shaqayso shirkado tiknoolajiyadeed oo ay ka mid tahay Qantas. “Tuulada aan ku dhashay waxa ay ahayd mid dhas badan, waxaanan haysannay ceelal biyo ah.” Ms Gordon ayaa u sheegtay Wakaalada SBS. “ Hooyaday sannadkasta uurbay qaadi jirtay, ama ilmay dhali jirtay… ugu danbayna waxa ay yeelatay 16 carruur ah.”   Qoykeedu waxa ay u guureen Muqdisho si ay uga gabbadaan abaarta. Balse, dagaalkii sokeeye intuuna qarxin ka hor ayay ka tageen. Ms Gordon, waxaa loo diray/geeyay qaraabadeedii oo Kenya deggan. “ Saaxiibadeydii Kenya ku yeesha waxaa ka   mid ahaa oo aan la kulmay nin Australian ah. Waxayna ahayd maalintiisii labaad ee uu Kenya joogo, waxaananu noqonnay saaxiibbo.” Ayay tidhi. Dabadeed way is guursadeen waxayna ...

FEKERKU WAA MURAAYADDA QOFKA!

Image
         Waqtigii hore shakhsiyadda qofka waxbaa laga aaminsanaa. Waxaanna lagu qiimeyn jirey   hadalka. Haddii qofka hadalkiisu misaaman yahay; shakhsiyaddiisuna awood bey leedahay. Haddiise hadalka uu dhabqinayo─oo si bilaa miisaana uu u hadlayo; shakhsiyaddiisu ma dhisnayn! Arrintaasi waa maangal; waxaanna dabbaqay dadka [soo jireenkeedu] afka yahay (Oral society) ee aan weli horumarin. Balse, hadalku ma u yahay muraayad dawladaha horumaray? Waxaan hayaa arrin kale, luuqadda iyo hannaankeeda. Hadalka iyo awooddiisa; waa labo arrimood oo baahi loo qabo. Balse, waa waxba la’aan marka fekerku daciifyahay, luuqadduna awood leedahay. Sidaa daraadeed, dadyawga horumarey way dhaafeen gabayga; waxaynna baddelkeeda adeegsadaan fekerka. Gabayga waxa ay la falgaliyaan fekradda; waxaynna isku dayaan in ay feker ahaan naqdiyaan; in ka badan inta ay luuqad ahaan naqdinayaan! Shacabyada horumaray way jecelyihiin hadalka, waxaynna isku dayaan in ay qaabab c...

Taariikhda Reysalwasaaraha Ethiopia: Abiy Axmed Cali

Image
      Abiy Axmed Cali: Raysalwasaaraha Ethiopia; sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee (EPRDF). Wuxuu ku dhashey Agaro, Jimma Zone, bishii Ogosto 15, 1976. Wuxuuna ka dhashey qoys kala diin ah, kala af ah─oo kala jinsiyad ah . Aabbihii Axmed Cali waa Oromo Muslim ah; hooyadiina waa Amxaarro Kiristaan ah. Dugsigii hoose, dhexe iyo kii saraba wuxuu ku qaatey Jimma. Markii uu qaangaadhey 1991, wuxuu ku biirey ciidamadii halganka ee ka soo horjeeday Derge Regime. Markii ay rideen kaligiii taliyii waxa uu Tababar Millatari u tagey West Wollega,   Degrii-giisii koowaad wuxuu qaatey 2001, wuxuuna ka Jaamacadda Microlink Information Technology College , oo Addis’ababa ku taalla. Wuxuuna bartey kulliyada Injineernimada Koomiiterka (Computer Engineering).   Sannadkii 2005, wuxuu qaatey shahaadada Posta Graduate, wuxuuna ka qaatey South Afrika. Sannadkii 2011, wuxuu shahaadada heerka labaad (MA) ka qaatey Jaamacadda Greenwich, oo L...

