Taariikh Nololeedka Muftiga Sh. Maxammad Sh. Cumar Dirir
Hordhac
Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan
geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir,
Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha,
wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo
muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.
Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar
ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.
Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno
waxaa ka mid ah:
1- Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay,
siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).
2- Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay,
ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray
waxbarashada).
3- Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii
waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).
4- Dacwadda Diinta ( Xilligii uu dacwadda
bilaabay, sidii uu u bilaabay… IWM).
5- Caqabadihii uu la kulmay (
Caqabadihii uu kala kulmay faafinta Dacwadda. Iyo sida uu ugu dhabar’adeygay ee
uu uga adkeystay).
6- Waxqabadka Sheekha ( Waxyaabaha uu
qabtay Sheekhu, doorkii uu ku lahaa xallinta khilaafaadka, shaqaaqooyinka iyo
sidii uu dagaalladii Sokeeye qayb laxaad leh uga soo qaatay).
7- Ardeyda uu waxbaray (Ardeyda wax ka
baratay ayaynu tixi doonaa… Goorta iyo goobtoodu in ay kala duwanayd ayaynu
hoosta ka xarriiqi doonnaa).
Ugu danbayn, wa aan soo gunnaanadii doonaa oo waan innoo soo xidhi
qormada haddii Alle yidhaa.
1-
Dhalasho
Sannadkii 1963kii, ayuu Sheekh Maxammad Cumer Dirir, adduunyada
korkeeda yimidday. Wuxuu ku dhashay Dalooburay oo Itoobbiya ku taalla, gaar
ahaanna halka ay iska galaan Kililka Soomaalida iyo ka Orommadu. Sh.
Maxammed waa curadka Aabbihii Sh. Cumer Dirir. Hargeysa ayuu ku
hanaqaaday oo carruurnimadii ku cawayn jiray, sida uu waraysi ku sheegay
Sheekhu, isaga oo ka warramaya wuxuu yidhi; “Hargeysa iyo agagaarkeega ayaan ku
soo barbaaray.” Barbaarin wanaagsan oo Waalidnimo ayuu helay, ku barbaaray oo
ku koray.
Qoys ehluddiin ah, oo Diinta si wanaagsan u yaqaanna ayuu
ka soo jeeday. Adeerradii iyo qaraabadii ku dhawayd aad ayay Diinta u ixtiraami
jireen oo ay u baran jireen; Sheekhu isaga oo ka warramaya Adeerradii iyo
dadkii ehelkiisa ahaa waxa uu yidhi; “ Ilma Dirir shan ayay ahaayeen Afar baa
culimmo ahaa……Qoys culimmo ah ayaa lagu yaqaannay oo ka soo qayb qaatay Diinta
faafinteeda.”[1]
2-
Waxbarasho
Aabbihii Sh. Cumer Dirir, wuxuu ahaa Wadaad Caalin ah oo Diinta
aad u yaqaan, isla markaanna dadka bara oo u faa’ideeya. Meelaha uu Sh. Cumer
wax ka dhigay waxa ka mid ah Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, iyo meelo Itoobbiya
ka mid ah. Haddaba, Sh. Maxammed na Aabbihii ayaa markii koowaad wax baray oo
wax fahansiiyay. Macallinkiisii koowaad ee alifka u qabtaa waxa uu ahaa
Aabbihii Sh. Cumer Dirir AHUN. Waxyaabaha uu ka qaatay waxa ka mid ah Fiqiga,
Axaadiista, Naxwaha iyo Qur’aanka. Qofka in uu Aabbihii waxbaro wax ka
wanaagsan la waa.
Waxoogaa ka dib markii Sh. Maxammed gaashaanqaad noqday, qiyaas
ahaan sannadkii 1972kii, waxa geeriyooday Aabbihii iyo Macallinkiisii qaaliga
ahaa ee Sh. Cumer Dirir AHUN. Waqtigaa da’da Sheekh Maxammed waxa ay ahayd 19
sano jir. Tiir wayn oo nolosha Sh. Maxammed ka baxay ayuu ahaa, waase qaddar
Ilaahay oo qoran. Waxase arrin lagu farxo ah in Sh. Cumer ku duceysan jiray in
Allah uu ka dhigo Sh. Maxammed mid ka dhaxla cilmiga. Dabcan, dhabbay noqotay
oo innagaa ka marag ah sidey mustajaaba u noqotay ducadii Sh. Cumer AHUN.
