Posts

Akhrinsiyaasadeedka Hadalkii Trilson

Image
              Hababka caalami (International System) Waxaa jira dhibaatooyin qotodheer. Hoggaaminta caalamiga ah ee ay u taagantahay USA, waxa ay wayday dhaqankii maalinlaha ahaa ee shaqada. Sidaa daraadeed ayey ilbaxnimada Reer Galbeedku usii qudhbaxasaa oo sii xumaanasaa; gaar ahaanna qaayasoorka (Qiyamka). Dhawaan waxa aan akhriyey maqaal canbaareynaya dimuqraadiyadda Galbeedka ee wayday iftiinka, sida ay u wayday runnimada, dhinac kale. Madaxweynaha dalka ugu weyn caalamka [Trump] wuxuu ku caddeeyay Twitter-ka erintii Wasiirkiisa Arrimaha debedda. Clinton runbey sheegtay waqtigii ololaha lagu jirey ee ay loollamayeen Trump ayna sheegtay ‘ In Trump ugu danbeyn dawladdiisa ka maamuli doono Twitter-ka’.   Aaway Sharcigii?! Aaway duntii dimuqraadiyadeed ee ay Maraykan [ku soo caanomaaley] kuna faani jirtey waqti dheer?! Aaway caqligii mu’asaska ahaa ee Maraykan xukumayey?! Taasi ma wax dawlad la timaadaa [lagu maamulaa]? Mise w...

Sookoobidda Buugga “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha” waxa qoray Jordan B. Peterson. Jordan, waa qoraa iyo Dhakhtar Kasmanafeed oo Kanadiyaan ah. Waxa uu wax ka bartay Jaamacadda     Alberta , oo Degriigii koowaad ee Siyaasadda iyo Saykoolajiga ka qaatay. Jaamacadda     McGill University oo uu Ph.D Saykoolajiga ah ka diyaariyay, iyo Jaamacadda Harvard oo uu Cilmibaadhis ka waday muddo. Ka soo bilow 1998kii ilaa hadda waxa uu dhigaa Jaamacadda Toronto, wuxuunna dhigaa aqoonta Saykoolajiga. Sannadkii 1999kii ayuu buuggiisii u horreeyay soo saaray. Buugga waxa la yidhaa “ Maps of Meaning: The Architecture of Belief .” Cashirro taxane ah ayuu Yuutubka ka bilaabay sannadkii 2016kii. Kumanaan dada ayaa ku xidhan oo daawada. Sannadkii 2018kii ayuu soo saaray buuggan “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha.” Waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga daabacay in ka badan 4 Milyan oo Koobbi. Bog ahaan waa 442 bog marka ...

Naqdinta Buugyaraha “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka”

Image
  Hordhac Buugyaran “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka” waxa qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Wuu koobanyahay oo waa buugyare waraaqo aad u yaryar lagu daabacay. Marka hore aad baan qoraaga buugga qoray u bogaadinayaa.   Si guud buuggu waa hummaagyo run buu u muuqdaa la leeyahay. Adigu si kooban waa sheeko qoraagu kolba meesha uu la doono la aadayo. Waxa aan isku dayi doonaa in aan nuxurkiisa naqdiyo, waxoogaa koobanna qoraaga ku diido fekradda buugga, iyo waxa auu ka hadlayo. Sidoo kale, habqoraalka, iyo qaabdhaca buugyaraha aan farafareeyo. Farriinta Sheekada Buugyaruhu waa mid BAC ku bilaabmaya BAC NA ku dhammaanaya! ‘ Bac’ Af suuqigaa in la ila fahmayaan filayaa. Waa hummaag khiyaali ah, oo se uu qoraagu ku doodayo ‘Khatar kugu xeersan oo aadan ka warhayn.’   ( Bogga 5). Waa sheeko aan isleeyahay INTA badan waa xanta suuqa, fadhikudirirka, meelaha lagu caweeyo oo qoraal loo baddelay! Waa buug shaykulkulli ah oo waxkasta isku qaadaya ka hadalkooda, h...

