Posts

Markasta muhiim baa tahay!

Image
  Waxa caana in qofku marka uu ladanyahay la wada jecelyahay, oo lagu soo hirto, halka marka aanad waxba hayn cidina ayna ku danayn, waxna ku soo moodin, laguna aan jeclay. Ladnaanshuhu maaha kaliya uun jeebka, se wuu noocyo badanyahay, ladnaanshaha waxa ka mid ah in qofku yahay afmaal, inuu yahay qof miisaan leh oo bulshadu qawlkiisa ku go’do, in qofku daacadyahay oo la aamini karo IWM. Isku soo xooriyoo qofka Tayada leh waa la daneeyaa. Tayadu way noocyo badantahay, ugu yaraan noqo qof tayo leh oo daacadnimo, aaminaad, ballan oofin, run iyo wanaag ku caanbax oo ha lagugu barto sifooyinkaas. Adigu muhiim baad tahay, kaliya naftaada muhiim uma tihid, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad tahay xubin ka mid ah bulshada, kaalin baad ugu jirtaa bulshada. Kaalintu maaha mid muuqata uun, waxa ay noqon kartaa mid aan la ogayn oo kaliya adigu aad ogtahay. Kaalinta ugu yar ee aad bulshada ugu jiri kartaa waa in aanad cidna ku tiirsanayn oo adigu dhuunigaaga iyo baahidaada kaafisid, oo a...

Maxaan ku soo arkay Diridhaba?

Image
  Magaalada Diridhaba Juqraafi ahaan waxa ay ku taallaa Bariga Itoobiya. Waxa ayna u dhexaysaa xadka oomiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Diridhaba waxa ay ka mid ahayd Maamulka Soomaalida ka hor intii aan Itoobbiya loo qaybin Kilillada iyo Ismaamullada.  Magaalada Diridhaba, waa mgaalo waddooyin qurux badan leh.Waddooyinka magaaladu waa kuwo waasica oo aad u ballaadhan sida  magaalooyinka kale ee Itoobiya. Waddooyinka Diridhaba waa 4 haad, halka dhinacba laba baabuur oo isku jiho u socda ayaa wada mari kara. Waxa kale oo cajiiba qaabka loo dhisay labada haad dhexdooda oo waxa laga sameeyay Land Scape qurux badan. Si qurux badan badan inta loo qurxiyay ayaa weliba waxyaabo badan lagu qurxiyay. Waxa kale oo lagu beeray dhir qurux badan. Dhirtaasina aad bay u qurxisay.  Magaalada Diridhaba waxyaabaha aan ku arkay ee bogaadinta mudan waxa ka mid ah khudaarta, iyo dhiraynta magaalada. Labadaas arrimood waa farxad, walow Itoobbiya guud ahaan labadaba hodan ku tahay, haddana...

Dheelmintii Nebiga SCW

Image
Taariikhyahannadu waxa ay iswayddiiyaan waqtigii ay dhacday dheelmintii Nebigu SCW.  Waxa ay isku waafaqsanyihiin inay dhacday Hijradii Nebiga SCW ka hor. Balse, waxa ay isku khilaafeen sannadkii ay dhacday dheelmintu sannadka uu ahaa. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen wuxu dhacay 16 bilood ka hor hijradii Nebiga SCW, halka culimada qaarkood kale ay yidhaahdeen waxa ay ahayd hijrada ka hor sannad badhkeed; culimada qaarkood intaa wax u dhawa yay yidhaahdeen. Intaas ka dib waxa ay ku kala duwanaadeen bisha ay dhacday dheelmintu. Culimada qaarkood waxa ay ku adkaysteen inay dheelmintu dhacday bisha Rabiicu Saanii, Bishan waxa xoojiyay Imaamu Nawawi.  Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen dheelmintu waxa ay ahayd bisha Dulqacda. Culimada qaar ka mid ahina waxa ay yidhaahdeen waxa ay ahayd bisha Ramadaan. Sidoo kale, Culimada qaar baa tidhi bisha Rejab ayay ahayd. Gorfaynta arrimahan laga sameeyay way badanyihiin, mas’alooyin badan baa laga yidhi. Aqwaashan waxa aan ka dhadhan...

SIDEE SHAQO LOO HELAA?

