Posts

Shaqo ka tegidda oo Dunida ku soo badanaysa!

Image
  Xilligan dunida culaysyadu ka jiraan, waxa soo badanaya dadka shaqooyinku ka kacayaan, iyo kuwa shaqadoodii ka tegaya. Maqaal ay daabacday Harvard Business Review ayay qayladhaantan ku sheegtay. Maqaalka waxa qortay aqoonyahanad Jennifer Moss , oo ah khabiir ku takhasustay shaqooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha shaqada iyo shaqaalaha. Judha hore waxa ay xusaysaa in dadkii afka ciidda dareen oo shaqadii soo koobantay. Shaqadu inay koobnaato oo si guud shaqooyinkii yaraadaan waxa sababay culaysyada ay ka midka yihiin xanuunnada, dhaqaale yarida IWM. Maxay tahay sababta dadku shaqada uga tagaan? Madasha ‘ The Microsoft Work Trend Index ’ oo ka warranta heerarka shaqaalaha iyo shaqada ayaa cilmibaadhis ay sannadkan 2022ka samaysay waxa ay ku sheegtay in inka badan 31,000 qof oo ku kala nool 31 waddan ay si joogto ah uga hadlaan culayskan shaqo ee yimid. Cilmibaadhistu waxa ay heshay in 43% la filayo inay shaqada ka tegi doonaan sannadka soo socda. Haddaba ujeeddada ugu wayn e...

Qaabkeed Wax u Dhegaysataa?

Image
  Maamulaha wanaagsan wuu garanayaa in dhegaysigu muhiimyahay, oo uu dheef leeyahay; base dad kooban ayaa ka warqaba sida wanaagsan ee wax loo dhegaysto. Bal yar dhugo wadasheekaysigan: Shaqaale: Anigu waan ka werwersanahay soojeedintayda aan wax ka hor jeedinayo Kulanka Guddida. Kormeere: Cajiib, si fiican baad wax u qabanaysaa. Aniga sannado ayay igu qaadan jirtay ka hor inta aanan waxba ka hor jeedin, oo waan iskudhexyaaci jiray. Saaxiibkiisa Shaqada 1: Waxa aan u baahanahay dalxiis kooban. Saaxiibkiisa Shaqada 2: Waa inaad buuraha tagtid, waxa aan soo laaban doonaa aniga oo soo qaatay dalxiiskii ugu wacnaa ee aan sannadahan galo. Warbixintana waan kuu soo diri. Bukaan: Anigu waan ka cabsi qabaa habkan. Daweeye: Dhakhtarkan ku dawaynayaa/ku qalayaa boqollaal qof ayuu adeeggan hore ugu qabtay. Heerka khatartuna aad ayuu u yaryahay. Jawaabaha xagga sare ku xusan maaha kuwo xun, balse ma aha kuwo qofka hadlaya ee looga jawaabayaa uu kala kulmayo ama ka dhex arka...

3 Ganacsade oo Guulaystay

Image
Sawirkan waxa ka muuqda saddex Ganacsade oo saamayn bulshada ku leh, horumar ballaadhanna gaadhay, marka hore nafahooda ayay meel hoose ka soo qaadeen, halgan adag ayay soo galeen, oo way isasoo saareen, ka dibna bulshada iyo qaranka ayay qaadhaan horumarineed oo la taaban karo ku darsadeen oo hal'abuurkooda iyo hantidooda uga faa'ideeyeen. Qofka koowaad waa Ismaaciil Axmed. Ismaaciil, waa Mulkiilaha Shirkadda Dirista Lacagaha ee World Remit, Sahamiye Foundation IWM. Ismaaciil, wuxuu halganka nolosha ka soo bilaabay meel hoose. Markii hore shaqaale ayuu ahaa, oo sida uu Waraysiyo badan ku sheegay Istaroowbariga ayuu guri jiray, wuu ka dallacay, illaa uu UN ta ka shaqeeyay. Ugu danbayn wuxuu isku dayay inuu hal'abuur cusub la yimaaddo, wuxuuna abuuray shirkad cusub oo diridda lacagaha ka shaqaysa. Hadda waa Mulkiilaha Shirkadda Work Remit. Wuxuu Somaliland ka fuliyay mashaariic badan oo horumarineed. Wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, sha...

Faallada Buugga “ Qummane”

Image
Hordhac Buuggan magaciisa waxa la yidhaahdaa “ Qummane.” Cinwaan hoosaadkiisuna waa ‘ Godlinta Garaadka iyo Garwaaqsiga Waqtiga.’ Waxa Af Carabi ku qoray Qoraa Suldaan Muue Al Muusaa, oo ah qoraa wayn oo cabqariya. Waxa Af Soomaali u turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah wiil dhallinyaro oo waayadan danbe buug manfac leh turjuma. Si guud buuggu waxa uu ka warramayaa oo si togan u lafagurayaa, ugana warcelinayaa wayddiimo kakan iyo mas’alooyin murugsan oo dhib ku haya da’yarta muslimiinta. Waayo, waxa aynu ku noolnahay duni isku furan oo ay bateen ilaha laga helo xoguhu.   Arrinta layaabka lihi waxa weeyaan buugga xogta sidaas ah sida ee mawduuca muhiimka ah ka warramaya in muddo la xannibay isaga iyo turjumaagiisii, iyo madbacaddii daabacday ba. Dalka debaddiisa ayaa lagu daabacay buugga, markii dalka la keenay ee uu yimid Eeriboodka ayaa la xannibay, turjumaagii markii uu doonayna isla isagii ayaa la xidhay. Warxumotashiil ayaa sheegay in buuggu diimo kale faafinayo oo mawdu...

