Posts

Talooyin ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor

Image
  1- Lama helo nin dhinac kasta ka dhisan dhammaystiran. 2- Raggu waa sida carruurta oo kale, adna u noqo sida hooyadii oo kale. 3- Ninkaaga si wanaagsan u dhegayso, si deggana ugu sheekee. 4- Weligaa ninkaaga ha la tartamin. 5- Weligaa ha isku dayin in aad ninkaaga isku dhererisid oo la sinnaatid. 6- Si degdega ninkaaga u raalligeli marka aad ogaatid in aad adigu qaldantahay. 7- In badan isaga ha ka masayrin, waayo taasi waxa ay u fiicantahay degganaanta maskaxdaada. 8- Muhiim maaha in aad Moobilkiisa baadhid ama eeg eegtid. 9- Markasta ninkaaga runta u sheeg. 10- Markaad meel fog tagaysid adiga oo aan u sheegin ninkaaga guriga ha ka bixin. 11- Ogoow cuntooyinka uu ninkaagu jecelyahay, ugu yaraan toddobaadkiina laba mar u diyaari cuntadaas- haddii dhaqaaluhu idiin saamaxo. 12- Adiga iyo ninkaagu si wadajira u dejiya Miisaaniyaddiina dhaqaale. 13- Ninkaaga u noqo gabadh latalisa, se ha noqon mid naqdida. 14- Ha illaawin in afadu caawiye u tahay oo taageerto ninkeeda. 15- Baro oo og...

Ganacsatadii ugu Hantida Badnayd Dunida

Image
  Sannadkii 1929kii, Koox ka mid ah hormuudka ugu waaweyn, iyo ganacsatada ugu hodansan ayaa kulan iskugu yimid Hudheelka Xeebta ku yaal Edgewater, ee magaalada Chicago. Ragga kulanka joogay waxa ka mid ahaa: 1-       Charles Schwab, oo ahaa madaxa shirkadda ugu way nee soo saarta Birta. 2-      Samuel Insull, oo ahaa madaxa shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee adeegyada bixiya. 3-      Howard Hopson, oo ahaa madax Shirkadda ugu way nee Gaaska iibisa. 4-     Ivar Kreuger, oo ahaa madaxa shirkadda International Match Co. 5-      Leon Frazier, oo ahaa madaxii shirkadihii waqtigaa ugu waaweynaa, wuxuunna madax ka ahaa “Bank of International Settlements.” 6-     Richard Whitney, oo ahaa madaxii “New York Stock Exchange.” 7-      Arthur Cotton iyo Jesse Livermore, laba dillaal oo waawayn oo alaabta dillaala ayay ahaayeen. 8-     Albert Fa...

Dhiirrigelinta Hooyada

Image
  Addison oo yar ayaa gurigoodii ku laabtay. Hooyadii ayuu ku yidhi: " Waraaqaddan Maammulka Dugsiga ayaa iisoo dhiibay." Way oyday markii ay akhriyaysay waraaqadda oo ilin ayaa ka qubatay. Inankeeda waxa ay ugu akhriday, kuna tidhi [waxa waraaqadda ku qoran]: " Inankaagu wuu caqlibadanyahay, Dugsiguna wuu ku koobanyahay, markaa waa inaad xaafadda ugu dhigtaa!" Sannado ayaa ka soo wareegay. Addison Hooyadiina way dhimatay. Isna wuxuu noqday hal'abuure weyn oo sooyaalka Bini'aadanka wax ku soo kordhiya. Maalin isaga oo baadhbaadhaya Kaydkii ama Khasnaddii Hooyadii ayaa wuxuu arkay waraaqad ay ku qorantahay: " Inankaagu waa doqon, maanta laga bilaabo yuuna Dugsiga naga soo gelin!" Addison, saacado badan ayuu ooyayay! Dabadeed wuxuu xasuusqorkiisii ku qoray: " Addison wuxuu ahaa doqon, balse hooyadiisa cajiibka ahayd daraaddeed wuxuu noqday nin caqli badan." Turjumid:  Sandheere  

