Posts

Buuga QISOOYINKA Asxaabtii Nebi Muxammad SCW

Image
 Maalin ayuu Asxaabigii Cumeyr Binu Wahab u kacay dhinaca Kacbada si uu ugu soo cibaadaysto oo Sanamyada uga soo barakaysto. Wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo fadhiya Dhagaxa Kacbada agteeda. Wuu salaamay, oo weliba salaantii Jaahiliga ee Carabta ayuu ku salaamay. Waxoogaa bay wadafadhiyeen oo sheekaysteen. Waxa ay isla soo qaadeen arrimo badan, oo ay ka midtahay dagaalkii Beder, iyo wixii iyaga iyo Muslimiinta kala gaadhay ee qabashada, iyo qafaalashada ahaa.  Iyaga oo sheekaysanaya, ayuu Cumeyr yidhi: “ Rabbiga Kacbada ayaan ku dhaartee haddii aan dayn wax aan ku bixiyo aanan haynin la igu lahayn, sidoo kale ayna jirin carruur aan ka baqayo inay gadaashay dayacmaan waxa aan u tagi lahaa Muxammed  oo waan dili lahaa, oo arrintiisa ayaan soo gegabayn lahaa, sharkiisana waan idin kaga filnaan lahaa.  Dabadeed, cod hoose ayuu ku sii raaciyay: “  Waxa jira wax igu kallifaya inaan Madiina tago, oo inankeygii Wahab ayaa halkaa lagu haystaa. Se shakibaan qabaa!” Safwa...

Faallada buugga “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada”

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaahdo “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada” oo cinwaanhoosaadkiisuna yahay ‘ Hagid iyo hagaajin’ waxa qoray Dr. Cabdikariin Bakaar. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye oo ah turjumaa dhallinyaro ah, oo waayadan aad wax u turjuma. Buuga waxa uu kaga warramayaa carruurta iyo qaabka ay baraha bulshada u isticmaalaan. Wuxuu xusayaa halisaha baraha bulshada iyo saamaynta uu carruurta ku yeesho dhinacyada caqliga, jidhka, maskaxda, iyo guud ahaan raadadka taban ee ay carruurta ku yeesho baraha bulshadu. Nuxurka buuga Qoraagu wuxuu xusayaa in ubadku yihiin deeq iyo dayn Alle uu siiyo cidda uu doono. Waa gallad aan lagu keeni karin xoog iyo xeelad. Waa hadiyad Eebbe ku maamuuso cidda uu doono, saboolba ha ahaadee, una diido cidda uu doono hodan ba ha noqotee. Waa ubax iyo udgoon. Waa naxariis iyo naruuro. Waa iftiin iyo ilays. Waa hu’ iyo haybad. Xilligan la joogo dunidu waxa ay maraysaa waqti waxkastaa fududyihiin oo ilbaxnimada iyo iskufuran ji...

Talo Waalid

Image
Aabbo ayaa la taliyay wiilkiisii, wuxuuna ku yidhi: " Wiilkaygiiyoow, nolosha saddex shay ha dayn:  1- In aad cuntid cuntada ugu wanaagsan. 2- In aad ku seexatid sariirta ugu raaxada badan. 3- Iyo in aad ku noolaatid hoy wanaagsan ..."  Wiilkii baa ku jawaabay: " Balse, aabbo waxa aan nahay sabool. Sideen ku heli karnaa waxyaabaha aad sheegaysid?"  Aabbihii caqliga badnaa ayaa ku jawaabay " Haddii aad cuntada cuntid marka aad gaajoonaysid, way kuu dhadhamaysaa, cuntada aad cuntidna waxa ay noqonaysaa ta ugu macaan eed cuntid.  Haddii aad si adag u shaqaysid oo shaqo badan qabatid marka aad seexatid waxa aad seexanaysaa hurdo raaxo leh.  Haddii aad dadka ula dhaqantid si wamaagsan, iyaguna si wanaagsan oo qalbiwanaag ah ayay kuula dhaqmi, waxaanad ku noolaan doontaa qaybiyadooda."

