Posts

Ibliis oo Guuleystay: [Marka aad Aaminaaddaada u Dagaalanto Waad Guuleysanasaa; balse, Marka aad Hungurigaaga u dagaalanto waad jabasaa!]

Image
Qawm baa geed samaystay ay caabudaan. Waxaa maqley nin Ilaahay rumeysan oo mu’min ah oo la yidhaa Naasik. Ninkii mu’minka ahaa wuxuu qaatey Faash, wuxuuna tagey geedkii, si uu usoo gooyo. Markii uu u dhawaadey geedkii waxaa u soo muuqdey Ibliis oo geedka udiidaya, qaylinayana: Ibliis: “Ninoow halkaaga joog! Maxaad udoonasaa in aad u goyso geedda?” Naasika : “Waayo, dadkaa lagu halleeyaa/baadiyeeyaa.” Ibliis: “Maxaa kaa galey? Iskadaa ha iska hallaabaane!” Naasika: “Sideen uga tagaa… Waajibkaygu waa in aan soo hanuuniyo.” Ibliis: “Waajibkaagu waa in aad dadka iskaga tagto iyaga oo xor ah, oo samaynaya waxa ay jecelyihiin!” Naasik: “Xor maaha.. Waxa ay u dheg raaricinayaan   waswaasidda sheyddaanka.” Ibliis: “Ma waxaad rabtaa in ay dhegta u raariciyaan hadalkaaga?!” Naasik: “Waxa aan doonayaa in ay hadalka Allah u dheg raariciyaan.” Ibliis: “Iskaga tag geedkan oo ha goyn.” Naasik: “Waa lagamamaarmaan in aan gooyaa.” Ibliis ayaa kalladhka qabtey ninkii,...

Shafeeca Waxbarashada Soomaalida #1

Image
Waxaynnu qormadan kooban isla eegi doonaa waxbarashada iyo sida loogu ciyaaray Soomaalida dhexdeeda, qaabka doorkeedii loo dooriyey, iyo muuqaalka guud ee aan ka haysanno waxbarashadu in ay tahay shaqo. Waxa aan aad ugu dooddi doonaa in aynnu doorkeenni waxbarasho gabnay, kaliyanna noqotey ganacsi ka mid ah sida wax kala iibsiga. Waxa kale oo aan xoogga saari doonaa intaynnu sidaa nahay in dhibta iyo dheeftuba innoo simanyihiin. Ila soco! Waxbarashadu waa habka loo koriyo maskaxda iyo maanka. Eraygan ‘Waxbarasho’ kooda horaba, waxa ay ka kooban tahay labo eray oo la isku daray, waxaynna kala yihiin ‘Wax’ iyo ‘Barasho’. Wax: waa aalad ama shay; Barasho: waa in aad ogaato shay aanad garanayn. Marka labada eray ‘Wax’ iyo ‘ Barasho’ la mataaneeyo, waxa ay noqonayaan ‘‘Waxbarasho”─ oo macnaheegu yahay in aad barato wax kaa qarsoonaa oo aanad garanayn. (Intaasi waa aragtideyda). Markaan halkan taaganahay; yaannan illaawin in aan carrabaabo erayo kale oo ay isku dhaw yih...

Kitaabka ' Usuulu Salaasa' isaga oo Af Soomaali ah, halkan kaladag PDF ahaan.

Image
Kitaabka ' Usuulu Salaasa' isaga oo Af Soomaali ah, halkan kaladag PDF ahaan. Guruubka: Gorfaynta Buugga iyo wax kala faa'ideysiga. https://www.facebook.com/groups/2039989486264226/?fref=mentions

Wax’akhrisku Waaa Sirta Nolosha.

Image
           Wax’akhrisku waa safar, safarkana cibro ayaa ku sugan. Dadka safra ee badawda ahina waxba ma akhriyaan, wixii nolosha cibroqaadasho ku suganna ma garanayaan; waayo ma rixlaynayaan, meel kaliyana waqtigu wuu iskugu bedbeddelayaa. Safarku waa isku mid balse, cibraqaadashu maaha dhaqdhaqaaqa. Cibraqaadashadu waa caqliga socdaalaya ee dhaqdhaqaaqaya. Wax’akhrisku waa fiirfiirin, fiirfiirintana waxaa ku jirta fekrad. Balse, kuwa wax akhriya caqlila’aan waxba fiirfiirin maayaan. Waayo, iyaga oo aan fahmin ayay rabaan in ay wax ogaadaan. Abii Muuse Al-Ashcari waxaa laga doonay fahan.. fahan, ujeeddadooduna waxa ay ahayd ogaansho, fahan ma ahayn. Balse Cumar Buugga ( إعلام الموقّعين عن رب العالمين ) fahmi dabadeed ayuu ku sheegay, warqaddii Cumarna waxa ay isku baddeshay Buugga uu gacanta ku qabtay Ibnu Qayim. Wax’akhrisku wuu macaanyahay, macaankuna wuxuu leeyahay raaxo. Balse, kuwa wax akhriya iyaga oo aan macaankii wax a...

