Posts

Waayaheennna Ila Eeg..

Image
Saaxiib Saddiiqoow , ogaalku waa hooyada iska dhicinta, iyo iska tuuridda heeryada gumeystaha. Ogaanshuhu waa waxyaabaha lagala dagaallamo ummadkasta oo la rabo in la addoonsado, ama lagu danaystaba. Qofku ama Ummaddu haddii ay ogaal leedahay (si kale aan u dhigo) aqoon leedahay lama addoonsado ama la gumeysto. ‘Aqoon’ markaan leeyahay uma jeedo in Jaamacado ama xarumo waaweyn laga soo baxay e waxa aan u jeedaa ogaanshaha, la socoshada, iyo fahansanaanta kolba wadciga taagan, iyo saamayntiisa. Kaliya waxa la fahmay oo dad badan isla waafaqsanyihiin in haddii la rabo in Ummadd la addoonsado ama la gumeysto waa in kaliya laga ilaaliyo ‘ ogaanshaha.’ Waayo, haddii ay ogaadaan cidna ka yeeli maayaan in ay wax u yeedhiyaan, ama waxooga ay ka qaataan. Innaga ogaanshiyaha ayaa la innaga xayiray qayb ka mid ah, oo weli waa sababta kolba la innoo dhacayo. Dib u xasuuso gurigii Carabtu siduu ku bilaabmay....

NIN MIYI KA YIMID, GABDHO MAGAALO MA DANEEYO!

Image
   Waa aroor hore oo hadda uun cadceeddii soo boodey. Waxaa xaafadda lagu waabariistey in xaley lo’dii tuugi dareersatey, oo ay kaxeystey. Hooyo Caasha, iyadu salaaddii waaberi ayey tooostey, markey tukateyna waxa shiddey dabkii oo shaahii ayey karisay, illaa ay maqashey hadalka Aabbo Geelle, mooyaane. Aabbo Geelle isaguna wuxuu u kacey salaaddii waaberi, balse, wuxuu tagey beerta oo uu dacawada iyo xayawaannad cadceed soo boodka cuna uu ka ilaalinayey. Markuu beertii soo eegay ee uu xayawaannaddiina ka eryadey, ayuu xagga reerka u soo kacey, markuu yimid ayuu is maqli waayey ci’dii sicii Boorre, uu arroorta hore ku dhufan jirey, markaasuu xagga xerada lo’ada oo aan xerada geela ka fogeyn tagey, misan wayba madhantahay! Baabah. Aabbo yaab oo fajac afka gacanta saar. Markaasuu Hooyo Caasha oo buulka joogta u dhawaaqey: “ Caashaay?”. Hee. “ Lo’dii way maqantahay?” “Yaa maqantahay aa?” Intey soo kacdey “fukuc” ayey intaa tidhi. Dabadeed xeradii timaddey, iyadna yaab afka...

Falanqeynta iyo Gorfeynta Buugga ‘ Dhaxalreeb Labaad’ ee Boobe Y. Ducaale Qoray, iyo Gaar ahaan sii Gorfeynta Gorfeynta uu Qoraagu Buugga Cabdillaahi Yuusuf ku sameeyay

Image
Hordhac Buugga magaciisa waxa la yidhaa ‘ Dhaxal-reeb Labaad.’ Waxaa qorey Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale. Waa buug taariikh ah oo qoraagu dhacdooyinkaa badidooda goobjoob ka ahaa. Wuxuu ka koobanyahay 305 bogg. Si kooban ayaan isku dultaagidoonaa. Marka hore waxa buuggu ka hadlayo ayaan sookoobid ku samayn oo falanqayn, aniga oo hanbalyo iyo bogaadin qoraaga ahna ku ladhaya, sidoo kale aan ka illaawayn wixii dhaliil ah. Marka xiga waxa aan sii gorfeyn doonaa gorfeyn uu qoraagu ku sameeyay buug uu qorey Cabdillaahi Yuusuf. Gorfeyntaa iyada dhaliil badan oo aqooneed iyo mid qoraalleedba waan usoo jeedin doonaa. Haddii si aan ku cajabin aan meelaha qaar carrabka ugu adkeeyo, iska liq oo caqligaaga la kaasho. Falanqeyn Kooban Buuggu waa buugta jaad ahaan loo yaqaan ‘ History ~ Dhacdooyin.’ Mgaciisu sdian ayuu u qoranyahay ‘ Dhaxal-reeb labaad.’ Mid kale ayaa ka horreeyay oo ‘ Dhaxal-reeb: Horaad’ la yidhaa oo isla qoraagu qorey. Markaa waa taxane kaa hore kaabaya. Magaca bu...

