Posts

Sookoobidda buugga ‘ Luuqadda Doodda ~ The Language of Argument.’

Image
Hordhac Buuggan innoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa ‘ The Language of Argument’ oo Af Soomaali haddii aynnu soo dhawaynno ku noqonaya ‘ Afka Doodda ama Luuqadda Doodda.’ Waxa aynnu garawsannahay in mawduuckastaa uu leeyahay af gaar ah oo lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale ahaan, siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay. Dhaqaaluhu af gaar ayuu leeyahay. Sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay. Beeruhu af gaar ayay leeyihiin. Markaa waa gar in doodduna af gaar ah lahaato. Waxa qoray, oo ku mitiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa. Midi wuxuu ahaa Daniel McDonald, oo noolaa intii u dhexaysay (Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo Filinmetele iyo qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday oo isaga oo 46 sano jira ayuu wedku u yimid. Wuu dhintay. Laba carruura ayuu adduunka korkiisa ku macasalaameeyay. Qoraaga kale ee la qoray waa Larry W. Burton  oo ah   qoraa buugaag kaladuwan oo mawdduuca xidhiidh la leh qoray. Si guud buuggu wuxuu k...

Suuqgeynta (1)

Image
                                "Hanashol’aan Macmiil: Guuldarro”         Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Ganacsiga kuwooga ugu doorka roon ammin kasta, oo la yidhaa Peter Drucker, ayaa yidhi: “ Suuqgeynta iyo hal’abuurka ayaa sameeya lacag. Wixii kale waa lacag.” Waa mid ka mid ah kuwa ugu wacan ee laga yidhi Hal’abuurka ganacsi— dhawaanahan. Waa odhaah aan jecelahay in aan ku qoro boodh, oo qofkasta oo hal’abuuray ganacsi gidaarkiisa inay muuqato aan rabo, si uu u akhriyo maalin walba illaa waxa uu doonayo uu helayo. Oo haddii aad tidhaa aad helaysid! Haddii aad waydidna ku celi. In badan baan halkan kaga hadlay ikhtiraaca, balse weli kama hadal suuqgeynta. Kaliya hal’abuuraha ganacsi ee dhabta ahi wuu bogaadin barashada suuqgeynta waxsoosaarka. Taasina xaqiiqdii wax fudud maaha. Waxa jira dad badan oo waxsoosaar cusub soo saara, ama la yimaadda ha’a...

Muwaadinnimadu waa xeer Dastuuriya Reer Galbeedka, waanna arrin iska walaxa waddamada Carabta iyo Islaamka

Image
(Isbarbardhig ku saabsan fekerka Galbeedka, iyo fekerka islaamka) Fekerkan sharci ee cusub, bini’aadamku kama hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa. Bini’aadam kasti waa muwaaddin, sida muwaadin kastaaba u yahay bini’aadam.   Sharciganna wuxuu dhigayaa in ay dhammaatey waqtigii la helayey dad   bilaa dal ah. Iyada oo taasi jirto, waxaa jira dad waddama qaar, laguna magacaabo ( بدون   ~ wax ba la’aan) oo ka hadhey dawladihii la aqoonsanaa ee Maraykanka, haddana ku sugan xaalad bini’aadannimo. Sharcigu kalidii wuxuu dhigayaa, sidee [ayuu qofku ku noqon karaa muwaaddin?] Iyo goorma ayuu qofku noqon karaa muwaaddin? Waa maxay xaaladda ka dhigaysa qofka muwaaddin? Waa maxay minqiyaaska uu qofku ku noqonayo muwaaddin? Waynnu garanaynnaa barashadeenna sharcigan, in sharcigu yahay shey jira, nool, kora, oo ku waynaada warcelinta baahiyaha bulshada ee dhammaan geeddisocodka nolosha. Dadaalka bini’aadanka ee   fekerku ma joogsado. Dadaallada cilmiga ah ee sharciga waxa...

Safarkeygii Berbera Guud ahaan; Gaar ahaan Rugta Kutubta

Image
Booqashadaydii Berbera Waa xilli duhur ah, oo cadceeddu kulushahay. Hargeysa ayaan ka qadeeyay.Abbaaro 2:30 ayaan baxayaa oo Illaa Berbera u safrayaa. Waa Semtenber 07, 2019kii. Waqtigii markay gaadhay ayaan fuulay gaadhigii oo u baxay Berbera. Waa markii labaad ee aan gobollada bari u safrayo. Degmada Dacarbudhuq oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera ayaannu Salaaddii Casar ku tukannay. Degmo dhismaysa oo aad u wacan ayay ahayd. Dhinaca koboca way ballaadhatay oo dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan waxa aad dareemaysay inay magaaladu soo korayso. Marhore oo 2017kii ahayd socdaal aanku marayna sidan ma ahayn Dacarbudhuq oo way ka yara hoosaysay. Qofka marmaray ee canjaladda dib u celinayaa wuxuu dareemayaa inay sidii hore dhaanto, oo aynna habeenna habeen ku darayn.                                                             Waa ...
Image
Gorfeynta Buugga ‘ Looxa; Sheekada Asxaabu Kahfi.’ Hordhac Waayahan dhinicii gorfeynta buugaagta Af Soomaaliga ah waan ka yara mashquulay. Hawllo badan baa igu furmay, baadhisyo kale oo Ingiriisi ahna dhinac baan ka waday. Dhawr buug oo Ingiriisi ah ayaan soo koobay, qaarkoodna faalleeyay. Haddaba iyada oo sidaas ah bandhiggii buugaagta Boorama oo aan ka qaybgalay ayaan ka soo iibsaday buugga la yidhaa ‘ Looxa; Sheekada Asxaabul Kahfi.’ Buugaag kale oo aan carwada ka soo iibsaday ayuu ka mid ahaa. Jeldigiisa iyo hawshiisa Baraha Bulshada ayaan kala socday, waanan xiisaynayay. Filin ka soo Turjumay, Tiraabdoorinna ku sameeyay Xasan M. Dhiillood. Waxaa tifaftiray Axmed-Khaliif Maxammed X Jaamac. Sidoo kale waxaa gacan ka gaystay Cabdiladiif Ismaaciil. Waxaa sidoo kale, habeeyay jeldiga Cabdiraxmaan Maxammed iyo Cabdiladiif. Waxaanna daabacday Madbacadda Hiil. Gugan aan ku jirno ee 2019ka ayaa la daabacay. Akhristuhu marka uu buugga akhriyo laba mid uun baa laga filaa; qaabkuu u ...