Posts

Talo Waalid

Image
Aabbo ayaa la taliyay wiilkiisii, wuxuuna ku yidhi: " Wiilkaygiiyoow, nolosha saddex shay ha dayn:  1- In aad cuntid cuntada ugu wanaagsan. 2- In aad ku seexatid sariirta ugu raaxada badan. 3- Iyo in aad ku noolaatid hoy wanaagsan ..."  Wiilkii baa ku jawaabay: " Balse, aabbo waxa aan nahay sabool. Sideen ku heli karnaa waxyaabaha aad sheegaysid?"  Aabbihii caqliga badnaa ayaa ku jawaabay " Haddii aad cuntada cuntid marka aad gaajoonaysid, way kuu dhadhamaysaa, cuntada aad cuntidna waxa ay noqonaysaa ta ugu macaan eed cuntid.  Haddii aad si adag u shaqaysid oo shaqo badan qabatid marka aad seexatid waxa aad seexanaysaa hurdo raaxo leh.  Haddii aad dadka ula dhaqantid si wamaagsan, iyaguna si wanaagsan oo qalbiwanaag ah ayay kuula dhaqmi, waxaanad ku noolaan doontaa qaybiyadooda."

Culayska Masuuliyadda

Image
Xaaskii Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Binu Cabdilcasiis ayaa waxa ay tidhi: “ Maalin ayaa aan u soo galay Cumar oo ku fadhiya masallihiisii, gacanta dhaban ka saaray, oo ilma dhabannadiisa qoysay. Marka ayaa aan ku idhi: ‘ Maxaa kugu dhacay?’ Waxa uu yidhi: ‘ Hoog baan ku suganahay Faadumooy oo waxa la ii dhiibay talada dadkan, markaas ayaan ka fekeray ka baahan ee gaajoonaya, ka buka, ka qaawan, agoonka niyadjabsan, gabadha agoonta ah ee cidlada ah, ka dulman ee xaqiisii meel laga mariyay, socotada la qafaashay, odayga way nee carruurta badan daba ordayso ee aan xoolaha lahayn, iyo kuwa la mid ah eek u nool dhulka aan xukumo. Markaas ayaan xaqiiqsaday in Alle wax iga wayddiin doono maalinta Qiyaame, sidaas darteed ayaan u ooyayaa.’…”  Masuuliyaddu waxa ay leedahay culays, waxa waajiba qofkasta oo cid masuul looga dhigaa inuu masuuliyaddaas ilaaliyo, haddii ifka cid la xisaabtanta uu waayo, ha ogaado in aakhiro jirta meel caddaalada oo lagula xisaabtami doonaa.  Madaxdeennu wa...

Safarkaygii Magaalada Goday

Image
  Hordhac 30 Ogosto, 2024ka waxa aan safar saacado badan qaatay ku gaadhay magaalada Goday ee Xarunta Gobolka Shabeelle. Ujeeddada safarku waxa ay ahayd ka qaybgalka Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas ka furmayay magaalada Goday, iyo dalbarasho dadban oo ay muhiim tahay in qofku dhulka, bulshada iyo ciiddiisaba bartaa. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa socdaalkaas dheer ee aan ku tagay magaalada Goday, meelihii aan sii maray, iyo guud ahaan wixii aan deegaannadaa ku soo arkay. Waxa kale oo aan si guudmara uga warrami Bandhiga Caalamiga ee Goday oo maalmahaas magaalada ka socda iyo sidii jewigu ahaa. Deegaannada aan Maray Markii koowaad ayaan magaalada Jigjiga dhinaca Koonfur Bari uga baxay, waa jidka dheer ee boqollaalka kiiloomitira ee deegaanno badan taga, aakhirkana gaadha magaalada aan u socdo ee Goday. Abbaaro 10:00 ayaan ka dhammaaday Jigjiga oo dariiqa cagta saaray. Dhulku cagaar buu ahaa, agagaarka iyo meelaha ku hareeraysan laamaydu waxa ay aha...

Shaqada joogtada ah iyo adoo wax suga uun midkee waxtar leh?

