Posts

Maarayntan Caajiska

Image
Hordhac Caajisku waa waqti lumiyaha ugu wayn. Qofka waqtigiisa ayuu ka lumiyaa. Qofkii oo maanta oo dhan inuu hawl qabto wuu ka wahsanayaa. Qofku ma rabo inuu wax qabto. Marar badan qofku isaga oo awooda hawlqabashada ayuu haddana aanu qabanayn, sabab? Sababta ugu wayn waxa weeyaan caajis. Caajiska ayaa ka turjumaya xaalad hawl la'aaneed ee qofka haysata ama daal xaa murqaha qofka hawl uu qabtay awgeed, waxaa suura gal ah caajisku inuu ahaado mid jidheed ama mid maskaxeed, caajiska iyo daalka qofka ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay walax qabashadood oo loo kici waayo iyadoo ay jirto awoodii lagu qaban lahaa, saamaytiisa ayaana u badan markii cadaadiska xaga shaqada ahi uu bato. Caajisku wuxuu keenayaa inuu qofku waxba qaban waayo oo waxkasta ka caajiso. Maxaa sababa caajiska? Caajiska waxyaabo badan ayaa keena, waxyaabaha keena waxa aan ka xusi karnaa: 1-      Hurdo la’aan ama hurdo yaraan. 2-    Gaajo. 3-    Mashquul la’aan. 4- ...

Si Kooban Siirada/Taariikhda Nebi Muxammed SCW

Image
Nebi Muxammed SCW wuxuu dhashay Bisha Rabiicul Awal, sannadkii 570kii. Wuxuu ku dhashay Maka. Aabbihii Cabdillaahi wuxuu dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira. Agoonnimo ayuu la kulmay yaraantiisii. Waxa naaska nuujiyay Xaliima-Sacdiya iyo Ummu Ayman. Miyi ayaa la geeyay, adhijire ayuu muddo ahaa. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jir ah. Waxa kafaalaqaaday Awawgii Cabdimuddalib. Awawgiina waxa uu dhintay Nebiga 8 jir ah. Adeerkii Abuu Daalib ayaa Kafaalaqaaday, isaga ayuuna intii danbe ee noloshiisa la noolaa. Waxyar ka dib ganacsi ayuu bilaabay. Reer ayuu adhi u eegi jiray. Haddana gabadh ganacsi lahayd ayuu awrta u kaxayn jiray, oo u kala maamuli jiray. Muddo ayuu shaqadaas hayay. Gabadha uu shaqayn jiray waxa ay ahayd Khadiija. Ammaanadiisa ayay jeclaatay, ugu danbayna waxa ay u soo bandhigtay inay isguursadaan. Wayna isguursadeen Nebi Muxammed iyo Khadiija. Nebigu wuxuu ahaa 25 sano jir; Khadiijana 40 jir guur hore soo martay.Noloshii qoysnimo ayuu galay. Wuxuu ahaa qof ...

Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?

Image
Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho, qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo? Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan: 1-       Qorshe yeelo Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin doontaa? Qiimayaasha?   IWM. Qorshe noocaas ah samayso. 2-       Hammi yeelo Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu wuxuu ka midyaha...

Maalgelinta Nafta

Image
  Inta badan marka aynu maalgelin maqalno waxa maskaxdeenna ku soo dhaca maalgelinta la xidhiidha lacagta, ganacsiga, dhulka IWM. Ka soomaali ahaan maalgelin in aynu dhinaca nafta u qaadno waa yara ugub. Caalam ahaan, iyo eraybixin ahaan marka la sheegaba maalgelintu ma aha ta lacagaha iyo hantida muuqata la xidhiidha, ta ugu qaalisani waa maalgelinta nafta. Maalgelin la sheego waxa ugu manfac badan, uguna faa’ido iyo raandhiis badan maagelinta nafta. Qofku halkii uu ganacsi ama wax kale ka maalgashan lahaa waxa kun jeer uga faa’ido badan inuu naftiisa maalgashado. Sabab? Sababtu waxa weeyaan maalgelinta naftu waa mid aan qofka ka hadhin lagana xadi karin, balse haddii tusaale ahaan qofku ganacsi samaysto waxa suurtagala in lacagtii ganacsiga uu ka samaystay ka baabba’do, ganacsigiina ka kaco, balse qofka naftiisa wax geliya wax anftiisa uu geliyay ee maalgashi ah sida aqoon iyo xirfad ma kacaan, oo arki maysid aqoon la leeyahay way kacday sidii ganacsiga. Dhinac kale aan k...