Culayska Masuuliyadda

Image
Xaaskii Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Binu Cabdilcasiis ayaa waxa ay tidhi: “ Maalin ayaa aan u soo galay Cumar oo ku fadhiya masallihiisii, gacanta dhaban ka saaray, oo ilma dhabannadiisa qoysay. Marka ayaa aan ku idhi: ‘ Maxaa kugu dhacay?’ Waxa uu yidhi: ‘ Hoog baan ku suganahay Faadumooy oo waxa la ii dhiibay talada dadkan, markaas ayaan ka fekeray ka baahan ee gaajoonaya, ka buka, ka qaawan, agoonka niyadjabsan, gabadha agoonta ah ee cidlada ah, ka dulman ee xaqiisii meel laga mariyay, socotada la qafaashay, odayga way nee carruurta badan daba ordayso ee aan xoolaha lahayn, iyo kuwa la mid ah eek u nool dhulka aan xukumo. Markaas ayaan xaqiiqsaday in Alle wax iga wayddiin doono maalinta Qiyaame, sidaas darteed ayaan u ooyayaa.’…”  Masuuliyaddu waxa ay leedahay culays, waxa waajiba qofkasta oo cid masuul looga dhigaa inuu masuuliyaddaas ilaaliyo, haddii ifka cid la xisaabtanta uu waayo, ha ogaado in aakhiro jirta meel caddaalada oo lagula xisaabtami doonaa.  Madaxdeennu wa...

Safarkaygii Magaalada Goday

Image
  Hordhac 30 Ogosto, 2024ka waxa aan safar saacado badan qaatay ku gaadhay magaalada Goday ee Xarunta Gobolka Shabeelle. Ujeeddada safarku waxa ay ahayd ka qaybgalka Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas ka furmayay magaalada Goday, iyo dalbarasho dadban oo ay muhiim tahay in qofku dhulka, bulshada iyo ciiddiisaba bartaa. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa socdaalkaas dheer ee aan ku tagay magaalada Goday, meelihii aan sii maray, iyo guud ahaan wixii aan deegaannadaa ku soo arkay. Waxa kale oo aan si guudmara uga warrami Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas magaalada ka socda iyo sidii jewigu ahaa. Deegaannada aan Maray Markii koowaad ayaan magaalada Jigjiga dhinaca Koonfur Bari uga baxay, waa jidka dheer ee boqollaalka kiiloomitira ee deegaanno badan taga, aakhirkana gaadha magaalada aan u socdo ee Goday. Abbaaro 10:00 ayaan ka dhammaaday Jigjiga oo dariiqa cagta saaray. Dhulku cagaar buu ahaa, agagaarka iyo meelaha ku hareeraysan laamaydu waxa ay aha...

Shaqada joogtada ah iyo adoo wax suga uun midkee waxtar leh?

Image
Dabeecadda dadku waxa ay u badantahay inay jecelyihiin inay si FUDUD wax ku helaan. Ma rabaan inay waqti, tacab, tamar iyo waqti geliyaan waxa ay rabaan. Xagga loo badanyahay ee la iska wada rabaa waa in fadhiga wax lagu helo. Se taasi wa dhacdo, hadday dhacdana way yartahay, mana raagto. Marka shaygu tacab iyo tamar ku yimaad, macne gaara ayuu sameeyaa, wuuna daa'imaa. Se wixii fudayd lagu helo, fudayd baa lagu waayaa. Inkasta oo ay dhaqanka bini'aadanka tahay inay jecelyihiin inay helaan waxayna u daalin, haddana waa mid u baahan in qofku fahmo muhiimadda ay leedahay hawlkarnimada iyo dadaalku. Wax qabo, dadaal oo waqti geli. Wuu kuu daa'imi, midho fiicanna aakhirka waad ka heli. Waxkasta oo raaga iyo waxkasta oo waqti qaataa macnuu sameeyaa, waana raandhiis.

Bandhiga Buugta Goday 2024

Image
Hordhac Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book Fair). Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’   Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu qaban jirin bandhigyada...