Dhiirrigelinta Hooyada
Addison oo yar ayaa gurigoodii ku laabtay. Hooyadii ayuu ku yidhi: " Waraaqaddan Maammulka Dugsiga ayaa iisoo dhiibay." Way oyday markii ay akhriyaysay waraaqadda oo ilin ayaa ka qubatay. Inankeeda waxa ay ugu akhriday, kuna tidhi [waxa waraaqadda ku qoran]: " Inankaagu wuu caqlibadanyahay, Dugsiguna wuu ku koobanyahay, markaa waa inaad xaafadda ugu dhigtaa!"
Sannado ayaa ka soo wareegay. Addison Hooyadiina way dhimatay. Isna wuxuu noqday hal'abuure weyn oo sooyaalka Bini'aadanka wax ku soo kordhiya. Maalin isaga oo baadhbaadhaya Kaydkii ama Khasnaddii Hooyadii ayaa wuxuu arkay waraaqad ay ku qorantahay: " Inankaagu waa doqon, maanta laga bilaabo yuuna Dugsiga naga soo gelin!" Addison, saacado badan ayuu ooyayay! Dabadeed wuxuu xasuusqorkiisii ku qoray: " Addison wuxuu ahaa doqon, balse hooyadiisa cajiibka ahayd daraaddeed wuxuu noqday nin caqli badan."
Turjumid: Sandheere
Comments
Post a Comment