Posts

Qalinjabintaydii: Way Timid Maalinteennii 12 Sano Aynu Sugaynay; Laba Xaaladood oo Kala Duwan!!

Image
  Sawirkani waa aniga iyo Hooyaday Layla Axmed. Waa Dorraad ( 12 Sept. 2021) iyo qalinjebintaydii Jaamacadda Cammuud. Muuqaalku waa farxad farxad kale ku lammaan. Halgan nololeed iyo hammi hirgalay ayuu muujinayaa. Waa xaalad gaar ah, qalinka kuma muujin karo dareenka uu gudbinayo. Sawirka iyo turjumaaddiisu waxa ay igu xanxantaynayaan ama i xasuusinayaan maalin aan sii fogayn oo xaalad kale iyo goob kale aannu aniga iyo Hooyaday wada joognay. Waa dhammaadkii sannadkii 2008dii. Waa aniga iyo Hooyaday. Aroor hore ayaannu aqal Soomaaligayagii ka toosnay, laxooxdii ayay dubtay, dhawr xabbo oo qallalan ayaan cunnay. Sacihii aannu shaaha ku caddaysan jirnay ayaan ka maalnay. Aniga iyo hooyo waxaannu u baxaynaa Magaalo, oo qorshuhu wuxuu ahaa aniga in magaalo aroortaas la i geeyo. Dhawr calal oo hun ah ayaan bac yar ku ritay, hooyana way lammaanayd oo gabadh yar ayay xanbaarsanayd. Waannu diyaargarawnay. Waxa aannu tagnay Istaanka caanaha laga qaado ee tuuladayada Qorijabka ( Oogada, Mad...

Maxaad ka garanaysaa Hud’hudka?

Image
Hud’hudku waa shinbir ballanqaadka yaqaanna oo fuliya. Haddii uu meel cunto ama biyo arko ooridiisa ayuu u dhawaaqaa ama u yeedhaa oo cuntadaa ama biyahaas ma doonto illaa ay ooridiisu u timaaddo oo ay la socoto. Haddii uu waayana inta uu duulo ayuu soo raadiyaa isaga oo u dhawaaqaya. Haddii ay ooridiisii dhimatayna markasta oo uu xasuusto wuu qayliyaa si dareen leh; wuxuuna tagaa meelihii ay wada joogi jireen markii ay noolayd, wuu qayliyaa oo wuxuu xusaa xasuusihii wacnaa ama qurxoonaa ee ay wada qaateen markii ay ooridiisu noolayd. Hud’hudku waa xayawaankii kaliya ee yidhi: ‘ Hooy, Alle dartii u sujuuda~ الا يسجدوا لله .’ Hud’hudku wuxuu awood u leeyahay inuu gooyo ama safro masaafad aad u dheer. Wuxuu duulaa kumannaan Kiiloomitir isaga oo aan daalin, harraadin ama gaajoon. Wuxuu awood u leeyahay inuu dawlad ama dal ka duulo oo dal kale u duulo, sidaa darteed ayuu Alle Quraanka sharafta leh ugu xusay. Saba’ oo Yemen ah ayuu ka safray/duulay oo illaa Falasdiin ayuu u duulay, Alle ay...

Taariikh Nololeedka Muftiga Sh. Maxammad Sh. Cumar Dirir

Image
  Hordhac Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.  Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.  Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:  1-      Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).  2-      Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3-    Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).  4-      Dacwadda Diinta ( ...

Sheeko: Faa'idada Ganacsiga

Image
 " Dadku waxa ay iga soo qaadi jireen ama i moodayeen in aan ahay doqon markii aan furay Bakhaarkayga. Khibrad ganacsi oo hore ma lahayn; waxa aan hore PhD ugu qaatay aqoonta Kimisteriga. Waqtigaas na dalka Jaynaya si rasmiya ayaa looga mamnuucay ganacsiga, oo may jirin Bakhaarro alaabta Jaynaha lagu iibiyaa, xataa magaalooyinka Jaynaha kamay jirin. Balse, anigu waxa aan ahaa cabqari.  Waxa aan ka fekeray oo iswayddiiyay: ' Waxa macquula inaan fududayn karo in labada dal isku xidhmaan oo labadaas dal isku xidho haddii aan Jaynaha ka ganacsado—xataa ganacsigaasi ha ahaado mid aad u yar, si tartiib tartiib ah ayuu u kori doonaa oo u bullaali doonaa' Farsamo ahaan wuxuu ahaa Koontarabaan. Haddii aad Kanada Wakaaladaha xuduudaha u qaabilsan qofku waxyar u tuuro, cid diidani ma jirto. Bakhaarka waxa aan ku magac ku magacaabay " Pearl River", magacaas oo ah magaca Webiga ugu wayn Gobolka Canton.  Waxa aan rabay in aan Tahriibayaashii Jayniiska ahaa jeclaysiiyo dalkooda...

Bandhigga Buugaagta Jigjiga 2021

Image
Hordhac Inta badan waan jecelahay inaan magaalooyin badan arko, dhul badanna arko.   Berigii aan yaraa Miyi baan ku soo barbaaray oo socodka iyo inaan meelo cusub arko waan jeclaa. Markasta oo aan fursad u helo inaan meel tago waan tagaa, waana inaan ka faa’idaystaa fursaddaas. Dhammaadkii bishii Juun, 2021ka waxa aan tagay magaalada Jigjiga.Magaaladaas 28keeda waxaa ka bilaabmayay Bandhigga Buugaagta Jigjiga. Bandhiggaas ayaa la igu martiqaaday oo aan martida gaarka ah ka mid ahaa. Sidaas darteed ayaan u tagay magaalada markan. Ma aha markii koowaad ee aan Jigjiga tago, waa markaygii labaad ee aan Jigjiga tago. Sannadkii 2019kii bilowgiisii ayaan markii koowaad booqday. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo Bandhigga buugaagta Jigjiga, iyo waxyaabaha aan ku arkay. Magaalada Jigjiga   25 Juun, 2021kii waxa aan ka baxay magaalada Boorama,   waxa aan u sii jeeday magaalada Jigjiga. Markii aan Jigjiga ku sii socday waxa aan sii maray magaalada Wajaal...