Sidee Fekrad Ganacsi Loo Abuuraa?

Image
  Marka aad ganacsi abuuraysid, ama aad rabtid inaad ganacsi bilowdid waxa muhiim ah in aad haysid fekrad. Haddaba unkanka hore ama meesha ay ka bilaabmayso fekradu inaad heshaa waa waajib. Sida bandanna qofkasta maskaxdiisa fekrado ayaa markasta ku soo dhaca. Dadka xilliyo kala duduwan ayay fekraduhu ku soo dhacaan, qaar marka ay wax daawanayaan ayay fekradi ku soo dhacdaa, qaar iyaga oo safar ku jira ayay fekradi ku soo dhacdaa IWM.   Fekradahaasi waxa ay noqon karaan kuwo ganacsi, markaas waa waajib in loo fiirsado fekradaha imanaya. Xaggee fekradaha cusubi ka yimaaddaan? Ma sidii Niyuuton ayaa geed tufaax ah la hoos fadhiistaa si tufaax madaxa kaaga dhaco, oo markaas fekrad cusubi kuugu soo daataan, mise waxaa jira siyaabo kale oo lagu curin karo fikrado cusub?   Sida Drucker (1988), Shaver iyo Scott (1991) iyo Ardichvili et al. (2003) ku doodaan, fekradda waxaa lagu helaa dadaal ku talagal ah, ama baadigoob. Nasiibdarro, dadka oo dhammi baadigoob buuxa ma samayn ...

Ardaygu Marka uu Jaamacadda Dhiganayo Maxaa la gudboon?

Image
  Hordhac   Waqtiga waxbarashada heer Jaamacadeed la dhiganayo waa muhiim in qofku waxyaabo badan ku baraarugsanaado. Waxba waxbay ka muhiimsanyihiin qofku marka uu ardayga yahay waxa ku waajib ah inuu ogaado waxa uu xaq u leeyahay, waxa isaga xaq loogu leeyahay, waxa laga rabo, iyo guud ahaan inta uu ardayga yahay waxyaabaha u muhiimka ah. Qoraalkan kooban waxa aynu kaga warrami doonnaa waxyaabaha ardaygu u baahanyahay inta uu waxbarashada ku jiro, gaar ahaanna waxbarashada heer jaamacadeed. Ardayga Heer Jaamacadeed maxaa laga rabaa?   Ardayga Jaamacad ku jira waxa aan qiyaasayaa inuu waxbadan ogyahay marka hore. Kulliyadda iyo qaybta uu dhigtana waa mid uu inta badan isagu doortay, walow ay marar badan dhacdo in qofka lagu qasbo kulliyad ama qayb aanu isagu niyad ahaan jeclayn. Haddaba ardeyga waxa la gudboon waxyaabahan: 1-      Inuu xaqa uu goobta waxbarashada ku leeyahay garto Marka argaygu waxbaranayo waxa waajib ah inuu garanay...

Nolosha oo Laga Fahmo Dhinac Cusub

Image
Dadku waa laba jaad: Dad u nool si ay u noolaadaan nolol darteed, iyo dad u nool aragti darteed. Haddaba dadka aragtida u nooli waa waa laba nooc: Dad aragtida u nool se aan si dhammaystiran ugu qanacsanayn; iyo kuwo aragtida darteed la nool oo ay noloshooda oo dhan la wareegtay oo ay mulkiday. Kuwa hore aragtida ayay u noolyihiin, waayo way ka faa’idaysanayaan; kuwa labaadna aragtida ayay u noolyihiin, waayo aragtida ayuu ka dhex arkaa badhaadhaha, iyo waxkasta oo kale.  Dadku dhinaca habdhaqanka waa laba nooc: Qaar waa kuwo ka fekera maxaad hanti iyo magac ba kasban oo heli kartaa? Kuwa kalana waa qaar ka fekera maxaad kasban ee caqli, fekrad, iyo dadnimo ah? Kuwa hore waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka aad adigu iyaga la yeelanaysid, waayo waxa aad muhiim u tahay jeebkooda. Kuwa kalana waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka ay iyagu kula yeelanayaan; waayo waxa aad muhiim u tahay caalamka fekradahooda.   Hoggaamintu waa laba nooc: Waxa jirta hoggaamin ka fekerta uun aw...