Posts

Sookoobidda Buugga “The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”   waxa qoray James Kouzes  iyo Barry Z. Posner . James, waa hoggaamiye hayin ah iyo khabiir ku xeeldheer arrimaha maamulka. Waana qoraa, cilmibaadhe, iyo tababbare. Barry Z. Posner , waa qoraa iyo Bare Sare oo Jaamacadeed. Wuxuu hoggaaminta ka dhigaa Santa Clara University . Labadan qoraa buugaag kale ayay wadaqoreen. Buugta ay wadaqoreen waxa ka mid ah: -        A Leader's Legacy. Hoboken: Jossey-Bass (2006).  ISBN   9780787982966 . -        The Student Leadership Challenge: Five Practices for Exemplary Leaders. Hoboken: Jossey-Bass (2009).  ISBN   0470177055 . -        The Truth about Leadership: The No-fads, Heart-of-the-Matter Facts You Need to Know. Hoboken: Jossey-Bass (2010).  ISBN   0470633549 . -        Encouraging the Heart: A ...

Sooyaalkii Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020)

Image
Hordhac Sannad buuro ah ayaa laga joogaa maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariistee halgamaa Cumar Carte Qaalib ( 1930-2020).   Maanta ayay ku beegantahay, hillaaddu waxa ay ahayd 18 Noofanbar, 2020kii. Cumar, waxa uu ahaa siyaasi ruugcaddaa ah, halgamaa muddo badan soo halgamayay, aqoonyahan aqoondhaadhi ah, iyo hoggaamiye ruuxi ah. Cumar, wanaagkasta iyo sifo kasta oo wanaagsan oo qof lagu sheego wuu lahaa. Waxa aynu ku qeexi karnaa; nin mabda’ lahaa, han sare lahaa, hoggaamiye saamayn leh, halgamaa, iyo oday ummadeed. Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan waxyar ka taabto ama ka sheego taariikhdii facawaynayd ee halgamaa Cumar. Ma soo koobi karo, mana dhammayn karo taariikhda iyo sooyaalka halgamaa Cumar. Balse, si kooban oo dulmar ah ayaan isku dayayaa inaan nuxurka idina la wadaago. Dhalashadii iyo Waxbarashadii Cumar   Cumar Carte Qaalib, waxa uu dhashay qiyaastii 1930kii. Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Magaalada Hargeysa ayuu wax ka b...

Marka Qofku Qalinjebiyo: Fursadaha iyo Caqabadaha

Image
  Hordhac   Bishan iyo tii ka horraysaay waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo. Maalintaas ardeygu waxa uu galayaa xaalad kala guur. Wuxuu ka soo baxayaa marxalad nololeed oo uu muddo la qabatay, wuxuuna galayaa marxalad kale oo cusub oo muddo u baahan inuu la qabsadaa. Marka qofku waxbaranayo ee Dugsi ama Jaamacad ku jiro wuxuu ku jiraa xaalad isku toosan oo dhinac loo socdo oo ardaygu dariiq iyo waddo uu raaco ayuu haystaa. Balse, marka qofku soo qalinjebiyo ma jiro dariiq sax ah oo uu raacaa, wuxuu galaa marxalad furan iyo nolol ballaadhan oo f...

Sookoobidda Buugga “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah” waxa qoray Dr. Muxammed Yuunus, oo ah dhaqaaleyahan iyo ganacsade. Muxammed, waxa uu aasaasay Bangiga la yidhaa GRAMEEN BANK. Bangigu waxa uu bixiyaa adeeg loo yaqaan ‘ Daymaha yaryar’ oo la siiyo, laguna maalgeliyo dadka danyarta ah- gaar ahaan haweenka. Waxa loo sameeyay saboolnimada qoysas badan loogaga saaro. Adeegaas DAYMINTA DAYMAHA YARYARI soddonkii sano ee la soo dhaafay adduunyada wuu ku sii fidayay, waxaanna ka faa’ideystay in ka badan 100 Milyan oo qoys. Dr. Maxammed, buug la yidhaahdo ‘ Banker to the Poor’ ayuu qoray. Buuggu wuxuu ahaa buugaagta ugu iibsiga badan Caalamka ‘ Bestselling Books.’ Dr. Maxammed, abaalmarinta adduunka ugu qaalisan Noble Peace Price ayuu ku guuleystay. Waxa la siiyay sannadkii 2006dii. Buuggu, waxa uu ka koobanyahay 297 bog. Saddex qaybood ayuu qoraagu qaybiyay. Qaybaha waxaa soo hoosgala dhawr cashir oo koo...

Sookoobidda Buugga “I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.” oo Cinwaan hoosaadkisu yahay “ How Successful Women Make the Most of Their Time.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha.   Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “ What The Most Successful People Do Before Break Fast. ” Waxa ay qortay sannadkii 2015kii. Buuggan waxa ay kaga warramaysaa waxa ay dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. Si guud ayaynu u dulmari. Nuxurka Buugga waxa ay ku taxaysaa waxa dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. 5 qodob ayaynu ka soo qaadan. Waxa ay yihiin: 1-       Waqtigooda ayay qayqaybiyaan: Tusaale ahaan, waxa ay u qaybiyaan waqti shaqo, waqti nasasho, waqti ay caruurta kula qaataan IWM. 2-     W...