Safarkaygii Magaalada Goday
30 Ogosto, 2024ka waxa aan safar saacado badan qaatay ku
gaadhay magaalada Goday ee Xarunta Gobolka Shabeelle. Ujeeddada safarku waxa ay
ahayd ka qaybgalka Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas ka furmayay magaalada
Goday, iyo dalbarasho dadban oo ay muhiim tahay in qofku dhulka, bulshada iyo
ciiddiisaba bartaa.
Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa socdaalkaas
dheer ee aan ku tagay magaalada Goday, meelihii aan sii maray, iyo guud ahaan
wixii aan deegaannadaa ku soo arkay. Waxa kale oo aan si guudmara uga warrami
Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas magaalada ka socda iyo sidii jewigu
ahaa.
Deegaannada
aan Maray
Markii koowaad ayaan magaalada Jigjiga dhinaca Koonfur Bari
uga baxay, waa jidka dheer ee boqollaalka kiiloomitira ee deegaanno badan taga,
aakhirkana gaadha magaalada aan u socdo ee Goday. Abbaaro 10:00 ayaan ka
dhammaaday Jigjiga oo dariiqa cagta saaray. Dhulku cagaar buu ahaa, agagaarka
iyo meelaha ku hareeraysan laamaydu waxa ay ahayd doog iyo cagaar cajiiba oo
indhaha u roon. Runtii aad baad ugu raaxaysanaysaa laamayda siman ee sida wacan
u dhisan, iyo dhulka ku hareeraysan ee wada dooga iyo cagaarka leh ee indhaha u
roon. Soo jiidasho wayn buu deegaanku lahaa.
Arrinta ashqaraarka leh waxa ka mid ah amminta ay isku
beegmaan buuraha, dooga, cagaarka, laamayda siman ee nadiifta ah, cirka wada
daruuraha ah iyo jawiga deggan ee guud ahaan dhulka iyo cirkaba. Waxa aad
moodaa inay is aroosayaan cirka iyo dhulku oo isku soo muusoonayaan oo sida ay
iskugu soo dhawaadeen ee cirku darooraha usoo dhaysiyay, dhulkuna dooga iyo
degganaanta usoo dejiyay waxaad moodaa lammaane ismehersaday oo dhawaan
aqalgalaya. Heersare.
Markii aan waxoogaa socday waxa aan galay magaalada Qabribayax
oo ahayd meel aan aad u maqlay. Inkasta oo ay xukunto degmo ahaan goobta aan ku
dhashay ee Qabalayga Gobyarta ( Qorijabka), haddana magaalada lafteeda hore uma
arag, maqal mooyee. Aad bay dhegahayga uga badatay. Inaan arki waayana waxa
sababay aniga oo deegaankaas yaraan kaga tagay, markii aan xoolaha eegi jirayna
xooluhu halkaas ilama gaadhi jirin, safarka aan magaalo ku tagaana waqtigaas
aan yaraa ma safri jirin. Safarka iigu dheer waqtigaas wuxuu ahaa ka aan
foofiyo xoolaha ee halka caanamaal ah qaata. Magaaladaas dhegahayga ka badatay
waxa aan fursad u helay inaan markan arko.
B) Gobolka
Jarar
Intii aan sii socday meelaha aan sii maray waxa ka mid ahayd
magaalada Dhagaxbuur ee Xarunta Gobolka Jarar. Magaalada Dhagaxbuur in badan
baan maqlay, aadna xiiso gaara ayay iigu lahayd. Waayo, waa magaalo taariikhi
ah oo aan arkay ama aqaan dad badan oo ka soo jeeda ama ka yimid ba. Waa
magaalo taariikhi ah. Taariikhda Soomaalida meel wayn bay kaga jirtaa.
Gobolkan Jarar waxa aan sii maray deegaanno badan oo aan ka
maqli jiray suugaanta Soomaalida iyo dhaantooyinka dhulka lagu ammaanayo.
Deegaannadaas waxa aan ka xusi karaa: Araarso…
T) Gobolka
Qorraxay
Safarku wuu dheeraa, deegaanno badan, tuulooyin ciiddaa ka
badan iyo daabiyado badan waan sii maray. Meelaha hadalka aan ku hayay ee aan
indhahayga ku arkay magaalada Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxay. Waa
magaalo inta badan suugaanta Soomaalida aan ku maqlay, oo aan xog badan ka
hayay. Waxa ay ka mid ahayd meelaha xiisaha gaarka ii samaynaysay inaan arkaa. Magaalada
Qabridahar waxa ay leedahay meelo badan oo taariikhi ah, waxyaabaha taariikhiga
ah waxa ka mid ah Gaawaha ku xardhan badhtamaha magaalada ee isgoyska ah. Waa ‘
Gaawe’ muujinaya dhaqankii asalka ahaa ee Soomaalida. Gaawaha ama dhinac aan u
dhigee ‘ Gorofku’ taariikhda Soomaalida iyo dhaqankaba aad buu ugu waynyahay oo
kaalin wayn buu kaga jiraa. Aasarta cajiibka ayuu ka midyahay astaanta Gaawaha
ah ee ka taagan badhtamaha magaalada Qabridahar.
