Posts

5ta Jeel ee adduunka ugu silica xun!

Image
Jeelalku waa goobaha lagu xidho ee lagu hayo eedaysanayaasha danbiyada kala duwan gaystay. Waddanwal ba way ku yaallaan Jeelashu. Sida sharciyada caalamku dhigayaan waxa laga rabaa in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmo, oo dadnimadiisa la ilaaliyo xuquuqda uu qof ahaan leeyahayna helo. Se waxa jira Jeelal badan oo maxbuusku aannu xaq iyo xuquuq toona lahayn, oo sida dugaaga loola dhaqmo. 5ta xabsi ee ugu xun adduunka ayaynnu soo qaadan: 1-       Attica Xabisa la yidhaa: Wuxuu ku yaallaa dalka Maraykanka, gaar ahaann New York, waxaa la dhisay 1971dii. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ka dhaca. Marar badan ayay maxaabiistu gadoodeen. Bishii Semtenber sannadkii 1971kii 1000 Maxbuus oo ka mid ah kuwii ku xidhnaa Xabsiga ayaa gadooday, mudaharaad ayay sameeyeen xabsigana gacanta ayay ku dhigeen. Waanwaan iyo dhexdhexaadin socotay afar cisho ayaa nimankii maamulka hayay isku raaceen in 28 maxbuus la sii daayo, se maxaabiistii may yeelin. C...

Sookoobidda buugga “ Show Your Work ~ Shaqadaada Muuji”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Show Your Work ~ Shaqadaada Muuji” Cinwaanhoosadna uu uga dhigay “ 10 Hab oo aad hal’abuurnimadaada ku baahin karto, kuna daahfuri karto.” Waxa qoray Austin Kleon, oo dhashay   1983 . Da’ ahaan wuu yaryahay oo waa 37 sano jir. Waa qoraa ka mid ah qoraayada buugtoodu ugu iibisga badantahay Wargeyska New York Time. Buuggan iyo laba kale oo la kala yidhaa ‘ Steal Like an Artist ’ iyo ‘Newspaper Blackout’ ayuu qoray. Saddexduba buuga loogu iibsiga badanyahay ayay ku jiraan. Qoys aqoonyahanno ah ayuu ka soo jeedaa. Aabbihii Bare Jaamacadeed ayuu ahaa, Hooyadiina lataliye iyo Maammule Dugsi ayay ahayd. Waa qoraa, iyo abwaan.   Gabayo ayuu tiriyaa. Wuxuunna qoraa sheekooyinka kaladuwan. Barnaamijyo kaladuwan ayuu ka qaybgalaa,qaarna sii daayaa. Barnaamijyada uu ka hadlo waxa ka mid ah Barnaamijka TEDx. Si guud buuggan waxa uu ugaga warramayaa xirfadda shaqada qofku sidii uu ku muujin lahaa, ee uu mid macno leh uga dhigi lahaa. Buugga 10 sifo kali...

Sookoobidda Buugga “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa waxa qoray “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta” waxa qoray Jack Welch, oo ah qoraa iyo ganacsade. Muddo badan ayuu ganacsiyo maammulayay, sida General Elec tric Company Buuggu waa 142 bog. 4 qaybood ayuu qoraagu u qaybiyay. Waxa uu buugga kaga warramayaa qofka maammulka sirta uu ku shaqaynayo ee uu shaqaalihiisa iyo macaamiishiisa. Nuxurka Aragtiyaha uu u arko inay SIRTA hoggaamiyaha yihiin ayuu qoraagu aad u xusayaa. Weliba aragtidiisa ayuu ku salaynayaa. Aynnu qaar ka mid ah 29ka SIROOD soo qaadanno: 1-       Awood isbeddeleed: Meesha aad doonto ayaad hoggaamin kartaa. Ganacsi baad samayn kartaa, dad baad hoggaamin kartaa. Waa inaad AWOOD ISBEDDEL lahaatid. 2-     Xaqiiqada inuu wajaho: Sida ay waxyihiin macaan iyo qadhaadh ba waa inuu hoggaamiyuhu ku dhacaa. Maaha in uu been isku maaweeliya. 3-      Hiraal samee, ka dibna ku dhaqaaq waddada hiraalkaa aad samay...