Markuu yaraa wuxuu xoogga saari jiray xagga barashada Diinta. Asaaggii
qaar ayaa la yaabi jiray oo ku wiirsan jiray mararka qaar; sida uu ku sheegay
waraysi uu bixiyay, wuxuu yidhi; ‘ Siddeetameeyadii markii aannu cilmiga ku
dhexjirnay da' yartu waynala yaabbi jireen… waxay nagu odhan jireen; “
Malcaamad yar iyo masaajid yar ayaad dhex warwareegtaan. Malaha waxa kuu fiican
inaad waxaad shaqo fiican aad ku helaysaan raadsataan.”[2]
[Halkan ka daawo waraysiga Sheekha oo warramaya arrintaa (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )]
3-
Aabbihii ka dib
Sh. Maxammed Aabbihii ka dib Culimmo badan ayaa Diinta u
dhigtay. Culimmada u dhigtay waxa ka mid ahaa: kuwo u dhashay Qawmiyadda
Orommada. Dugsiyo kala duwan iyo goobo kala geddisan oo waxyaabo badan lagu
barto ayuu wax ka bartay oo ka qallinjebiyay Sh. Maxammed, Aabbihii dabadii.
Maddarasado Hargeysa ku yaallay ayuu wax ka bartay, halka luuqadda Carabigana
uu ka bartay Macallimiin Masaari ah oo loo soo diray Soomaaliya.
Macallimiin Sucuudiga ka iman jirtay laftooda waxbuu ka bartay Sheekhu.
Sannadkii 1982kii ilaa 1984kii, Sh. Maxamed wuxuu u baqoolay
Dalka Masar, wuxuuna galay imtixaan Dugsi Sare ah, wuuna ku guuleystay.
Dabadeed, dadaal dheerada ayuu sameeyay oo isagaa isdabaqabtay oo wax isbaray.
Sannadkii 1996kii, wuxuu Sheekhu u dhoofay Waddanka Bakistaan ee ku yaalla
Koonfurta Eeshiya.
Imtixaan Jaamacadeed ayuu galay, wuuna ku guuleystay. Jaamacadda
la yidhaa ‘Al-Wifaaq Al-Islaamiya’ oo dalka Baakistaan ku taal ayuu Shaahadada
sare ee Masterta ka diyaariyay. Kulliyadda uu qaatay ee uu diyaarinayay waxa ay
ahayd ‘ Daraasaadka Islaamka iyo Luuqadda Carabiga.’
Sannadkii 1999kii, wuxuu booqday Dalka Masar, isaga oo la
kulmay Culimmo badan, sida ‘ Shaykhul Azhar.’ Dawro ayuu ku soo qaatay isla
Dalka Masar. Xalqadooyinka Masaajidda ayuu Sh. Maxammed aad uga faa’deystay oo
uu ku taxnaan jiray, tan iyo intuu waxdhigashada bilaabay.
Sheekhu Jaadad kala duwan oo aqoonta ah ayuu yaqaan oo uu ku
takhasusay. Waxaanna ka mid ah:
1) Tafsiirka
Qur’aanka.
2) Luuqadda
Carabiga.
3) Musdalax
Alxadiis.
4) Alfiqi.
5) Usuul
Alfiqi.
6) Cilmi
Al-tajweed.
7) Cilmiga
Caqiidada.
8) Naxwaha.
9) Culuumta
Qur’aanka ee kala geddisan.
10)
Cilmiga Aayadaha
11) Cilmiya
todobbada dariiqo ee qur’aanka loo akhriyo.
12)
Taariikhda Shareecada.
13)
Asraarta Shareecada Iwm.