Waxyaabaha bogaadinta mudan ee deegaannada kale dheertahay
Qabridahar ee aan ku soo arkay waxa ka mid ah Jaamacadda wayn ee Qabridahar oo
duleedka magaalada ku taalla. Jaamacadda dhismaha loo sameeyay, bilicda loo
yeelay, qaabka loo qorsheeyay iyo muuqaalkeeda guudba waa mid soo jiidasho leh
oo farriin gudbinaya. Waan booqday oo indhahayga ayaan ku arkay, runtii aad bay
iisoo jiidatay. Albaalbka hore ee laga galayaa waa mid loo nashqadeeyay qaab
cajiib ah. Arday aad u badan ayaa ku xeraysan oo wax ka barta Jaamacadda.
Waa Jaamacadda Qabridahar
Waxa jira deegaanno badan oo ku yaalla gobolkan Qorraxay oo
aan inta badan magacyadooda aad uga maqlay dhaantooyin iyo suugaanta lagu
ammaanayo dhulkaas. Deegaannadaas aan sii maray ee indhahayga ku arkay waxa ka
mid ah: Shaygoos, Ijiwaaji, Booddalay, Birqod…
Magaalada
Goday
Waxa aan si nabada u gaadhay magaalada Goday ee xarunta
gobolka Shabeelle, oo ahayd meesha aan u socday ee socdaalaygu ku jihaysnaa. Magaalada
Goday waa magaalo kulul oo cimilo ahaan kulul. Waa magaalo si wacan loo
qorsheeyay oo loo nashqadeeyay. Waxa ka dhisan jidad qurxoon oo bilicsan.
Dhinaca kale, magaaladu waa mid horumarsan oo waxa ka dhisan hudheello casriya.
Magaalada Goday waa magaalo qadiimi ah, oo taariikhda
Soomaalida baal dahabi ah ku leh. Waxa lagu naanaysaa Goday Gacalo. Waa meel
dadkeedu yihiin dad goba oo gacala oo lala noolaan karo. Jawi ahaan waxa ay ka mid tahay meelaha ugu
kulul Dawlad deegaanka Soomaalida.
Magaalada waxa u astaan ah ‘ XASIID’ ama waxa deegaannada qaar looga yaqaan ‘ SABUUL.’ Sawir muujinaya ‘ Xasiid’ ayaa farasmagaalaha ku yaalla. Xasiiddaa waxa laga dhigay astaanta magaalada. Xasiid bislaatay oo galkii tuurtay ayaa la sawiray. Waan booqday astaantaa. Aad bay iisoo jiidatay.
Meelaha cajiibka ah ee intii aan magaalada joogay aan booqday waxa
ka mid ah Webiga Shabeelle oo kanbalka magaalada mara. Webigu magaalada wuu u
muuqdaa, wuxuuna ku kordhiyay bilic, waxsoosaar, iyo waxyaabo badan oo faa’ido
u leh dadka iyo deegaankaba. Webigu magaalada wuu quudiyaa, oo waxsoosaarka
magaaladu ku nooshahayba isaga ayay ku xidhantahay.
Meelaha aan booqday waxa ka mid ahaa Beerta Nasashada Goday.
Waa beer ballaadhan oo si aad u ballaadhan looga shaqeeyay. Waxa laga beeray
dhir aad u farabadan oo noocyo badan iskugu jira. Beerta waxa ku dhex yaalla
meel cuntooyinka iyo sharaabka lagu bisleeyo oo makhaayada. Waxa cajiiba in
isla beerya laga helo waxkasta oo qofku u baahdo oo cunto ah. Ayi nooc khudaara
ah ayaa ka baxa.
Magaalada Goday waxyaabaha ay ku caantahay waxa ka mid ah
waxsoosaarka. Waxa lagu qureecdaa hadhuudhkii la soo saaray, waxa lagu qadeeyaa
Bariiskii iyo khudaartii la beeray, waxaana lagu casheeyaa cuntada waddanida ay
beertaan. Khudaarta noockasta waa laga beeraa magaalada Goday.
Bandhiga Buugta
Goday (Goday International Book Fair)
Intii aan magaalada joogay waxa aan ka qaybgalay bandhiga
Caalamiga ah ee Buugta Goday ( Goday International Book Fair) oo maalmahaas
socday. Bandhigu wuxuu u dhacay qaab wanaagsan.