Muhiimadda Shaqada

Image
  Xalay waxa aan isku lug darnay oo wada lugaynay wiil muruqmaala oo suuqa ka shaqaysta. Dusha ayaan iska garanaynay oo dhawr jeer oo hore ayaan ganacsigiisa wax ka iibsaday. Marka hore waxa aan ku ogaa alaabaha yaryar sida Tusbaxyada, shiraabaaddada, Jaajarrada… ayuu suuqa la wareegi jiray. Markaas ayaan bartay. Waayadan ayaan waayay oo aanan arkin. Si guud baan isku xaal waraysanay, wuxuuna ii sheegay inuu hadda alaabihii yaryaraa joojiyay, meel bakhaarana alaabta u guro oo Kaaryoone ku shaqaysto. Masha Allah. Wan bogaadiyay. Wiilku wuxuu marhore ii sheegay inuu xaafaddooda biiliyo, oo isaga ay ku xidhantahay. Masha Allah. Intaaba uma socon, wiilkuna wuu xoogsanayaa, mashquulna uma baahnee cashir baan ka rabaa inaan ka dhiraandhiriyo: 1- Shaqadu waa haybad: Qofku markuu shaqaysto ayuu wax helaa, haddii aanu waxba qaban cidna inay wax siiso xaq uguma laha. 2- Si kastoo duruftu u adagtahay inuu qofku shaqeeyaa way caawisaa nafsad ahaan, dareen ahaan iyo nolol ahaan ba. 3- Waa inuun...

4 ta Marxaladood ee Hodannimadu marto

Image
   1- Degganaan Dhaqaale  Xasilloonida dhaqaaluhu waa marka qofku iskii iskugu filabyahay, ee aanu waxyaabaha aasaaska ah iyo baahidiisa cidna u baahnayn. Sidoo kale, waa qofka oo aan wax dayna lagu lahayn ama aan dayn gelin. Dhinaca kale, waa qof ku filan oo bixiya biilasha cidkasta oo ku xidhan.Dhinaca kale, waa qof wax kaydsada oo dakhliga soo gala markuu kharashka ka bixiyo wax uga soo hadhaan.  2-   Istaraatijiyad  Dhaqaale  Waa marka qofku sameeyo maalgelin, ee waxyaabo badan maalgashado. Si kooban waa marka qofka lacagtiisu u shaqayso.  3- Xasillooni Dhaqaale Waa qofku marka uu lacagtiisa ku raaxaysto, waa marka qofku cunto fiican cuno, dalxiis sameeyo ee socdaalo waawayn galo.  4- Xorriyad Dhaqaale Marxaladdan qofka lacagtu lama wayna, sida uu doono ayuu samaynayaa. Cabdirisaaq Sandheere 16 July, 2025

Calaamadaha lagu garto guriga ay ku dhacday ama hayso Isha ama xasadku

Image
  1- Guriga oo bilaa degganaan iyo xasillooni la'aan noqda, raaxaduna ku yaraato. Sidoo kale, in guriga dhexdiisa la isku qabsado oo hadal iyo dhibaato ka timaaddo arrimo yaryar oo aan macno wayn lahayn. 2- Waxa isbeddel ku imanayaa qaabkii iyo hannaankii ay u wada hadli jireen lammaanuhu iyo in ay ku heshiin waayaa arrimo badan oo isku khilaafaan.  3- In ay bataan dhibaatooyinka iyo khilaafka ka dhex jira qaybaha kala duwan ee qoysku.  4- In markasta qofku dareemo culays iyo murugo iyo farxad la'aan.  5- In qofku dareemi waayo farxad ama badhaadhe- iyada oo uu haysto dhammaan waxyaabihii keenayay/sababayay farxadda iyo badhaadhuhu.  6- In xubnaha kala duwan ee qoysku kala fogaadaan oo ay jecelyihiin in ayna wada hadal oo sheekaysan. Waana calaamad sheegaysa in il jirto.  7- In qoysku aanu maalinta oo dhan dareemin wax raaxo ama nasasho ah- oo ay dareemayaan murugo, quus iyo han jab.  8- In qoyska qaar ka mid ah ay ku dhacaan xanuuno degdeg ah sida mad...

Qofka aad noqon doontid 5 sano ka dib waxa ay ku xidhantahay waxyaabahan:

Image
  1- Cuntada aad cuntid.  2-  Buugta aad akhridid. 3- Cinwaannada aad la socotid ee Follow garaysid.  4- Warbaahinta aad ku taxantahay.  5- Khibradaha aad heshid.  6- Asxaabta aad la fadhiisatid.  7-  Shaqooyinka aad qabatid. \ 8- Lacagta aad maalgashatid.  9- Deegaanka aad ku sugantahay.  10- Caadooyinka aad leedahay ee ku ilaalisid.  11- Hadafyada aad dejisid.  12- Aaminaada aad leedahay.  13- Nafhurka aad samaysid