Talooyin ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor
1- Lama helo nin dhinac kasta ka dhisan dhammaystiran.
2- Raggu waa sida carruurta oo kale, adna u noqo sida hooyadii oo kale.
3- Ninkaaga si wanaagsan u dhegayso, si deggana ugu sheekee.
4- Weligaa ninkaaga ha la tartamin.
5- Weligaa ha isku dayin in aad ninkaaga isku dhererisid oo la sinnaatid.
6- Si degdega ninkaaga u raalligeli marka aad ogaatid in aad adigu qaldantahay.
7- In badan isaga ha ka masayrin, waayo taasi waxa ay u fiicantahay degganaanta maskaxdaada.
8- Muhiim maaha in aad Moobilkiisa baadhid ama eeg eegtid.
9- Markasta ninkaaga runta u sheeg.
10- Markaad meel fog tagaysid adiga oo aan u sheegin ninkaaga guriga ha ka bixin.
11- Ogoow cuntooyinka uu ninkaagu jecelyahay, ugu yaraan toddobaadkiina laba mar u diyaari cuntadaas- haddii dhaqaaluhu idiin saamaxo.
12- Adiga iyo ninkaagu si wadajira u dejiya Miisaaniyaddiina dhaqaale.
13- Ninkaaga u noqo gabadh latalisa, se ha noqon mid naqdida.
14- Ha illaawin in afadu caawiye u tahay oo taageerto ninkeeda.
15- Baro oo ogoow waxyaabaha u wanaagsan hooyadaa.
16- Marka Alle ku siiyo carruur ha kaga mashquulin ninkaaga oo ha illaawin xaajiga adiga oo carruurta daryeel badan siinaya.
17- Baro in aad ninkaaga u dhoollacaddaysid.
18-Marka ninkaagu shaqo u baxayo sii salaaan, haddii ay suurtagal tahayna hab sii oo laabta geli.
19- Ninkaagu isaga oo aan waxba cunin yaanu guriga ka bixin.
20- Marka ninkaagu cadhoodo hadalka ka daa.
21-Markasta ilaali nadaafadda qolka hurdada.
22- Sariirta dhar ha dul dhigin, ragga qaar ayaa arrintaas neceb.
23- Markasta ahoow gabadh nadiif ah nadaafad wanaagsan.
24- Noqo gabadh roomaantig ah.
25-Markasta xasuuso in aad ninka u qabatid waxyaabaha kugu waajibka ah uun- aduu illayn walaashii ma tihide.
26- Sida aad ula dhaqanto qaraabadaada oo kale ula dhaqan ninkaaga qaraabadiisa.
27-Mararka qaar ninkaaga ka warayso xaaladda qaraabadiisa.
28- Adiga iyo ninkaagu si wadajira u taga oo isku raaca Cibaadada.
29- Ninkaaga iyo gurigaaga midna ha barbardhigin guri kale.
W/Q: فنكوش Fnkosh ( https://www.facebook.com/100063855677623/posts/pfbid0zmjctZEt2dcBybZ4zpFUGoqxSJVF76cgTYMBj75xkwXL4iMB1FmFfg3njZ2H4b9nl/ )
Waxa Turjumay: Cabdirisaaq Sandheere
02 Ogosto, 2025
Comments
Post a Comment