AROOS MA U GUDDAY?

Image
Waa galab gaaban oo cadceed dhicii dhawyahay. Cirku wax daruuro ah malaha, oo waa guduud. Waxaa lagu jiraa Jiilaal dabadeed abaari dhacdey, haddana gugii soo curanayo. Dhawr habeen hortoodna shuuc roobab ah ayaa na helay oo waxooggaa biyo naxariis leh oo aannu habaaskii jiilaalka ku illownana noo shubey. Dhulku immikuu u diyaargaroobayaa in uu la qabsado xaaladdan iyo isbeddelkan cusub ee ku dhacay. Inta badan xilligan uu roobka looga bartey ee la doonayo in uu bilaabmo waxaa isa soo tara aroosyada oo mararka qaarna xadhkaha goosta. Waayo, xilligan subagga, caanaha, dheyda, ciirta, xasiidda, aalaha, iyo dhammaan barwaaqo iyo bashbash oo dhan ayaa la isla dhacaa; dhallinyaraduna waxa ay fakaag u helaan in ay guryo cusub samaystaan oo ay guursadaan. Haddaba waqtigan waxaa iyaguna ka faa’ideysta oo fursado hela wiilasha iyo gabdhaha xaafadha jooga ee aan laheyn suuq, hoteello iyo meelo kale oo ay ku caweeyaan─oo waxa ay tagaan aroosyadaa la dhisayo. Wiilbaa markaa habeen aro...

William Shakespear

Image
William Shakespeare, wuxuu ahaa abwaan, ciyaaryahan iyo jilaa noolaa qarnigii 16 th . Wuxuu u dhashey dalka Ingiriiska. Wuxuu dhashay   April 26, 1564kii; wuxuuna ku dhashay Stratford-upon-Avon, England. Da’diisu markay ahayd 18sano jir ayuu guursaday Marwo Anne Hathaway . Waxayna u dhashay saddex carruur ah; Susanna , iyo laba mataanood oo kala ah Hamnet  iyo Judith . Intii u dhexaysay 1585kii iyo 1592kii, wuxuu isaga oo London deggan ahaa jilaa iyo qoraa; wuxuuna qayb ka lahaa oo nin kale la lahaa shirkad ciyaareed la yidhaa ‘ Lord Chamberlain's Men ’─oo markii danbe magaceega loo baddelay King's Men. Ciyaaro farabadan ayuu sameeyay, waxaa ka mid ah   la “ Hamlet ,  Othello ,  King Lear  and  Macbeth’ waxaana ugu caansanaa ciyaarta la yidhaa ‘ Hamlet.’   Intii u dhexaysay 1589 iyo 1613 kii, wuxuu soo saaray shaqooyin badan. Sannadkii 1594kii wuxuu xidhay Tiyaatarkii ciyaaraha, wuxuuna allifay oo sameeyay laba gabay...

Xog ku Saabsan Magaalada BOORAMA

Image
  Magaalada Boorama waa caasimadda gobolka Awdal. Sidoo kale waa caasimadda labaad ee Soomaalilaan. Waxa ay ku taallaa Galbeedka Soomaalilan, waxa ay xuduud la leedahay Itoobbiya. Dhul waxoogaaya ayay ku fadhidaa oo aan ka yarayn    14 km² . Waxaana Maayar ka ah Maxammed Xasan Maydhane. Si guud magaaladu waxay u qaybsantaa afar Xaafadood: Xaafadda Sh. Cali Jawhar, Xaafadda Sh. Axmed Gurey, Xaafadda Sh. Cismaan, iyo Xaafadda Sh. Makaahiil. Magaaladu biyo iyo laydh ku filan ayay heshaa. Adeegga biyaha waxaa siisa Shirkadda SHABA; halka adeegga laydhkana ay siiyaan labada Shirkadood ee Aloog Electiricity iyo Telesom Electric Company. Boorama, waxa ay ku taallaa dhul buuralley ah, oo afarta Koorne ee magaalada waxaa ku wareegsan buuro. Buuruhu magaalada bilic iyo bidhaan gaar ah ayay u sameeyaan. Waxaanna ku yaalla Buuraha ugu waaweyn Geeska Afrika sida buurta ‘Saw’─oo xagga koonfurgalbeed magaalada kaga taal. Dhulgariir way leedahay oo wuuka dhacaa, i...