Posts

Xog ku Saabsan Magaalada BOORAMA

Image
  Magaalada Boorama waa caasimadda gobolka Awdal. Sidoo kale waa caasimadda labaad ee Soomaalilaan. Waxa ay ku taallaa Galbeedka Soomaalilan, waxa ay xuduud la leedahay Itoobbiya. Dhul waxoogaaya ayay ku fadhidaa oo aan ka yarayn    14 km² . Waxaana Maayar ka ah Maxammed Xasan Maydhane. Si guud magaaladu waxay u qaybsantaa afar Xaafadood: Xaafadda Sh. Cali Jawhar, Xaafadda Sh. Axmed Gurey, Xaafadda Sh. Cismaan, iyo Xaafadda Sh. Makaahiil. Magaaladu biyo iyo laydh ku filan ayay heshaa. Adeegga biyaha waxaa siisa Shirkadda SHABA; halka adeegga laydhkana ay siiyaan labada Shirkadood ee Aloog Electiricity iyo Telesom Electric Company. Boorama, waxa ay ku taallaa dhul buuralley ah, oo afarta Koorne ee magaalada waxaa ku wareegsan buuro. Buuruhu magaalada bilic iyo bidhaan gaar ah ayay u sameeyaan. Waxaanna ku yaalla Buuraha ugu waaweyn Geeska Afrika sida buurta ‘Saw’─oo xagga koonfurgalbeed magaalada kaga taal. Dhulgariir way leedahay oo wuuka dhacaa, i...

Bidco Diineed & Bidco Adduunyo!

Image
                    Eraygu waa Af Carbeed, oo Soomaali ma aha asal ahaan. Wuxuu luuqada Carbeed ku yahay ‘ Ikhtiraac~ bilow wax cusub.’ Sharci ahaan sida Kitaabka ( Al-Anwaaru Raxmaan, oo uu qorey Sh. CabdiraxmaanBin Yuusuf Al-Ifriiqi) ku sheegay   waa “ Diinta oo wax aan ku jirin lagu soo daro, intay dhammaystirantay kaddib.” Qeexiddaa Wadaadka culimo badan ayaa la qaba oo sidan oo kale kutubtooda ugu qeexa. Anna waan la qabaa oo anna waan ku raacay, waxaanse ku sii darsadey, ‘ In waxaasi lagu soo daray yahay wax nascad xaaraantimeeyay ama xalaaleeyay, lana leeyahay sidaa maahee waa sidan.” Haddeynu inyar ku noqonno Bidcada luuqad ahaanteeda, laba ayaynu u kala falliidhi: Ikhtiraac Adduunyo iyo Ikhtiraac Diineed. Ikhtiraaca Adduunyo waa arrin bannaan, haddayna dhibaato lahayn ama Diinta ka hor imanayn. In wax cusub la kordhiyo Islaamku arrimaha adduunka wuu dhiirrigeliyay oo wuu ...

Markuu Qofku Waayo Hiddidiilo……!

Image
          Muxuu qofku naftiisa dhegta dhiigga ugu daraa? Muxuu qofku isku qudhbixiyaa? Se muxuu qofku nolosha uga huleelaa? Wayddiimahaa oo dhani waxa ay iskugu soo biyashubtaan hal jawaab oo qudha ahna: Hiddidiilo la’aan! Si kale aan u dhigo: Qofku markuu garanwaayo wuxuu u noolyahay, wuxuu noqonayaa bilaa arrin, dabadeed wuxuu goosanayaa in uu naftiisa qudhbixiyo! Balse, ma garanayo (ujeeddada) wax uu dilkan isugu gaysanayo! Galbeedka maanta waxa aynu ka aragnaa cid bixinaysa cashirro ku saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo; iyada oo ay jiraan kumannaan qaab oo qofku naftiisa u dili karaa. Qofka Diinta xooray ee Aakhiro in ay jirto aan rumeysnayn kana cabsanayn; sidoo kale aaminsan in noloshu iska bilaabantay iskana dhammaan doonto, naftiisa waa u halis. Waayo, noloshan adduunyo dabadeed nolol kale in ay ka danbayso ma oga! Barigaba maanta waxaynu ku argnaa cid bixinaysa cashirro ku saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo. Waxaad ...