Fahanka Jaceylka Waqtigan

Image
  Jaceylku waqtigan waa dhif iyo naadir. Waxaa jira dad iskugu baaqa jaceyl; oo fallaadha jeceylka dhigey calaamad ka mid ah noloshooda. Kuna suntey meelahooga. Waxayna isweyddaarsadaan weedho ROMANTIC AH, kuna tusinaya noloshooda in uu jiro jaceyl. Jaceylka dhabta ahi waa qalbiga; jaceylka dhalanteedka ahina waa jidhka. Sabobtaas ayuuna ka hore waligii u joogaa; ka danbana jidhka la dhammaadaa. Maxaa ka weyn jaceylkii Suubbanuhu (NNKH) u qabey Khadiija markii uu yidhi: “ Waxa la igu arsaaqay jaceylkeeda.” Jaceylka dhabta ahi waa oofin; ka dhalanteedka ahina sawirasho. Bilistii Khadiija waxa ay Suubbanaha u timid iyada oo weyn, wuxuuna u qaadey jaceyl iyo qaddarin. Caa’isha ayaa Suubbanaha ku tidhi: “Maxaad ugu kacdaa islaantaa weyn (cajuusada)?” Wuxuu ku odhan jirey: “ Maalmo ayaan soo wada marney Khadiija..” Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda. Suubbanuhu ma illaawi jirin Khadiija; meelkasta wuu xasuusnaa...

Arjumidda

Image
Arjumiddu (Rajmigu) waa in qofka tunta ee xaaslaha ah ( Nin iyo naagba) lagu dilo dhagaxaan, ka dib marka la helo ee ay caddeeyaan afar markhaati oo lagu kalsoonyahay, shuruudo badanna lagu xidhey. Afarta markhaatiba waa in ay arkayeen in irbaddu dunta ku jirtay. Way isku duljiifeenna lama aqbalayo, caddeyn dhab ah mooyiye. Haddii saddex ka mid ahi arkaan oo uuna mid afartaa ka mid ahi arkayn qofkaa dhagax laguma dilayo. Xukunkaasina ma fulayo, lamana fulinayo. Xukunka Arjumiddu waa mid waayahan danbe noqdey gabbaad Diinta lagu maago oo loogu soo gabbado. Xukunkan waxa aan shaqo kalaba hayn oo ka shaqeeya rag badan oo u badan Calmaaniyiin iyo Caqlaaniyiin. Nimankani waxa ay ku doodaan sideebaa qofnool dhagax loogu dilayaa? Miyeyna arxandarro ahayn? Sideebayse caqligayaga u galaysaa? Nimanku muraad intaa ka badan ayay leeyihiin oo ah in Diinta Islaamka hummaag khaldan ay ka bixiyaan. Arjumidda (Rajmigu) waa xukun ka mid ah xukunnada waaweyn ee Diinta Islaamka. Waxaana jideey...

SIRTA CUSBOONEYSIINTA IYO HAL’ABUURKA

Image
                                                     1-      Maalinkasta oo cadceeddi soo booddo/baxdo waxbaa cusub. Adigu waxa aad isku daydaa in aad sidaas oo kale noqoto, maalinkasta oo cadceedi soo baxdo aad adiguna cusboonaato. Dib-u-cusbooneysiintu waa sirta nolosha. 2-    Iskudey in aad fahanto adduunka aqoon cilmiyeysan; maaha kaliya in aad ku kaaftoonto hadallada warbaahinta iyo saxaafadda oo qudha. Akhri buugta miisaanka culus, iyo fekradaha shilis/xoogga badan leh. Waayo, isbeddelku waaka halaagaya ogeysiiska maalinlaha ah ee isku eeg’eeg. 3-    Akhri fekrada waaweyn, waayo, dhacdo kasta oo weyn waxaa ka danbeysa fekrad weyn. Dhacdadii shaacbaxa Camlaaqigii Shiine, waxaa ka danbeeyay fekrado. In uu Galbeedku xoog lahaado illaa maanta, waxaa ka dambeeya ...