Tafsiirka Qur’aanka
Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah caan ayuu ku yahay oo marar
badan ayuu akhriyay, illaa haddana wuu ka akhriyaa. Markii ugu horraysay
akhrinta Tafsiirka wuxuu bilaabay 1986kii. Waxaanna markii ugu horraysay laga
sii daayay Idaacaddii Hargaysa sannadkii 1991kii, halka Muuqbaahiyahana laga
sii daayay 1996kii. Maqaal Kalhore laga diyaariyay ayaa lagu sheegay
sidaa (http://waxsansheeg.com/?p=60867 )[3]
Qur’aanka in badan ayuu dhammeeyay oo Tafsiirkiisa gunaanaday. Maqaal
2016kii laga qoray waxa lagu sheegay inuu 7 jeer dhammeeyay Qur’aanka, kuna
dhammeeyay Masjidka uu maammulo ee Al-Huda (Rusheeye).
Sidoo kale wuxuuu marar badan ka dhammeeyay Idaacadda (Radio
Hargeysa) iyo Tv-ga Soomaalilaan. ((http://waxsansheeg.com/?p=60867 ). Ilaa hadda wuxuu ka
marinayaa tafsiirka Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa. Idaacadda
Radio Hargeysa iyo Muuqbaahiyayaasha kala duwan.
Axaadiista
Axaadiista aad buu ugu horreeyaa oo si fiican ayuu u daraaseeyay
Sheekhu. Kutubta Axaadiista ah wuu akhriyaa, oo qaarkood wuuba duubay. Anigu
waxa aan ka dhagaystay Kitaabka la yidhaa‘ Riyaadu As- Saalixiin.’ Kitaabkaa oo
aan Canjalad duuban kaga dhagaystay Sheekha waan ka faa’idey oo waxbadan ayuu
ku kala dhigdhigay. Qaabka uu isku saarayo iyo xarakaadka uu u yeelayo ayaa si
fiican isoo jiitay. Qaab heersare ah oo lala ashqaraaro ayuu kaaga
dhaadhicinayaa.
Luuqadda Carabiga
Carabiga waa culimmada ku horraysa ee aadka u taqaan. Kutub
badan ayuu ka akhiyay oo dhigay. Qaarkood way duubanyihiin.
Naxwaha
Naxwaha aad u dhigaa oo uu u yaqaan. Markuu Qur’aanka
Tafsiirayaba wuu sheegaa, oo wuu kala dhigdhigaa. Sideedabana, Qur’aanka si
fiican uma Tafsiiri karo qof aan Naxwaha si wanaagsan u aqoon.
4-
Dacwadda Diinta
Sheekhu Dacwadda waa ku caan oo isaga oo wada wacdiga ayuun baan
ku garaadaystay. Sida la sheegay wuxuu Dacwadda bilaabay isaga oo da’diisu
tahay 19 sano jira- illaa haddana wuu wadaa. Waa nimcad Ilaahay in qofku Diinta
iyo Dacwadda yaraan ku bilaabo, muddo badanna wadaa. Xadiiskii Nebiga SCW ee
ahaa ‘ Dhallinyaro ku barbaaray Cibaadada Ilaahay ayaa ka mid ah Toddobada
maalinta aannu hadhka Alle mooyee hadh kale jirin loo hadhaynayo.’ Sheekha waan
u rajaynayaa sidaas Xadiisku sheegayo, maaddaama uu yaraan Dacwadda Diinta ku
bilaabay.
5-
Caqabada uu kala Kulmay Faafinta
Dacwadda Diinta
Sheykasta oo la bilaabaa caqabad iyo waxyaabo iska caabbina oo
qofka ka horyimaadda ayuu leeyahay. Kolba caqabaddu waxa ay ku xidhantahay
sheyga aad qabanayso. Haddii aad Diinta faafinayso, cidina lacag kugu siinayn
waadka caqabad badanaysaa qofka aragti Xisbi faafinaya ee mushahar ama lacag ku
qaata. Marka aad u banbaxdo in aad dadka gaadhsiiyo wixii adduunka ugu qiima badnaa
oo Diinta ah, khatar way kula soo wajahaysaa. Sheekhu Dacwad faafin ayuu
bilaabay isaga oo dar Alle u wadaya, caqabado ayaa ka horyimid. Caqabadahaa
waxaa ka mid ah:
B) Dagaallo ayaa dalka ka dhacay, waxbadan oo geeddisocday ayay
kharribeen dagaalladaasi. Sheekha, dagaalladaasi caqabad baaxad weyn ayay ku
noqdeen. Mararka qaar waxaa dhacday in dacwaddaa loo xidhay.