Qorshaha Qalijebinta ka dib

Image
   Bishan waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo. Maadaama ardaygu muddadaas wax soo baranayay, wuxuu u baahanyahay talo iyo tusaale, waayo waxa uu gelayaa marxalad nololeed oo tii hore ka duwan. Sida uu marxaladdaas u la qabsan lahaana waqti bay qaadanaysaa, awood riixdana way u baahantahay. Mar haddii ardaygii qalinjebiyay waxa laga filayaa isbeddel badan, oo dad ay ugu mudanyihiin kuwii ku soo tabcay waxa ay ka sugayaan inuu iyaga waxtaro. Arrinta ugu muhiimsani waa shaqo, shaqana waqtigan la joogo sida lagu helaa way adagtahay. Ardayoow, muddo badan ba...

Barashadii Saaxiibkay: 7 sano oo Saaxiibtinnimo & Walaalnimo

Image
Xalay waxa aan satoogiyay saaxiib igu qaali ah. Toddoba sano ayaan saaxiibbo dhaw oo isku meel ku wada nool ahayn. Waa halkii maahmaahdii Soomaalidee wadajoog rag waayahaa diidaye waxa na kala gaysay duruuf nololeed oo qasab noqotay, balse ma aha mid aan ku kala dheeraanayno, qalbiyadayadu way   wada joogaan, waxaanan wehel wayn noo noqon doona xasuusihii aan soo wada qaadannay ee 7 sano hortood bilaabmay. Isku qabiil maanaan ahayn, walaalo hooyo wada dhaleen iyo ilma adeer iyo qaraabo kale toona maanaan ahayn. Se intaaba wuu iiga dhaawaaday, wuuna iiga wacnaa. Ujeeddada kaliya ee isku kaaya keentay waxa ay ahayd isfahan iyo isku dareen wada raba, isku dhinac u wada socda. Waan isduruuf ogayn, waanan iska warhaynay. Waxa aan isbarannay waqti aannu labadayaduba barbaar wada ahayn, waa waqtiga saaxiibtinnimadu qiimaha leedahay ee qofka haddii ay ka xumaato saamayn taban oo nololeed ku keento, haddii ay u samaatana saamayn togan u keento. Abuubakar waxa aan isku barannay Masaa...

Taariikhda Sh. Yuusuf Al Qardaawi

Image
Hordhac Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii Sibtanbar 2022kii waxa geeriyooday Sheekh Yuusuf Cabdullaahi Al Qaradaawi. Wuxuu ku geeriyooday da’da ah 96 sano jir. Sheekh Yuusuf, waxa uu ahaa aqoonyahan Islaam ah oo ku takhasusay culuumta kala duwan ee Islaamka, waxa uu baac dheer u lahaa aqoonta Diinta Islaamka. Sidoo kale, waxa uu ahaa Mufti, iyo Wadaad wax taxliiliya oo mas’alooyin badan aqoontiisa darteeda wax ku darsaday. Dhalashadii, Barbaarintii iyo Waxbarashadii Qardaawi Sh. Yuusuf, sannadkii 1926kii ayuu ku dhashay dalka Masar, gaar ahaanna tuulada la yidhaahdo Saft Turab. Wuxuu asal ahaan u dhashay dalka Masar, oo uu ka soo jeeday. Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah oo beeralay ah, waalidkii waxa ay ahaayeen oo ku shaqaysan jiray xirfadda beeraha. Aabbihii ayaa geeriyooday isaga oo laba sano jiray, wuxuuna agoonnimo ku dareemay da’da laba sano jir ah. Markii aabbihii dhintay waxa soo koriyay adeerkii.   Sh. Qardaawi waxa uu dhashay iyada oo dalkiisii Masar uu gum...