Dhaqannada Goobaha Ganacsiga: Gaar ahaan Shaqaalaha Shirkadaha Waaweyn

Image
Muddada ay Cilmibaadhistu socotay: 4 Bilood. La daabacay/faafiyay: Maarij, 2020 Goobta laga sameeyay: Si guud Soomaalilaan, gaar ahaan Awdal, Maroodijeex, Gabilay. Waxa baadhay Cilmibaadhista: Cabdirasaaq Sandheere                             Hordhac     Maarij , 2020 Dhawr mar ayaan cabasho bulshada qaybaheeda kaladuwan ka maqlay. Cabashadu waxa ay ku aaddanayd sida fooshaxun ee ay shirkadaha waaweyni mamaamiisha ula dhaqmaan. Tiro iyo cadad malaha cabashada iyo tagrifalka goobahaa lagala kulmaa. Qofkasta oo tagay wuu dareemayaa waxa ka jira. Waxa aan ka hadlayaa waa habdhaqanka macmiilka lagula dhaqmo ee shaqaalaha ama maammulka shirkaddu kula dhaqmaan. Maadaama cabashadaasi jirto, waa muhiim in bal dhibta la daraaseeyo, sida ay wax u jiraan, halka ay wax ka bilaabmaan, iyo xalka sid...

Xaaji Sharmaake Cali Saalax ( 1776-1861)

Image
Sharmaake, xilliga uu dhashay si saxa looma hubo se   qiyaastii waxa uu dhashay intii u dhexaysay 1770kii illaa 1780kii.   Taariikhyahannada ajaanibka ah ee wax ka qoray dhulka Soomaalidu sida Richard Burton, iyo R. Joint Daguenet midba xillli buu ku sheegaa dhalashada Sharmaake. Miyi oo uu ku dhashay, iyo xilliga uu dhashay oo diwaangelinta iyo qoridda dhalashadu yarayd ayaa u sabab ah in si saxa loo sugi waayo dhalashada Xaajiga. Meel miyi ah ayuu ku dhashay, waxa la sheegaa inuu aagga magaala xeebeedda Shalcaw ku dhashay. Shalcaw waxa ay u dhexaysaa magaalada Berbera iyo Xiis. Waxa la sheegaa inuu halkaa ku noolaa yaraantiisii illaa intii uuu gaadhayay 18 sano jir. Sifo ahaan, aftahan, deeqsi, gobonnimo, karti iyo sifooyin qaaya leh inuu lahaa Xaajigu waa la xusaa. Qoyska uu ka dhashay Sharmaake taariikh ahaan waxa ay u lahaayeen naakhuudaynta badda, iyo isaga gooshitaanka magaalo xeebeeddada ku kala yaalla badda cas, khaliijka, iyo Hindiya.   Magaalad...

Sookoobidda buugga “حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ حلية طالب العلم ~ Quruxda Ardeyga ” Waxa qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Sannadkii   1365kii Hijrada ayuu Magaalada Dawaadami ku dhashay. Dugsigii hoose/ dhexe iyo guud ahaan waxbarashada Dugsiga ee nidaamiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad. Ugu danbayn waxa uu ka baxay jaamacadda Madiina, gaar ahaan Kulliyadda Shareecada. Sidoo kale, Shahaadooyin Master iyo Ph.D wuu qaatay.  Sh. Bakar, waa aqoonyahan ku xeeldheer Diinta Islaamka. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sheekhii waynaa ee Cabdicasiis Ibnu Baas. Muddo badan ayuu maxkamadda weyn ee Madiina Garyaqaan ka ahaa. Masjidka Shariifka ah ee Nebiga ee Madiina ayuu isna waqti dheer macallin wax ka dhiga ahaa. Wasaaradda caddaaladdana wuu la soo shaqeeyay. Lajnada Culimada Sucuudiga, iyo Hay’adda Fatwada u qaabbilsan labadaba wuu ka soo mid noqday. Daaci, Khadiib, iyo Garyaqaan ayuu ahaa. Meelo badan oo kalana wuu ka soo sahqeeyay. ...