Bandhiggu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo
Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta
Dhallinyarada, doodaha iyo bandhigyada waxa lagu qabanayay Hoolka Shabeelle.
Waxa qabsoomay doodo badan oo ku saabsan noocyada laamaha aqoonta taabanaya.
Waxyaabaha doodaha ama Panels ka lagaga hadlay waxa ka mid ah waxsoosaarka
dhinaca beeraha iyo xoolaha. Khubaro ku takhasusay waxsoosaarka ayaa arrintaa
ka qaybgalay. Waxa ay xuseen muhiimadda waxsoosaarku leeyahay, gaar ahaanna u
leeyahay deegaannadaas. Muhiimaddaas waxa ka mid ah wuxuu leeyahay faa’ido
caafimaad, waxa laga helaa dhaqaale, waxa laga helaa shaqo abuur, wuxuu
dhiirrigeliyaa qofka iyo bulshada. Sidoo kale, waxa ay xuseen caqabadaha haysta
beerallayda iyo xooladhaqata. Caqabadahaas waxa ka mid ah: Aqoonta ay u
leeyihiin waxsoosaarka oo xaddidan, qalabka la haysto oo aan casri ahayn,
dhiirrigelinta oo yar, IWM.
Cashirrada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah Raadka
tiknoolajiyadda casriga ahi ku leedahay hal’abuurka dhallinyarada. Waxa qaybtan
ka qaybgalay oo soo jeediyay khubaro kala duwan oo aqoon u leh tiknoolajiyadda,
ganacsiga, suuqyada caalamka IWM. Ka qaybgalayaashu waxa ay xuseen muhiimadda
ay leedahay tiknoolajiyaddu. Tiknoolajiyadu waa tiir wayn oo ka mid ah
waxyaabaha haga nolosha casrigan. Waqtigan la joogo tiknoolajiyaddu melena kama
madhna, waxkasta oo la qabanayo qayb ayay ka tahay oo saamayn bay ku leedahay
Tiknoolajiyaddu. Waxyaabaha ay xuseen aqoonyahannadu waxa ka mid ah inay muhiim
tahay inuu qofku barto xirfadaha la xidhiidha tiknoolajiyadda sida Digital
Marketing ga, Web Design ka, copywriting IWM.
Intii bandhiggu socday waxa lagu soo bandhigay buugaag kala
duwan, buugtaasi oo ku kala saabsan mawduucyo kala duwan, mawduucyadaas waxa ka
mid ahaa taariikhda Soomaalida, Suugaanta Soomaalida, dhaqanka Soomaalida,
dawladnimada, siyaasadda, dhaqaalaha, sirdoonka, akhriska, arrimaha bulshada
iyo IWM. Waxa kale oo iyaguna ku jiray buugaag ka warramaya mawaadiic guud oo
bulshada nolosheeda taabanaya.
Anigu shakhsiyan waxa aan kaga qaybgalay oo ku soo bandhigay
buuga la yidhaahdo ‘ SIRDOON’ oo aan anigu turjumay. Buugu wuxuu ka warramayaa
arrimaha la xidhiidha Sirdoonka, basaasnimada iyo guud ahaan mukhaabaraadka.
Panel kii aan ku qornaa waxa aan kaga warramaya hordhac guud oo ku saabsan
buuga SIRDOON. Buuga Sirdoon waxa qoray Qoraa Maxamuud Cabdillaahi. Waxa guula
inaan xuquuqda buuga ( Copyright) ka iibsaday oo lacag ka bixiyay, waraaqad
heshiis ah oo helidda xuquuqda ku saabsanna kala saxeexannay Madbacaddii
daabacday buuga. Buuga sirdoon wuxuu ka warramayaa 25 qiso oo basaasnimo ah.
25ka qof ba waa dumar. Qisada basaasadda, guud ahaan nolosheeda, cashirrada
laga baran karo, iyo guud ahaan wax ku saabsan mawduuca qisadu daarantahay
ayaan buuga sheekada ku koobayaa.