T) Markaad meel gasho waxkasta u diyaargarow. Sheekha, waxa
marbaa la isku dayay in laga takhalluso oo la dilo sannadkii 2001dii. Subax uu
masaajidka tagay ayaa shirqool abaabulan loo dhigay, waxaanna u dhigay sida la
sheegay; dad iska sannifay uun Sheekha. Alxamdulilaah, wuu ka badbaaday dilkaa,
balse, waxaa la gaadhsiiyay dhaawac culus oo sababay in dhakhtar debadda ah loo
qaado.
6-
Waxqabadka Sheekha
Waxqabadka Sheekhu aad buu u ballaadhanyahay oo hal maqaal kuma
soo koobi karno, kagamana bogan karo. Balse waxyar oo iftiimin ah ayaan ka soo
qaadanaynaa waxqabadka Sheekha. Waxaanna ka mid ah:
B) Wuxuu Maxkamad Islaami ah ka aasaasay tuulada Gunburaha
1998kii. Tuuladaasi oo Aabbihii Sh. Cumer AHUN, masaajidkii ugu horreeyay uu ka
dhisay. Waanna deegaanka uu ka soo jeedo Sheekhu.
T) Waxa kale oo uu Sheekhu aasaasay Maxkamadda Sharciga ee
Hargeysa, sannadkii 1999kii. Isagana ayaana masuul ka noqday.
J) Waxa uu Sheekhu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee aasaasay
Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee sannadlaha ah. Waxaynna aasaaseen sannadkii
1992kii.
X) Wuxuu Sheekhu bilaabay xafiiska Xujaajka oo dadka Xajka
tagaya u fududeeya tagidda Xajka.
KH) Waddammo badan ayuu wacyigelin Diineed iyo baraarujin u
tagay. Qaarkood waxa ay ku yaallaan Qaaradda Waqooyiga Ameerika iyo Qaaradda
Yurub.
D) Sheekhu wuxuu kasoo qaybqaatay xallintii dagaalladii Sokeeye
ee dalka ka dhacay. Sidoo kale dagaalbeeleedyo badan ayuu xalliyay oo meelo
badan u tagay. Dad walaallo ah oo birta iska aslaya oo ishorfadhiya ayuu Wacdi
iyo waano ku kala kiciyay. Arrintaa xallinta khilaafaadka iyo Walaalaynta wuu
waday tan iyo dagaalladii Sokeeye ee dalka ka qarxay. Shaqaaqooyin badanna wuu
xalliyay, waxa ugu danbaysay shaqaaqadii ka dhacday Ceel’afweyn gugan 2018ka,
oo bishii Julaay Sheekha iyo culimmo kale soo xalliyeen.
R) Waxbaridda dadka iyo waanada waan ku caan Sheekhu, oo waa
waxbadan abaal dadku ugu hayaan, Alle agtiisana abaalmarin wanaagsan aan uga
rajaynayno.
S) Dagaalladii sokeeyey ee lagu hoobtay qayb laxaad leh ayuu ka
soo qaatay. Meelo xabbadi dhawda ka hayso oo laba beeleed oo walaallo ahi isku
gawracayaan ayaa intuu soo galo uu kala qaboojin jiray.
7-
Ardeyda Uu Sheekhu Waxbaray
Kumannaan ardey ah oo adduunyada daafaheega ku kala filiqsan
ayuu Sheekhu wax baray. Lama koobi karo, oo kansho uma haynno. Haddii aynnu
tiriya is nidhaahnana qalinkaa innaga dhamman. Inyar oo lagaga maarmi karo
kumannaanka uu Sheekhu aflixiyay ayaynnu halkan ku sheegi:
1- Sheekh Maxammed Aadan (Imaamka
Masjidka Weyn ee Cali-Mataan).
