Talo Waalid



Aabbo ayaa la taliyay wiilkiisii, wuxuuna ku yidhi: " Wiilkaygiiyoow, nolosha saddex shay ha dayn: 
1- In aad cuntid cuntada ugu wanaagsan.
2- In aad ku seexatid sariirta ugu raaxada badan.
3- Iyo in aad ku noolaatid hoy wanaagsan
..." 

Wiilkii baa ku jawaabay: " Balse, aabbo waxa aan nahay sabool. Sideen ku heli karnaa waxyaabaha aad sheegaysid?" 

Aabbihii caqliga badnaa ayaa ku jawaabay " Haddii aad cuntada cuntid marka aad gaajoonaysid, way kuu dhadhamaysaa, cuntada aad cuntidna waxa ay noqonaysaa ta ugu macaan eed cuntid. 

Haddii aad si adag u shaqaysid oo shaqo badan qabatid marka aad seexatid waxa aad seexanaysaa hurdo raaxo leh. 

Haddii aad dadka ula dhaqantid si wamaagsan, iyaguna si wanaagsan oo qalbiwanaag ah ayay kuula dhaqmi, waxaanad ku noolaan doontaa qaybiyadooda."

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”