Posts

Taariikh Nololeedka Muftiga Sh. Maxammad Sh. Cumar Dirir

Image
  Hordhac Sh. Maxammad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.  Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.  Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:  1-      Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).  2-      Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada). 3-    Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).  4-      Dacwadda Diinta ( ...

Sheeko: Faa'idada Ganacsiga

Image
 " Dadku waxa ay iga soo qaadi jireen ama i moodayeen in aan ahay doqon markii aan furay Bakhaarkayga. Khibrad ganacsi oo hore ma lahayn; waxa aan hore PhD ugu qaatay aqoonta Kimisteriga. Waqtigaas na dalka Jaynaya si rasmiya ayaa looga mamnuucay ganacsiga, oo may jirin Bakhaarro alaabta Jaynaha lagu iibiyaa, xataa magaalooyinka Jaynaha kamay jirin. Balse, anigu waxa aan ahaa cabqari.  Waxa aan ka fekeray oo iswayddiiyay: ' Waxa macquula inaan fududayn karo in labada dal isku xidhmaan oo labadaas dal isku xidho haddii aan Jaynaha ka ganacsado—xataa ganacsigaasi ha ahaado mid aad u yar, si tartiib tartiib ah ayuu u kori doonaa oo u bullaali doonaa' Farsamo ahaan wuxuu ahaa Koontarabaan. Haddii aad Kanada Wakaaladaha xuduudaha u qaabilsan qofku waxyar u tuuro, cid diidani ma jirto. Bakhaarka waxa aan ku magac ku magacaabay " Pearl River", magacaas oo ah magaca Webiga ugu wayn Gobolka Canton.  Waxa aan rabay in aan Tahriibayaashii Jayniiska ahaa jeclaysiiyo dalkooda...

Bandhigga Buugaagta Jigjiga 2021

Image
Hordhac Inta badan waan jecelahay inaan magaalooyin badan arko, dhul badanna arko.   Berigii aan yaraa Miyi baan ku soo barbaaray oo socodka iyo inaan meelo cusub arko waan jeclaa. Markasta oo aan fursad u helo inaan meel tago waan tagaa, waana inaan ka faa’idaystaa fursaddaas. Dhammaadkii bishii Juun, 2021ka waxa aan tagay magaalada Jigjiga.Magaaladaas 28keeda waxaa ka bilaabmayay Bandhigga Buugaagta Jigjiga. Bandhiggaas ayaa la igu martiqaaday oo aan martida gaarka ah ka mid ahaa. Sidaas darteed ayaan u tagay magaalada markan. Ma aha markii koowaad ee aan Jigjiga tago, waa markaygii labaad ee aan Jigjiga tago. Sannadkii 2019kii bilowgiisii ayaan markii koowaad booqday. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo Bandhigga buugaagta Jigjiga, iyo waxyaabaha aan ku arkay. Magaalada Jigjiga   25 Juun, 2021kii waxa aan ka baxay magaalada Boorama,   waxa aan u sii jeeday magaalada Jigjiga. Markii aan Jigjiga ku sii socday waxa aan sii maray magaalada Wajaal...

Dadku Waa Noole Fekera. Balse…

Image
  Waa muhiim in aad fekertaa. Se waxaa ka sii muhiimsan in aad ogaato sida aad u fekrayso. Masaafada u dhexaysa fekerka caadiga ah, iyo barashada sida loo fekeraa way dheertahay. Qofkasta waxa uu leeyahay qaab ku habboon oo uu u fekero. Dadkuna waa noole jira oo fekera. Balse, dhibaatadu waxa ay ka joogtaa koruqaadidda mustawaha fekerka; iyo samaynta qorshe fekereed qaabaysan. Sidaa daraaddeed, ayay Reer Galbeedku u qorsheeyaan Manhaj tarbiyeed oo qofka u tababbaraya inuu fekero; oo qofka baraya sidii uu u baranlahaa sida loo fekero. Halka innagu ka Caalam Islaam ahaan, aynnu qofka ka dhigno mid u dabran waxa la isla garanayo, ama isagu uu yaqaan, ee aan la baran sidii uu uga shaqaysiin lahaa waxyaabahan ku hareeraysan agtiisa. Waa muhiim in aynnu baranno sida loo fekero. Se waxaa ka sii muhiimsan in aan wanaajinno qaabka aynnu u fekeraynno, oo aynnu baranno fanka wax’akhriska, iyo fanniyada kale ee aqoonbaadhista. Bini’aadanku akhrisla’aan waa nasakhane laba jibbaaran. Haddii ...

Safarkayii Ceerigaabo

Image
  Hordhac Markii koowaad ayaan tagay magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo waa caasimadda ama xarunta Gobolka Sanaag. Gobolka Sanaag waxa lagu naanaysaa “ Gobolkii Awawyada.” Ceerigaabo waa magaalo qadiimi ah. Muddo hore ayaa la degay. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo waxyaabaha aan Ceerigaabo ku arkay, meelaha aan booqday, muuqaalka guud ee magaalada, waxyaabaha magaalada u gaarka ah, iyo guud ahaan intii aan joogay wixii aan la kulmay intii aan la kulmay Ceerigaabo. Safarkaygii Ceerigaabo 27kii May, 2021kii xilli barqo ah waxa aan ka baxay magaalada Boorama. Saacaddu waa abbaaro 11kii barqannimo. Waxa aan u sii jeedaa oo ku socdaa magaalada Ceerigaabo. Waa markii ugu horraysay ee aan indhaha saaray Ceerigaabo. U jeeddada aan Ceerigaabo u tagayayna waxa ay ahayd safar shaqo, oo waxa aan ka shaqaynayay Doorashadii Isku Sidkanayd ee Soomaalilaan ka dhacday May 31, 2021ka. Ceerigaabo waa Caasimadda Gobolka Sanaag. Waxa ay ku taallaa Bariga Soomaalilaan. W...