Waxyaabaha
gaarka ah ee safarka Goday ka bartay
Runtii socdaalka aan ku tagay magaalada Goday wuxuu ahaa mid
cajiiba oo waxyaabo badan oo noloshayda aanan hore u arag ku arkay. Waxyaabahaas
waxa ka mid ah
B) Raacid Diyaaradeed markii 1aad
Intii aan noolaa diyaarad hore uma raacin ka hor maalintan 2
Sept. 2024. Labadii bisha sagaaladaa sannadkan 2024 ayaan markii 1aad diyaarad
raacay. Waxa aan ka raacay magaalada Goday, waxaanan ku tegay magaalada
Jigjiga. Waxyaabaha xiisaha ii samaynayay ee aan arkay waxa ka mid ah garoonka
ay diyaaraddu ka haaddo ama soo fadhiisato. Wuxuu ahaa mid baaxad wayn oo
ballaadhan, runtii waa khibrad. Waxa iyadna xiiso gaara lahayd baadhidda iyo
isbaarooyinka kala duwan ee la sii maro marka diyaaradda la raacayo, markii aan
garoonka galayay illaa laba jeer ayaa nala baadhay oo Kabaha iyo suumankaba la
bixiyay. Waa arrin kale oo maqal uun iga ahayd, se markan aan ficil ahaan ku
arkay. Waxa iyadna xiiso gaara lahayd meesha terminal ah ee lagu sugo inta
diyaaradda loo diyaargaroobayo ee la sugayo duulimaadka. Waa meel aan hore u
maqli jiray.
Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ahayd diyaaradda oo
markii hore ee aan sawirrada ku arki jiray ila ahayd wax wayn, se markaan arkay
ila noqotay wax aan sii waynayn. Muuqaal ahaan markaad dusha ka eegto waxa ay u
muuqataa mid aan waynayn, se gudaha way ka ballaadhantahay, wayna ka
waasacsantahay. Sidoo kale, markaad dusha ka eegtid ee markay garoonka fadhido
aragtid wax sii waynayn maaha. Se markaad dhexgashid way waasacsantahay. Sidoo
kale, waxa aad mooddaa inay gudaha u yartahay, se uma yara. Waayo, calaa dhinac
waxa ay leedahay afar kursi. Runtii waa arrin kale oo aan khibrad ahaan ku
arkay.
Marka ay diyaaraddu kacayso iyo marka ay soo degaysaba waa
naxdin. Guux badan, isbeddel iyo jewi aan degannayn ayay samaysaa. Qof aan hore
u arag aad buu u yar naxayaa oo wuxuu isleeyahay malaha way ba dhacaysaa
diyaaraddu. Marka ay hawada gasho jawigu wuu degayaa, waxaanad moodaysaa inayna
soconayne ay taagantahay. Jawiga ay ku jirtaa waa mid deggan oo aad moodaysid
inayna socon ba. Waxyaabaha cajiibka ah ee marka ay diyaaraddu hawada ku jirto
aad arkayso waxa ka mid ah in daruuruhu kaa hooseeyaan, oo waxa hoos kaaga
muuqda waxa aad moodaa qiiq meel ka kacay oo samada galay. Maalintan aan raacay
diyaaradda daruuro ayaa jiray, daruurahaas markii hore waxa aan moodayay qiiq
hawada galay ama inuu dikhow jiray.
Runtii maalintaas waxa ay ii ahayd khibrad iyo waa’ayaragnimo
ii dhinnaa. Inaan diyaarad raaco ama safar diyaaradeed galo waan xiisaynayay oo
xiiso gaaray igu haysay maadaama aanan hore u raacine maqal uun igu ahayd.
T) Deegaanno badan baan maray
Waxyaabaha cajiibka ah ee aan socdaalkan ku arkay waxa ka mid
ahaa inaan indhahayga ku arkay deegaanno badan oo ay ka midyihiin gobollo,
magaalooyin, tuulooyin, daabiyado iyo dhul badan ba. Dhul sidaa u ballaadhan
way yartahay intaan maray. Dawlad deegaanka Soomaalidana waa markii 1aad ee
dhulka ugu badan aan ka maray ama arkayba.
Gebagebo
Wuxuu ahaa safar dheer oo waqti badan qaatay, se aan ka
dhaxlay khibrad badan. Waxa aan soo arkay dhul badan iyo gobollo badan. Waxa
aan booqday meelo kala duwan oo ay ka midyihiin Webiga Shabeelle, Jaamacadda
Qabridahar, Beerta Nasashada Goday, Calaamadda magaalada Goday, iyo meelo badan
oo kale.
Waxa aan si ballaadhan ugu mahadcelinayaa dhallinyaradii soo
qabanqaabisay bandhiga buugta Goday oo I martiqaaday, fursadna ii siiyay inaan
magaaladan booqdo. Si gaara waxa aan ugu mahadcelinayaa saaxiibkay Maxamed
Marsheeye oo ahaa Agaasimihii bandhiga Buugta Goday, oo anna si gaara
martiqaadka iigu fidiyay. Sidoo kale, waxa aan u mahadcelinayaa dhallinyarada
magaalada Goday, maamulka magaalada iyo guud ahaan shacabka magaalada Goday oo
si wayn oo qiimo leh noo soo dhaweeyay intaan joognay. Mahadsanidiin, dhammaantiin.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Sept. 2024
Comments
Post a Comment