Image
   Shaqadu waa hawl u baahan xirfad, dadaal, waqti, farsamo iyo maanhag togan. Qofku xilliga uu shaqadoonka yahay waxa caawinaya waxyaabo badan, waxyaabaha caawinaya waxa ka mid ah in qofku yahay qof diyaarsan oo isagu marka hore u taagan inuu shaqo helo, markuu helana inuu shaqada qaban karo. Se qofka aan diyaarka ahayn fursad kastaa way dhaafaysaa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa farsamooyin aan isleeyahay qofka shaqodoonka way anfacayaan. Tabahaasi ma aha kuwo mala’awaal ah ama aan anigu iska samaystay, balse waa kuwo la tijaabiyay oo dad badan ku guulaysteen. Ila eeg dhawrkan qodob: 1-       Diyaarsanaan:  Marka hore diyaar ahoow, waxa aad u diyaargarawdaa in haddii saacaddaa ama isla berri lagu soo Waco oo hawl laguugu yeedho in aad qabatid. Se haddii aanad isla saacaddan diyaar ahayn, shaqo diyaar uma tihid. Waayo, haddii hawl diyaara laguugu yeedho oo aanad waqtigaas qaban karayn, way ku dhaafaysaa, sidaasna waxa kugu dhaaftay fursad. Fursa...

Goormay dooddu midhadhal noqonaysaa?

Image
 Qoraayadda buugga “ Essentials of Argument” ee Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ xaaladdee ayay Dooddu aad ugu wacantahay?’ Dabadeed waxa ay qabtaa in marka dhawr qodob laga helo ay dooddu si wacan u socoto, misana noqonayso mid la mahadiyo. Qodobbadaa waxaa ka mid ah: 1- Inay jirto arrin laga doodayaa (Issue): Haddii ay jirto xaalad cusub ama arrin cusub oo soo darriday ama jirtayba, se aan wax xala laga gaadhin, waa in markaa xal laga gaadhaa. Waxa qasaba in xaluheliddaa arrintana ay fekrado kalageddisani iman doonaan.  2- Doode: Waxaa iyana lagama maarmaan ah inuu jiro qof bilaabay doodda, ama curiyay oo dhaliyay asalkaba. Qofkaasi oo fekrad qaba, dabadeed dadka kale uu wayddiiyo waxa ay ka qabaan.  3- Dhegaystayaal/ Markhaatiyaal; waa inay jiraan dad goobjoog ahi, ha ahaadaan kuwo ku raacsan ama ku diidan bee. Dadkaasina kaliya ma noqon karaan kuwa dhegaysta uune waxa ay noqon karaan kuwo akhrista, daawada, eega. Sidoo kale, waa inay fahmi karaan, fekeri karaan, su’aa...

Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub 2025ka?

Image
    Waxa innoo bilowday sannad cusub. Waa sannadka 2025ka. Waxa fursad wayna in sannadkan kuu curtay, Alle mahaddii weliba caafimaad, nabad, iyo adiga oo balaayo ka badqaba kuu curtay. Waa nasiib aad dadka dheertahay, Allaha wayna eegayo sidaad uga faa’idaysatid. Waxa aan halkan ku soo koobi doonaa qodobbo aan isleeyahay qofkasta oo sannadkan 2025 u curtay waa u muhiim, wayna anfacayaan, inyar dhegaha iisoo yar jeedi, maskaxdana si wacan ugu dhuux: 1-      Cibaadada ku dadaal: Alle waxa ugu wayn ee uu innoo abuuray waa cibaadadiisa, sidaas darteed guud ahaan Cibaadooyinka ku dadaal. Salaadaha waqtigooda tuko, Sadaqada wixii aad awooddo bixi, Quraanka akhri, wanaaga dadka far, wax wanaagsan samee, guud ahaanna isku day in aad Alle raalligelisid, waxkasta oo cadhada Alle kuu keenayana iska ilaali. 2-     Akhriska qorshaha ku darso: Akhrisku waa quudka maskaxda, jadwal ka yeelo akhriska. Ku dadaal in aad wax akhridid. Akhri waxyaab...

Milicsigayga Sannadkan 2024 ( My Annual Review In 2024)

Image
  Hordhac   Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2024ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2024 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. ...