2- Sheekh Cabdiraxmaan Axmed.
3- Sheekh Khadar Xasan Aadan
(Khadar-Tajwiid).
4- Sheekh Cabdilkhaaliq Sheekh Axmed
(Maammulaha Maddarasada Al-Shaadibbiya).
5- Sheekh Maxammed Xuseen Faarax (Madaxa
Qaanuunka Jaamacadda Hargeysa).
6- Mubaarik Ibraahin Aar (Oo mar soo
noqday Guddoomiyekuxigeenkii Jaamacadda Hargeysa).
7- Sheekh Maxammed Cayddiid.
8- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan
(Guddoomiyaha Machaddada Ibnu Cabbaas ee Qur’aanka lagu daraaseeyo).
Dhammaan culimmadaas waaweyn ee hadda iyaguba dadka waxbara
Sheekha ayaa wax soo baray goobo iyo gooro kala duwan. Waqtigoogu wuu kala
duwanaa oo isku mar Sheekhu uma dhigin. Balse, Sheekhaa wax u wada dhigay.
Ninba markii uu soo gaadhay uun buu Sheekha hoosfadhiistay oo Cilmigaa iyo
waxbariddaa uu shubayo koobka hoos dhigtay oo ka qaatay.
Gunaanad
Sh. Maxammad Cumer, hadda waa mufti weyn oo su’aalaha la
wayddiiyo. Qofba wixii ka shaki gala ee uu fahmi waayo wuu wayddiiyaa,
Sheekhuna wuu uga jawaabaa. Barnaamijyo toddobaadle ah ayuu leeyahay oo
wayddiimo lagu wayddiiyo. Jimcaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa
ayuu fadhiistaa, boqollaal qof ayaa telefoonka ka soo hadlo oo Sheekha halkaa
su’aalo Diiniya ku wayddiiya. Sidoo kale Muuqbaahiyayaasha wuu fadhiistaa oo
su’aalo la soo wayddiiyay ayuu ka jawaabaa. Sheekhu Casharro Tafsiir ah iyo
kuwa kalana wuu akhriyaa. Hadda Tafsiir ayuu ka wadaa Idaacadda Qur’aanka
Kariimka ah. Waa Imaamka iyo Khaddiibka Masaajidka weyn ee Suuqa Hargeysa ku
yaal ee la yidhaa Al-Huda' Rusheeye.’ Sheekhu sidoo kale waa macallin
Jaamacadaha dalka wax ka dhiga. Fanniyo kala geddisan ayuu akhriyaa. Sheekhu
wuu caafimaad qabaa oo waa gadhmadoobe ordaya. Jidh ahaan muuq dhisan leh, Diin
iyo nuur Iimaan ka muuqdo. Hargeysa ayuu ku noolyahay oo ku nabadqabaa. Xaas
iyo Carruurtiisa ayuu la noolyahay. Allah cimriga iyo caafimaadka ha u
dheereeyo.
Raadraacyo
-
https://nadawaad.wordpress.com/2018/05/20/taariikh-nololeedka-sheekh-maxamed-cumar-dirir/ ( Source: Salaanmedia.com
).
-
http://waxsansheeg.com/?p=60867 waxaa qoray (Cabdirisaaq
Ismaaciil Cabdi oo ah mid kamid ah ardeyda ka qalin jabisey Jaamacadda Geeska
Qeybta Diraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga waxaana isku habeyaay Ahmed
Coday).
-
Waraysi Sheekha lala yeeshay: (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Boorama, Awdal.
[1] [ Halkan ka daawo waraysiga Sheekha oo ka warramaya
arrintaa (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g ).
[2] [Halkan ka daawo waraysiga Sheekha oo warramaya arrintaa (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )].
[3]
Maqaal Kalhore laga diyaariyay ayaa
lagu sheegay sidaa (http://waxsansheeg.com/?p=60867 )
Comments
Post a Comment