AQOONYAHAN SUUQA YAALLA

Image
             Waxa innagu soo badanay dadka aqoontii ku ciyaaraya, iyaga oo aan weli gaadhin xilli bisayl iyo aqooni ay ka muuqato qofkii isku sharraxayo ama iskuba cumaamadayo magaca ‘‘Aqoonyahan.” Aqooneey xaal qaado! Hadda isaga kalidii ayaa isku aqoonsaday, isaga ayaa beegaal isku noqdey, isaga ayaa inta uu meel madaw galay isku qanciyey in uu aqoonyahan yahay! Wakaa hoogeydee! Bal wuxuu ka dheefuu leeyahay! Cid isku waafaqday in uu qofkaasi ‘aqoonyahan’ yahay   ha sheegin, mana jirto jaamacadda qalinka ugu duugtey in uu yahay aqoonyahan! Xaashaa bay ka tahay! Uma jeedo annuu in aanu qofkii horta isagu is ictiraafin, balse, waxa aan u jeedaa in aannu qofku is lugoynin. Is ictiraafidda naftu beegaal ama minqiyaas uma noqoto aqoonta qofka, laakiin, waxa ay beegaal u noqotaa oo ay noolaysaa rejada qofka ee mustaqbal iyo in uuna isku qaadan in uu yahay qof liita’e ha isku qaato qof wax qabsan kara, qayrkiina la jaanqaadi kara...

FEKERKU WAA MURAAYADDA QOFKA!

Image
  Waqtigii hore shakhsiyadda qofka waxbaa laga aaminsanaa. Waxaanna lagu qiimeyn jirey   hadalka. Haddii qofka hadalkiisu misaaman yahay; shakhsiyaddiisuna awood bey leedahay. Haddiise hadalka uu dhabqinayo─oo si bilaa miisaana uu u hadlayo; shakhsiyaddiisu ma dhisnayn! Arrintaasi waa maangal; waxaanna dabbaqay dadka [soo jireenkeedu] afka yahay (Oral society) ee aan weli horumarin. Balse, hadalku ma u yahay muraayad dawladaha horumaray? Waxaan hayaa arrin kale, luuqadda iyo hannaankeeda. Hadalka iyo awooddiisa; waa labo arrimood oo baahi loo qabo. Balse, waa waxba la’aan marka fekerku daciifyahay, luuqadduna awood leedahay. Sidaa daraadeed, dadyawga horumarey way dhaafeen gabayga; waxaynna baddelkeeda adeegsadaan fekerka. Gabayga waxa ay la falgaliyaan fekradda; waxaynna isku dayaan in ay feker ahaan naqdiyaan; in ka badan inta ay luuqad ahaan naqdinayaan! Shacabyada horumaray way jecelyihiin hadalka, waxay...

Falanqaynta Buugga “The Strategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia- Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya”

Image
Hordhac Ladhka sidan u dhigan “ THE STRATEGIC INTEREST OF TURKEY’S FOREIGN POLICY IN SOMALIA ~Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya” waxa qoray Cumar Y. Cabdulle. Waa buuggii uu Cumar Masterta ku diyaariyay ee ku difaacday. Qoraagu, waxa uu muddadaa uu buugga qorayay wax ka baranayay Dalka Turkiga. Qaybta ‘ Maamulka Guud iyo Barashada Siyaasadda’ ayuu waqtigaas dhiganayay. Cumar, hore waxa uu Digriiga koowaad uga qaatay Jaamacadda Simad. Haddana waa Macallin Jaamacadeed, iyo aqoonbaadhe Muqdisho deggan. Waa buug aqoonbaadhis ah, oo waafaqsan habka loo sameeyo aqoobaadhista. Waxa uu si rasmi ah qoraagu u dhammeeyay sannadkii 2019kii bishii Abril.   Waa kii uu qalinjebinta Cumar ku difaacday. Muddo badanna wuu baadhayay, oo wax hortii la qoray ayuu ka akhriyay.   Waa buugyare noqon kara mid ummadda Soomaaliyeed wax ka korodhsato. Waxa xiise u yeelaysa Qoraaga oo waqtigaas wax ka baranayay, kuna noolaa Dalka Turkig...