Hagardaamada Tafaftirayaasha, iyo Qoraayada: Muunad Ahaan Sandheere

Image
Wiil aan saaxiibnahay oo Burco deggan ayaa buug qoray. Buuggu mid aad loogu baahnaa oo khaanad bannaanbuuxinaya ayuu ahaa. Qoraaguna curdin ayuu ahaa oo markaa ayuun buu saaxadda ku soo biiray. Qoraagii cusbaa buuggii wuu dhammeeyay. Markay hawshii xaggiiisa ka dhammaatay ayuu u baahday qof la eegga oo ka tafaftira. Niman uu meelahaa Muuqbaahiyahay, iyo Faybuugga ku arkay oo nasiibku saaciday ayuu la xidhiidhay. Cinwaannadoodii iyo Telefoonnadoodiiba wuxuu raadiyaba, ugu danbayn wuu helay. Ninkii u horreeyay Ingiriiska ayuu deggannaa. Hawshiisii ayuu u bandhigay. Waqti ma hayo ayuu ku habarwacday. Kii labaad Hargeysa ayuu joogay. Wuuba u soo jawaabi waayay, Faybuugga ayuu farriin ugu diray, intuu ‘ arkay’ uun buu markii uu garanwaayay u jawaabi waayay. Kaanna halkaa ku dhaaf. Haddana mid magaale kale jooga, kiinna ma haleelayo ayuu yidhi. Haddana mid kale….. Illaa toddoba nin oo qoraalka uu isagu bidayay inay kaga soo horreeyeen markii uu marayay ee midna buuggii ka qabanwaayay, ...

Ilaalinta Xuquuqda Dhuldifaacdo Nonhle Mbuthuma!

Image
NonhleMbuthuma, waxaa soo waajahday khatar iyada oo isku dayaysa in ay ka joojiso shirkad Macdaneed oo rabta in ay Macdanta ka gurato dhulkeeda. Haddaba sabab, maxaa ay dawladdu u ilaalinla'dahay Nonhle?! Nonhle, awawyadeed ayaa lahaa dhulkan oo ay kadhaxashay. [Hadal dhaxalgala ayay tidhi Nonhle oo ah]: “ Haddii aad qaadato dhulkayga waxa aad qaadatay sawracaygii.” Nonhle, iyo bulshowaynta ku dhaqan Bariga magaalada Capetown ee KoonfurAfrika, waxa ay u babbacdhigayaan khatar ay xataa u waayi karaan sheykasta [ Nafta], waayo, Shirkad Macdaneed ayaa rabta inay ka qaadato/la wareegto dhulkeedii. “ Dhulkan Awawgay Hooyo ayaa lahaa, oo ka dhaxlay Waalidiintiisii. Maxaan carruurtayda uga tagayaa? Macdanqodiddu maaha doorasho/ikhtiyaar.”   Nonhle, ayaa hadalkaa [ku geeraartay!] Nonhle, iyo xubno kale oo ka mid ah bulshadeedu ayaa gadhwadeen ka ah olole iskacaabbineed. Waxa ay aasaaseen ‘Amadiba Crisis Committee ’–si ay u mideeyaan dadka ku kala nool shan Tuulo, iyo in...