Posts

Suuqgeynta (1)

Image
                                "Hanashol’aan Macmiil: Guuldarro”         Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Ganacsiga kuwooga ugu doorka roon ammin kasta, oo la yidhaa Peter Drucker, ayaa yidhi: “ Suuqgeynta iyo hal’abuurka ayaa sameeya lacag. Wixii kale waa lacag.” Waa mid ka mid ah kuwa ugu wacan ee laga yidhi Hal’abuurka ganacsi— dhawaanahan. Waa odhaah aan jecelahay in aan ku qoro boodh, oo qofkasta oo hal’abuuray ganacsi gidaarkiisa inay muuqato aan rabo, si uu u akhriyo maalin walba illaa waxa uu doonayo uu helayo. Oo haddii aad tidhaa aad helaysid! Haddii aad waydidna ku celi. In badan baan halkan kaga hadlay ikhtiraaca, balse weli kama hadal suuqgeynta. Kaliya hal’abuuraha ganacsi ee dhabta ahi wuu bogaadin barashada suuqgeynta waxsoosaarka. Taasina xaqiiqdii wax fudud maaha. Waxa jira dad badan oo waxsoosaar cusub soo saara, ama la yimaadda ha’a...

Muwaadinnimadu waa xeer Dastuuriya Reer Galbeedka, waanna arrin iska walaxa waddamada Carabta iyo Islaamka

Image
(Isbarbardhig ku saabsan fekerka Galbeedka, iyo fekerka islaamka) Fekerkan sharci ee cusub, bini’aadamku kama hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa. Bini’aadam kasti waa muwaaddin, sida muwaadin kastaaba u yahay bini’aadam.   Sharciganna wuxuu dhigayaa in ay dhammaatey waqtigii la helayey dad   bilaa dal ah. Iyada oo taasi jirto, waxaa jira dad waddama qaar, laguna magacaabo ( بدون   ~ wax ba la’aan) oo ka hadhey dawladihii la aqoonsanaa ee Maraykanka, haddana ku sugan xaalad bini’aadannimo. Sharcigu kalidii wuxuu dhigayaa, sidee [ayuu qofku ku noqon karaa muwaaddin?] Iyo goorma ayuu qofku noqon karaa muwaaddin? Waa maxay xaaladda ka dhigaysa qofka muwaaddin? Waa maxay minqiyaaska uu qofku ku noqonayo muwaaddin? Waynnu garanaynnaa barashadeenna sharcigan, in sharcigu yahay shey jira, nool, kora, oo ku waynaada warcelinta baahiyaha bulshada ee dhammaan geeddisocodka nolosha. Dadaalka bini’aadanka ee   fekerku ma joogsado. Dadaallada cilmiga ah ee sharciga waxa...

Safarkeygii Berbera Guud ahaan; Gaar ahaan Rugta Kutubta

Image
Booqashadaydii Berbera Waa xilli duhur ah, oo cadceeddu kulushahay. Hargeysa ayaan ka qadeeyay.Abbaaro 2:30 ayaan baxayaa oo Illaa Berbera u safrayaa. Waa Semtenber 07, 2019kii. Waqtigii markay gaadhay ayaan fuulay gaadhigii oo u baxay Berbera. Waa markii labaad ee aan gobollada bari u safrayo. Degmada Dacarbudhuq oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera ayaannu Salaaddii Casar ku tukannay. Degmo dhismaysa oo aad u wacan ayay ahayd. Dhinaca koboca way ballaadhatay oo dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan waxa aad dareemaysay inay magaaladu soo korayso. Marhore oo 2017kii ahayd socdaal aanku marayna sidan ma ahayn Dacarbudhuq oo way ka yara hoosaysay. Qofka marmaray ee canjaladda dib u celinayaa wuxuu dareemayaa inay sidii hore dhaanto, oo aynna habeenna habeen ku darayn.                                                             Waa ...
Image
Gorfeynta Buugga ‘ Looxa; Sheekada Asxaabu Kahfi.’ Hordhac Waayahan dhinicii gorfeynta buugaagta Af Soomaaliga ah waan ka yara mashquulay. Hawllo badan baa igu furmay, baadhisyo kale oo Ingiriisi ahna dhinac baan ka waday. Dhawr buug oo Ingiriisi ah ayaan soo koobay, qaarkoodna faalleeyay. Haddaba iyada oo sidaas ah bandhiggii buugaagta Boorama oo aan ka qaybgalay ayaan ka soo iibsaday buugga la yidhaa ‘ Looxa; Sheekada Asxaabul Kahfi.’ Buugaag kale oo aan carwada ka soo iibsaday ayuu ka mid ahaa. Jeldigiisa iyo hawshiisa Baraha Bulshada ayaan kala socday, waanan xiisaynayay. Filin ka soo Turjumay, Tiraabdoorinna ku sameeyay Xasan M. Dhiillood. Waxaa tifaftiray Axmed-Khaliif Maxammed X Jaamac. Sidoo kale waxaa gacan ka gaystay Cabdiladiif Ismaaciil. Waxaa sidoo kale, habeeyay jeldiga Cabdiraxmaan Maxammed iyo Cabdiladiif. Waxaanna daabacday Madbacadda Hiil. Gugan aan ku jirno ee 2019ka ayaa la daabacay. Akhristuhu marka uu buugga akhriyo laba mid uun baa laga filaa; qaabkuu u ...

Sookoobidda Buugga ‘ The Art of War ~Tabaha Dagaalka’ ee uu qoray Sun Tzu

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa ‘ Tabaha Dagaalka’ waxaa qoray dagaalyahan Sun Tzue oo noolaa intii u dhexaysay  544–496 Nebi Ciise SCW hortii. Waqtiga saxda ah ee uu dhashay, iyo meesha uu ku dhashayba war sugan lagama hayo, dood baa ka taagan oo sooyaalyahannada qaarba xilli iyo goob bay sheegaan. Xirfaddiisu waxa ay ahayd Milliteri, oo wuxuu aad ugu xeeldheeraa culuunta Milliteriga iyo dagaalka. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa laga qiiqay, iyo Faylasuuf aan lagaga dabadhufan aqoonta la xidhiidha Milleteriga iyo Istaraatijiyadda dagaalka. Magaciisa saxda ah waxoogaa dood baa ka taagan, oo ‘Sun Wu’ ayaa markii uu dhashay lagu magacaabay ayaa la yidhi, oo markii danbe ayaa loo baddelay magaciisa ‘ Sun Tzu’ oo sharaf ahaan ah, lana macna ah ‘ Master Sun.’ Buugaag wuu qoray, se waxaa ugu caansan kan hadda aynnu falanqaynayno ee ‘ The Art of War.’ [1] Buuggan ‘ The Art of War’ oo aynnu Af Soomaali ahaan ku beddelan karno ‘ Tabaha Dagaalka’ ama ‘ Farsamooyinka Dagaalka’ waxa uu ma...