Posts

Sookoobidda buugga “ Ku Raaxayso Noloshaada~ استمتع بحياتك”

Image
      Hordhac Buuggan ladhkiisa la yidhaahdo “Ku Raaxayso Noloshaada ~ استمتع بحياتك ” Waxa qoray Dr Maxammed Ben Cabdiraxmaan Al Cariifi. Luuqadda carabiga ayuu sheekhu ku qoray oo u doortay asal ahaan. Dr Cariifi, waa daaci islaam ah oo Sucuudiga u dhashay. Waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Boqor Mascuud ee Dalka Sucuudiga. Shahaadada sare ee Ph.D ayuu diyaariyay, wuxuunna ku qaatay Usuulu Diin, Caqiidada. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdicasiis Ibn Baas. Kutub badan oo kale ayuu qoray, waxa ka mid ah “ نهاية العالم (في أشراط الساعة ). .” iyo “ تجربتي في ربع قرن (نصائح للداعية المبندئ ) .” Buuggu wuxuu ka koobanyahay 290 bog. Qaybo badan ayuu iskugu jiraa. Habdhaqanka, iyo hababka dadka lagula dhaqmo ayuu ka warramayaa. Diktoorku muddo 20 sano ah inuu wado baadhidda iyo qoraalka buugga ayuu xusayaa. Qoridda buugga waxa ku dhalisay sida uu xusay, waxa uu sheegay in markii uu jiray da’da 26 sano jir uu buugga la yidhaa “ Fanka dadladhaqanka ” oo ...

Faallada Buugga GUULWADE

Image
  Hordhac Buuggan magaciisa la yidhaahdo ‘ Guulwade: Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta’ waxa qoray Cabdifataax Axmed Maxamed ( Qureyshi). Buuggu wuxuu soo baxay sannadkan 2021ka. Waxaa soo saartay oo faafisay madbacadda Dawaad Publisher. Buuggu waxa uu ka koobanyahay Shan Cutub. Bogag ahaanna waa 169 bog oo A5 ah. Waxa aan isku dayi doonaa inaan buugga si kooban u guudmaro, meelaha qaar aan dhaliilo, halka aan ka bogaadin doono buugga intiisa fiican. Ugu danbayn waan soo xidhi doonaa, oo soo gunaanadi.   Nuxurka Buugga   Nuxurka guud ee buuggu ka warramayaa waa guulwadaynta. Ladhka ugu badan ee uu qaadaadhigayaa waa guulwadaynta, sooyaalkeeda, iyo waxyaabaha la xidhiidha nooca ay doonaan ba ha ahaadaane. Qoraagu waxa uu sharraxayaa guulwadaynta.Waa maxay guulwadayntu? Sida uu qoraagu xusayo, erayga GUULWADE waxa uu ka koobanyahay laba kalmadood oo isku sidkan, labadaas eray oo kala ah ‘GUUL’ iyo ‘ WADE.’   Guul oo uu macnaheedu yahay gaadhidda ha...

Falanqaynta Buugga “La Shaqaynta Cadawga~Working with the Enemy .”

Image
  Hordhac Dhiganahan lagu magacaabo “ Working with the Enemy ~ La Shaqaynta Cadawga” Waxa qoray Mike Leibling, waa qoraa, tababbare, iyo xirfadle ku takhasusay arrimaha Istiraatiyadda la xidhiidha. Xarunta dadka arrimaha qallafsan kala talisa ayuu aasaasay, oo la yidhaa Strategy Tm. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “ How People Tick ” oo uu kaga warramayo in ka badan 50 nooc oo dadka qallafsan ah, iyo sidii aad ula tacaali lahayd. Sidoo kale, waxa uu qoray “ Coaching With Easy.” Buggu waxa uu ka koobanyahay 193 bog. Sannadkii 2009kii ayaa markii ugu horraysay la daabacay, oo uu soo baxay. Afar qaybood oo aad u ballaadhan ayuu ka koobanyahay oo qaadaadhigayaa. Waxa uu kaga warramaya sida uu qofku uga badbaadi lahaa, misana uu uga kori lahaa dadka qallafsan ee dabeecadda adeg ee ay qasabtahay inuu la dhaqmo, oo ay wax dhermaraan. Nuxurka Qaybta 1aad waxa uu qoraagu ku bilaabayaa “ Toban Istiraatijiyadood oo muhiim ah oo uu qofku ku badbaadayo marka ay...

Reer Miyi

Image
  Waan ku Faanayaa inaan Miyi ku dhashay, halkan na ay tahay halkii Tagtadii ka imid ( Proud to be from Nomadic Life) Sawirkan waxa aan galay sannadkii bishii Ogosto, sannadkii 2016kii. Goobtu waxa weeyi Miyigii aan ku dhashay ee MADARKA AMA OOGADA gaar ahaana meesha la yidhaahdo QORIJABKA. Halka aan sawirka ku galay waa qaybta kore ee beertayada. Waa waqtigii duruufta iyo silicu jiray, dadka iyo xooluhuna liiteen. Adhiga yari waa laxo yaryar oo duruufuhu keeneen. Mar waxa aan la yaabbanahay diifta indhahayga, muuqaalkayga, iyo guud ahaan qaabkayga ka muuqata; marna waxa aan ka dhiillaysanahay deegaanka aan joogo iyo diifta ka muuqata waqtigaas. Sawirkani xasuusahayga ayuu iigu jira, waa kuwa aan ku indhakuusho ee dhiirrigelinta I geliya. Waa halkii aan ka imid waqti ka mid ah noloshayda, halka aan ka imid waan garan karaa. Waa marxalad nololeed oo aan soo maray, aad baanan ugu hanwaynahay inaan nolol sidaa u adag oo qallafsan soo maray, se waxa aan ku faraxsanahay inaan weli ka ...

Gorfeynta Buugga “Oral Poetry and Somali Nationalism ~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida.”

Image
  Hordhac Buuggan magaciisa la yidhaa “Oral poetry and Somali nationalism: In Case of Sayid Mohamed Abdulle Xasan~ Gabayga iyo Wadanniyadda Soomaalida: Sayid Maxamed C. Xasan muunad ahaan.” Waxa qoray Siciid Sheekh Samatar. Siciid, waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya. Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay ‘ Goshen College ’ oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda ‘ Northwestern University ’ oo ku taalla   Evanston, Illinois . Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer k...