Aayadaha Allekoodka!

Image
                                       Judha horaba markaad indhaha qac ku siiso isma odhanaysid waxanaa Aayado ah. Jidhkaa markaaba isdiidsiinaya oo qabandhacyoonaya; wuxuuna isku qancinayaa in ayna hadal Rabbi ahayn. Xataa qofka aan Qu’raanka dhigan wuu fahmayaa in ayna Aayado dhaba ahayne ay hadal bini’aadan yihiin. Hadallada noocan ah waxaa sameeya Allekoodka iyo walaallahood. Waxaanna qaadhaan ku darsata cidkasta oo Diinta ka biyadiidda oo afka intay ka sheegato (bayna bayna noqda) oo Allekoodka iyo Muslimiinta dhabta ah wax-u-kala qaada- munaafiqiin. Aayadaha Qur’aanka iyo guud ahaan hadalka Rabbi waa mucjiso aan wax lagu dherariyaa aannu dhalan. Cidday doonto ha ahaado, ci weli keentay Aayad la mid ah kuwa Qur’aanka lama hayo mana jirto. Muu shahaadaduu doono haysto MBA, PhD! Muu ...

Caqliga Iyo Naqliga Fekraha Baraarugsan

Image
                                        1-     Waddamadeenna waxaa kanbadhuudha kuwa la dagaalamaya caqliga, illaa haddana kamay tanaasulin. Caqligu naqli la’aan wuu anbanayaa; Diintana wuu ka baxayaa. Wuxuuna u sii siqayaa Sanaadiqada. Sidaasay in badan kaga warrameen Kutubtooda. Waxayna isku khaldeen ra’yiga ka soo fulaya caadifadda, iyo ra’yiga ka soo fulaya caqliga manhajaysan. 2-    Waddamadeenna waxaa laga helaa cid dagaal ku dhawaaqday oo caqligii kula dagaalsan magac Diineed. Xigtadii fekerka iyo caqligana waxay ku sifeeyeen Caqlaaniyiin. Caqlibadnihiina waxay ka dhigeen shayddaan la fogeeyay. Sidaasayna qulqulka Diinta dhexdeeda uga soo muuqdeen faaruq [abaar] feker, iyo dhoohanaan siyaasadeed. Sabobtuna waxaa weeyi caqligii manhajaysnaa ayaa ka maqan [waqtiga] la baranayo culuunta Islaamka. 3-    Wadamadeenna waxaa la arkaa yeed...

Waa Maxay Caqiido Iyo Iimaan?

Image
Eraygu asal ahaan waa Af Carabi; wuxuuna ka yimid ficilka maaddi (tage) oo ah “Caqada”─macnaheegu waa marka xadhiga la gunto. Luuqo ahaan waxay noqonaysaa guntin. Sharci ahaan waxa weeyi “ Rumeynta Allah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa, Maalinta Aakhiro, iyo rumeynta qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa.” Marka sidan loo qeexo waxay isku qeexid yihiin Iimaanka. Sida lagu sheegay Kitaabka Caqiidada ee ay diyaariyeen Culimo badan. Halkan caqiido, Af Soomaali waxaa u dhawaanaya oo innoo buuxinaya Aaminaad. Oo waa wuxuu qofku aamino ee uu rumeeyo; wixii ku dhacana kaga falceliyo. Qofku wuxuu rumeysanyahay uun buu ku dhaqmaa hawadiisana ha ahaatee. Dabeecadaha Bini-aadanka ayay ka mid tahay in qofku wax rumeeyaa, wuxuu doonaba ha rumeeyee. Waayo, ma jiro adduunka qof bilaa rumeyn ahi, qofkastaa wax buu rumeysanyahay. Mid hawadiisa rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid lo’ rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid dab rumeeyay oo Ilaah ka dhigtay. Mid wax aan nooleyn rumeeyay oo Ilaah k...