Ganacsatadii ugu Hantida Badnayd Dunida

 


Sannadkii 1929kii, Koox ka mid ah hormuudka ugu waaweyn, iyo ganacsatada ugu hodansan ayaa kulan iskugu yimid Hudheelka Xeebta ku yaal Edgewater, ee magaalada Chicago. Ragga kulanka joogay waxa ka mid ahaa:

1-     Charles Schwab, oo ahaa madaxa shirkadda ugu way nee soo saarta Birta.

2-    Samuel Insull, oo ahaa madaxa shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee adeegyada bixiya.

3-    Howard Hopson, oo ahaa madax Shirkadda ugu way nee Gaaska iibisa.

4-   Ivar Kreuger, oo ahaa madaxa shirkadda International Match Co.

5-    Leon Frazier, oo ahaa madaxii shirkadihii waqtigaa ugu waaweynaa, wuxuunna madax ka ahaa “Bank of International Settlements.”

6-   Richard Whitney, oo ahaa madaxii “New York Stock Exchange.”

7-    Arthur Cotton iyo Jesse Livermore, laba dillaal oo waawayn oo alaabta dillaala ayay ahaayeen.

8-   Albert Fall, waxa uu ahaa  xubin ka ahaa golaha madaxeyne Harding.

25 sano ka dib, sidan soo socota ayay noloshoodu ku danbaysay/dhammaatay:  Schwab, waxa uu dhintay isaga oo CADYH AH, ka dib markii uu noolaa shan sano, iyada oo lagu lahaa DAYN lacageed u soo amaahday. Insull, waxa uu dhintay isaga oo kacay,una qaxay dal shisheeye. Kreuger iyo Cotton, iyaguna waxa ay dhinteen iyaga  oo ganacsigoogii ka kacay. Hopson, waxa uu dhintay isaga oo waalan. Whitney iyo Albert Fall, iyaga oo Jeel laga soo daayay ayay dhinteen. Fraser and Livermore, waxa ay dhinteen iyaga oo go’aansaday ama goosytay inay isdilaan!”

Buugga ‘ Ridh Dad Poor Dad ayaan intan ka soo turjumay.

 

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”