Posts

Haddii aad Fekrad Hayso, Bilow (2)

Image
Waxa aad u baahantahay Co-founder. Qoraalkaygii ugu danbeeyay ee aan kaga hadlayay maxaad u baahantahay marka aad fekrad hayso, waxa aan ku idhi; " Waa inaad daacad noqotaa adiga oo qiimaynaya awoodahaaga iyo waxa aad ku liidato." Sannadkii 1993kii markii aan bilaabay Econot, waxa aan lix sano lahaa ganacsi. Waxa aan raadinayay ama u ordayay in aan noqdo Injinneer Shirkad Dhisme oo guuleysta. Dabadeed waxa aan helay fekraddan qurxoon, ka dib markii aan wax ka bartay Tijnoolajiyadda cusub ee lagu magacaabo GSM... Maalinkasta saacado waxbaan akhriyi jiray, mararka qaar illaa 3am. Baadhis baan ku samaynjiray Warshadaha cusub. Internet ma jirin oo Google waxba ma wayddiin jirin. Sidoo kale, safarro ganacsi ayaan geli jiray si aan wax uga soo barto. Waan ku qanacsanaa inay tani noqondoonto mustaqbal. Intaa waxaa ii xigay inaan ka shaqeeyo qorshe ganacsi. Waxaan arkay inaan u baahanahay Toban Milyan oo Doollar. Hadda qof jooga booskaygi oo kale waxa ay la tahay Balaayiin D...

Safarkeygii Magaalada Jigjiga

Image
Laga soo bilaabo Semtemper 2018, sidii aan magalada ugu soo laabtayba dhinacna uma dhaafin. Waayo, intaas wixii ka danbeeyay Jaamacadaha ayaa ii bilaabmay. Maadaama aan labo Jaamacadood oo kala duwan dhigto, sidoo kale  aan macallin ahay, kansho aan meelo badan ku booqdo ma helin. Sannadkii 2018, sidaas ayuu ku dhammaaday. Waxaa la galay 2019kii. Bishii Jannaayo dhammaadkeedii ayaan imtixaankii labada Jaamacadood midkood dhammeeyay, hawlihii badnaana iga kala yaraadeen. Bishan Febraayo fasaxyo kooban oo imtixaannadii aan galay, iyo daalkii muddada dheer socday kaga yara nasto. Haddaba fasaxan Jigjiga waa in aad tagtaa ayaan qorsheeyay. Saddex shey ayaa ugu waynnaa waxa aan waqtigan Jigjiga ku doortay: ta koowaad, waxa ay ahayd Magaalada Jigjiga hore uma arag, maqal mooyee indhahaygana ma saarin. Inkasta oo aan ku dhashay Gobolka ay ku taallo ee Faafan, haddana magaalo ahaan hore uma arag. Degmada aan ku dhashay waxoogaa ayay kala durugsanyihiin, oo xoolaha aan eega...

Gedgeddoonka Mabda’a bilaa Jihada ah: Maxammed Baashe Muunad ahaan.

Image
Mabda’u waa waxa haga ee qofka noloshiisa qurxiya misana macno buuxa u yeela. Qofku mabda’o kala jaad ah ayuu yeelan karaa, waxase muhiim ah in uu ka fiirsado waxa uu guntanayo ee uu qaadanayo. Aniga oo arrimo badan cuskanaya ayaan isku dayi bal aan naqdiyo qofka bilaa jihada ah ee aan meel loogu soo hagaago lahayn. Waxa aan hadda muunad ahaan u soo qaadanayaa Qoraa Maxammed Baashe, aniga oo kaliya hadalladiisa iyo wuxuu isagu qoray ku naqdin doona. Muddo hadda laga joogo labo sanno ayaa Dhallinyaro badan oo Hargeysa joogtaa aad uga dhiidhiday Wareejintii Dekedda Berbera. Munaasibado dhawr ah ayay qabteen, oo meelo Hargeysa ka mid ah ku qabteen. Dhallinyaradaa waxaa dabada ka riixayay oo horkacayay dad uu Qoraa Maxammed Baashe ugu mudnaa. Qoraaga isaga iyo dhawr odey oo kale waxa ay samayteen boodh wayn oo ay ku taallay ‘ Fadlan, na qanci’─iyaga oo Dawladdii waqtigaa jirtay ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa la hadlaya. Markii ay arrintu halkaa marayso, habeenkii markii xafl...

Waayaheennna Ila Eeg..