Image
Dabeecadda dadku waxa ay u badantahay inay jecelyihiin inay si FUDUD wax ku helaan. Ma rabaan inay waqti, tacab, tamar iyo waqti geliyaan waxa ay rabaan. Xagga loo badanyahay ee la iska wada rabaa waa in fadhiga wax lagu helo. Se taasi wa dhacdo, hadday dhacdana way yartahay, mana raagto. Marka shaygu tacab iyo tamar ku yimaad, macne gaara ayuu sameeyaa, wuuna daa'imaa. Se wixii fudayd lagu helo, fudayd baa lagu waayaa. Inkasta oo ay dhaqanka bini'aadanka tahay inay jecelyihiin inay helaan waxayna u daalin, haddana waa mid u baahan in qofku fahmo muhiimadda ay leedahay hawlkarnimada iyo dadaalku. Wax qabo, dadaal oo waqti geli. Wuu kuu daa'imi, midho fiicanna aakhirka waad ka heli. Waxkasta oo raaga iyo waxkasta oo waqti qaataa macnuu sameeyaa, waana raandhiis.

Bandhiga Buugta Goday 2024

Image
Hordhac Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book Fair). Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’   Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu qaban jirin bandhigyada...

Faallada buuga ‘ Awoodda Si Togan u Fekeridda- The Power of a Positive Mindset’

Image
   Buuga  ‘ The Power of a Positive Mindset’  waxa qoray Jason Wolbers. Af soomaali ahaan waxa aan mu macnayn karnaa  ‘Si Togan u Fekeriddu.’  Buugu wuxuu ka warramayaa sida maskaxda sida togan u fekeraysaa saamayn wacan ee ay ku yeelan karto waayaha kala duwan ee qofka noloshiisa. Halkan waxa aan ku soo koobayaa shan cashir oo aynu ka baran karno buuga: 1-  Saamaynta fekerrada xaqiiqada ku salaysan:  Qoraagu wuxuu xoojinayaa in fekerradeennu qaabeeyaan xaqiiqada. In qofku abuuro fekerro togani waxa ay saamayn ku yeelataa habfekerkeenna, habdhaqankeenna, iyo    natiijooyinkeenna. Sidoo kale, waxa ay innagu hoggaamisaa in aynu gaadhno guulo nololeed oo badan iyo inaan nolosha waxbadan qabsanno. 2- In qofku iska gabagabeeyo fekerrada taban ee naftiisu ugu sheekaynayso:  Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado ka dibna laga takhalluso fekerrada taban ee naftu qofka ugu sheekaynayso. Waa in meesha laga s...

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Image
  Qofku marka aanu fursaddaa diyaarsanayn haddii ay timaaddo wuu dayacaa, meel bannaana wuu ku dhacaa. Waayo, fursadaha noloshu si kedis ah oo bilaa ogaysiis ah ayay ku yimaaddaan. Waa sababta markasta loo yidhaahdo: " Diyaargaraw. Diyaargarawgaa waxkasta ka horreeya." Waayo, fursaddu kuma sugayso, haddaanad diyaar ahayn oo degdeg uga faa’deysan, way ku dhaafaysaa.  Adiga oo aan diyaar ahayn in ay fursadi timaaddo oo sidaa kugu dhaafto adoon ka faa'idaysan waxa ka wacan adoo diyaarsan inaad fursad waydid. Waayo, ta hore waa qoomamo, ta danbana waa shay nasiib ku siin waayay, oo waxa laga yaabaa inay fursaddii weli kuu soo socoto. Mudane Shamuuri oo soo caan baxay bishii 2aad ee sannadkan 2024, kuna soo caanbaxay markhaatigii uu furay Kiiskii Gubidda Marxuum Luul. Isaga oo markii su'aalaha maxkamaddu wayddiisay markasta ku darayay ' Masha Allah, Insha Allah..." Labadaa kalmadooda iyo hadalkiisa ayaa bulshada aad usoo jiitay, aadna upa dhaceen. Iyada oo la hada...