Culayska Masuuliyadda
Xaaskii Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Binu Cabdilcasiis ayaa waxa ay tidhi: “ Maalin ayaa aan u soo galay Cumar oo ku fadhiya masallihiisii, gacanta dhaban ka saaray, oo ilma dhabannadiisa qoysay. Marka ayaa aan ku idhi: ‘ Maxaa kugu dhacay?’ Waxa uu yidhi: ‘ Hoog baan ku suganahay Faadumooy oo waxa la ii dhiibay talada dadkan, markaas ayaan ka fekeray ka baahan ee gaajoonaya, ka buka, ka qaawan, agoonka niyadjabsan, gabadha agoonta ah ee cidlada ah, ka dulman ee xaqiisii meel laga mariyay, socotada la qafaashay, odayga way nee carruurta badan daba ordayso ee aan xoolaha lahayn, iyo kuwa la mid ah eek u nool dhulka aan xukumo. Markaas ayaan xaqiiqsaday in Alle wax iga wayddiin doono maalinta Qiyaame, sidaas darteed ayaan u ooyayaa.’…”
Masuuliyaddu waxa ay leedahay culays, waxa waajiba qofkasta oo cid masuul looga dhigaa inuu masuuliyaddaas ilaaliyo, haddii ifka cid la xisaabtanta uu waayo, ha ogaado in aakhiro jirta meel caddaalada oo lagula xisaabtami doonaa.
Madaxdeennu waa inay masuuliyadda ay UMMADDA u hayaan xil iska saaraan, oo ay ogaadaan in waxa ay maamulaan CIDKASTA oo ku dhex dayacanta in iyaga la wayddiin doono.
Comments
Post a Comment