Image
Saaxiib Saddiiqoow , ogaalku waa hooyada iska dhicinta, iyo iska tuuridda heeryada gumeystaha. Ogaanshuhu waa waxyaabaha lagala dagaallamo ummadkasta oo la rabo in la addoonsado, ama lagu danaystaba. Qofku ama Ummaddu haddii ay ogaal leedahay (si kale aan u dhigo) aqoon leedahay lama addoonsado ama la gumeysto. ‘Aqoon’ markaan leeyahay uma jeedo in Jaamacado ama xarumo waaweyn laga soo baxay e waxa aan u jeedaa ogaanshaha, la socoshada, iyo fahansanaanta kolba wadciga taagan, iyo saamayntiisa. Kaliya waxa la fahmay oo dad badan isla waafaqsanyihiin in haddii la rabo in Ummadd la addoonsado ama la gumeysto waa in kaliya laga ilaaliyo ‘ ogaanshaha.’ Waayo, haddii ay ogaadaan cidna ka yeeli maayaan in ay wax u yeedhiyaan, ama waxooga ay ka qaataan. Innaga ogaanshiyaha ayaa la innaga xayiray qayb ka mid ah, oo weli waa sababta kolba la innoo dhacayo. Dib u xasuuso gurigii Carabtu siduu ku bilaabmay....

NIN MIYI KA YIMID, GABDHO MAGAALO MA DANEEYO!

Image
   Waa aroor hore oo hadda uun cadceeddii soo boodey. Waxaa xaafadda lagu waabariistey in xaley lo’dii tuugi dareersatey, oo ay kaxeystey. Hooyo Caasha, iyadu salaaddii waaberi ayey tooostey, markey tukateyna waxa shiddey dabkii oo shaahii ayey karisay, illaa ay maqashey hadalka Aabbo Geelle, mooyaane. Aabbo Geelle isaguna wuxuu u kacey salaaddii waaberi, balse, wuxuu tagey beerta oo uu dacawada iyo xayawaannad cadceed soo boodka cuna uu ka ilaalinayey. Markuu beertii soo eegay ee uu xayawaannaddiina ka eryadey, ayuu xagga reerka u soo kacey, markuu yimid ayuu is maqli waayey ci’dii sicii Boorre, uu arroorta hore ku dhufan jirey, markaasuu xagga xerada lo’ada oo aan xerada geela ka fogeyn tagey, misan wayba madhantahay! Baabah. Aabbo yaab oo fajac afka gacanta saar. Markaasuu Hooyo Caasha oo buulka joogta u dhawaaqey: “ Caashaay?”. Hee. “ Lo’dii way maqantahay?” “Yaa maqantahay aa?” Intey soo kacdey “fukuc” ayey intaa tidhi. Dabadeed xeradii timaddey, iyadna yaab afka...

Falanqeynta iyo Gorfeynta Buugga ‘ Dhaxalreeb Labaad’ ee Boobe Y. Ducaale Qoray, iyo Gaar ahaan sii Gorfeynta Gorfeynta uu Qoraagu Buugga Cabdillaahi Yuusuf ku sameeyay

Image
Hordhac Buugga magaciisa waxa la yidhaa ‘ Dhaxal-reeb Labaad.’ Waxaa qorey Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale. Waa buug taariikh ah oo qoraagu dhacdooyinkaa badidooda goobjoob ka ahaa. Wuxuu ka koobanyahay 305 bogg. Si kooban ayaan isku dultaagidoonaa. Marka hore waxa buuggu ka hadlayo ayaan sookoobid ku samayn oo falanqayn, aniga oo hanbalyo iyo bogaadin qoraaga ahna ku ladhaya, sidoo kale aan ka illaawayn wixii dhaliil ah. Marka xiga waxa aan sii gorfeyn doonaa gorfeyn uu qoraagu ku sameeyay buug uu qorey Cabdillaahi Yuusuf. Gorfeyntaa iyada dhaliil badan oo aqooneed iyo mid qoraalleedba waan usoo jeedin doonaa. Haddii si aan ku cajabin aan meelaha qaar carrabka ugu adkeeyo, iska liq oo caqligaaga la kaasho. Falanqeyn Kooban Buuggu waa buugta jaad ahaan loo yaqaan ‘ History ~ Dhacdooyin.’ Mgaciisu sdian ayuu u qoranyahay ‘ Dhaxal-reeb labaad.’ Mid kale ayaa ka horreeyay oo ‘ Dhaxal-reeb: Horaad’ la yidhaa oo isla qoraagu qorey. Markaa waa taxane kaa hore kaabaya. Magaca bu...