FEKERKU WAA MURAAYADDA QOFKA!

        

Waqtigii hore shakhsiyadda qofka waxbaa laga aaminsanaa. Waxaanna lagu qiimeyn jirey  hadalka. Haddii qofka hadalkiisu misaaman yahay; shakhsiyaddiisuna awood bey leedahay. Haddiise hadalka uu dhabqinayo─oo si bilaa miisaana uu u hadlayo; shakhsiyaddiisu ma dhisnayn!

Arrintaasi waa maangal; waxaanna dabbaqay dadka [soo jireenkeedu] afka yahay (Oral society) ee aan weli horumarin. Balse, hadalku ma u yahay muraayad dawladaha horumaray?
Waxaan hayaa arrin kale, luuqadda iyo hannaankeeda. Hadalka iyo awooddiisa; waa labo arrimood oo baahi loo qabo. Balse, waa waxba la’aan marka fekerku daciifyahay, luuqadduna awood leedahay. Sidaa daraadeed, dadyawga horumarey way dhaafeen gabayga; waxaynna baddelkeeda adeegsadaan fekerka. Gabayga waxa ay la falgaliyaan fekradda; waxaynna isku dayaan in ay feker ahaan naqdiyaan; in ka badan inta ay luuqad ahaan naqdinayaan!
Shacabyada horumaray way jecelyihiin hadalka, waxaynna isku dayaan in ay qaabab cusub u sameeyaan, iyaga oo u eegaya fekerka. Waxa aynnu arki gabay qurux badan luuqad ahaan─oo layaab leh xagga qaafiyadda, balaaqaduna heersare tahay. Balse, aynna jirin wax fekera oo uu gudbinayaa!

 Gabayga Carabta, Soomaalida, iyo kuwa kalaba waxa ay ku meeraystaan ujeeddooyin [ gaar ah]  misana hore oo ay ka midyihiin: Ammaanta, baroordiiqda, iyo kuwo kale oo aan dhaamin! Halka uu fankan bini-aadameed furey noocyo kale oo cusub. Wuxuunna dhex jibaaxaa godad  gundheer oo ka mid ah hammiga bini-adamka.  Sidaa daraadeed buu fekerku uga horreeyaa luuqadda. Waxaynna luuqaddu inta badan kasoo mudh odhanasaa meelaha fekerka lagu shiilayo, iyo meelaha horumarka lagu hadalhayo.

Waqtigii lagu jirey ilbaxnimadii Islaamka, luuqadda Carabigu waxa ay ku guuleysatay in ay kor u qaaddo Sayniska  iyo Falsafaddaba. Sababtuna waxaa weeyi; luuqadda Carabigu waxa ay la socotay fekerka. Bal waxaad akhridaa kutubta Ibnu Rushdi, gaar ahaanna kitaabkiisa (تهافت التهافت), [waxa aad akhridaa ]kutubta Qasaali, gaar ahaanna kitaabkiisa (تهافت الفلاسفة), waxa aad akhridaa kutubta Jawni, gaar ahaanna kitaaabkiisa(غياث الأمم ), [waxa kale oo aad akhridaa] kutubta Ibnu Taymiya, gaar ahaanna kitaabkiisa (نقض المنطق), Markaa waxa aad garan awoodda fekerka iyo xidhiidhka uu la leeyahay awoodda luuqadda. Fekerkuna awood ku yeelan maayo luuqadda.
Saddexdii qarni ee u danbeeyey Reer Galbeedka waxa ay ku dhaboobey horumar fekereed. Waxaynna arrintaa ku xaqiijiyeen kor-u-kac falsafadeed oo ku guuleystay in uu mamnuuco ikhtiraacidda wixii aan loo baahneyn─waxaynna gaadheen heer ay is ku waafaqaan oo ay isku barbardhigaan fekerka iyo luuqadda.

 Galbeedku waxa ay ku guuleysteen; hadal falsafadeed, su’aalo gundheer oo ay dhinac walba iska wayddiiyaan, iyo baroboosallo cusub. Hadalku wuxuu koobsanayaa gundheerida luuqadda uu wax isku barbardhigayo. Marka uu fekeraagu ama falsafadyaqaanku baadhayo dhibaatooyin bulsheed ee halista ah; wuxuu milicsanayaa wuxuu dareemayo, ama wuxuu ka dhex akhrisanayo [ dhibaatada].


   W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir                                                  
   W/T: Cabdirasaaq sandheere                                    
   Email.: drwadaad.yare@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?