Posts

Arjumidda

Image
Arjumiddu (Rajmigu) waa in qofka tunta ee xaaslaha ah ( Nin iyo naagba) lagu dilo dhagaxaan, ka dib marka la helo ee ay caddeeyaan afar markhaati oo lagu kalsoonyahay, shuruudo badanna lagu xidhey. Afarta markhaatiba waa in ay arkayeen in irbaddu dunta ku jirtay. Way isku duljiifeenna lama aqbalayo, caddeyn dhab ah mooyiye. Haddii saddex ka mid ahi arkaan oo uuna mid afartaa ka mid ahi arkayn qofkaa dhagax laguma dilayo. Xukunkaasina ma fulayo, lamana fulinayo. Xukunka Arjumiddu waa mid waayahan danbe noqdey gabbaad Diinta lagu maago oo loogu soo gabbado. Xukunkan waxa aan shaqo kalaba hayn oo ka shaqeeya rag badan oo u badan Calmaaniyiin iyo Caqlaaniyiin. Nimankani waxa ay ku doodaan sideebaa qofnool dhagax loogu dilayaa? Miyeyna arxandarro ahayn? Sideebayse caqligayaga u galaysaa? Nimanku muraad intaa ka badan ayay leeyihiin oo ah in Diinta Islaamka hummaag khaldan ay ka bixiyaan. Arjumidda (Rajmigu) waa xukun ka mid ah xukunnada waaweyn ee Diinta Islaamka. Waxaana jideey...

SIRTA CUSBOONEYSIINTA IYO HAL’ABUURKA

Image
                                                     1-      Maalinkasta oo cadceeddi soo booddo/baxdo waxbaa cusub. Adigu waxa aad isku daydaa in aad sidaas oo kale noqoto, maalinkasta oo cadceedi soo baxdo aad adiguna cusboonaato. Dib-u-cusbooneysiintu waa sirta nolosha. 2-    Iskudey in aad fahanto adduunka aqoon cilmiyeysan; maaha kaliya in aad ku kaaftoonto hadallada warbaahinta iyo saxaafadda oo qudha. Akhri buugta miisaanka culus, iyo fekradaha shilis/xoogga badan leh. Waayo, isbeddelku waaka halaagaya ogeysiiska maalinlaha ah ee isku eeg’eeg. 3-    Akhri fekrada waaweyn, waayo, dhacdo kasta oo weyn waxaa ka danbeysa fekrad weyn. Dhacdadii shaacbaxa Camlaaqigii Shiine, waxaa ka danbeeyay fekrado. In uu Galbeedku xoog lahaado illaa maanta, waxaa ka dambeeya ...

Gorfeynta Iyo Naqdinta Buugga Sicirbararka Fatwada Ee Uu Qorey Cabdicasiis Guudcadde

Image
Akaademi ahaan, way bannaantahay in wax la iska hufo oo la iska haadiyo oo aan sidii caanaley caano keentay qofkastaa wuxuu sheego aan la iska liqin, lana qudhqudhin; illaa caqliga la soo mariyo.   Buuggan Sicirbararka Fatwada waxa aan akhriyayey siddeed saacadood oo xidhiidh ah; shaandho barooya oo saafi ahna   waan soo qaatey. Aad baan u dhuuxey oo aan u dhexgaley. Waxa aanan go’aansadey in aan wax ka idhaa oo wixii iiga baxey ummadda hordhigo. Buugga waxba ka odhan maayo qaabqoraalkiisa, habqoraalkiisa, higgaaddiisa iyo sida loo qorey; balse, waxaan muhiimadda koowaad saari doonaa in aan naqdiyo oo aan xoogga iyo xilkaba iska saaro in aan dhilo aragtida iyo waxa uu gudbinayio buuggu, aniga oo aan sameynayn shakhsiweerar (Personal Attack). Buugga wixii awood uu ku leeyahay waan ku taageerayaa; wuxuu iin ku leeyahayna waan dhilayaa oo waan saxayaa. Naqdintana waxa aan rabaa uun kaliya in aan wax ku saxo.Wixii   buuggaa ku qoran sidaan doono ayaan u dhaliili o...

DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN!

Image
  DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN! Hooyooyinka ama dumarka xaaskooggii ka dhintay ama ay is isfureen ee Magaalooyinka ku nooli way dhibbanyihiin- oo waxa ay la daalaadhacayaan nolol maalmeedka Magaalada. Waayo Magaaladu lama mid aha miyiga, oo qofka miyiga deggani lama baahi aha ka Magaalada deggan. Kan Magaalada deggan ayaa kun jeer ka baahi badan. Oo Magaalada dadka badankoodu waxa ay galaan guryo dhis ah ama Bangakooyin, halka   miyiga dhammaan waxa degani galaan Aqal Soomaali. Haddaba gabadha aan haysan wax ay guri ku kiraysato ama ku dhisato waxa ku qasab ah in ay Magaalada buul ka dhisato halka jaarkeeduna BANGALO ama Qasri weyn galo! Haddaba gabadha noocaa ahi intee in leeg oo werwer nololeeed iyo niyadjab adduun ayaa ku dhacaya?! Sidoo kale, Dumarkaasi wax shaqo ah ma hayaan, kuwa ugu rooni waa kuwa khudaarta iibiya, halka qaarkoodna markay waayaan KUULIGA galaan! Aheey ah!   Kuwa khudaarta iyo xawaashka iibiya ee baxadka fadhiistana cashuur iyo ...

CUFKA SHINBIRAHA

Image
                                  CUFKA SHINBIRAHA Sheygaa Shimbirtu ku fadhido waxaa la yidhaa Buul amma Cuf. Waxaanna ay ka sameysaa cawska, gargoorka, daaqa iyo wixii dhulka ka baxa. Inta badan waxa ay samaysaa, guga marka uu roobku da'o ee dhirta iyo geeduhu is gaadhaan. Buulkani, waxa ay shinbirtu maalintii ku aamintaa oo dhigtaa "Ugxanteeda". Waxaynna Buulka ku samaysaa geedaha dusheeda gaar ahaan waliba laamaha. Wuxuunna leeyahay hal afaaf ama kadin (Albaab) oo Shimbirtu ka soo gasho kana baxdo. Haddaad aragto waad ku farxasaa oo jiiqjiiqda Shimbiraha iyo codkooda ayaad ku nafisasaa! Inta badanna shinbiruhu way isku ag samaystaan buulka. Marka jiilaalka la gaasho way ka guurtaa oo way digarogataa, cufkuna wuu qallalaa maadaama uu caws ka samaysnaa! W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Dham’idda Nolosha!

Image
                              Dham’idda Nolosha! Dham’iddu waa in aad garan waydo meel aad usocoto iyo meel aad ka socoto. Tusaale; qofbaa in uu suuqa tago doonayey waqti habeen, suuquna wuxuu ka xigaa waqooyi. Xaafaddii ayuu ka soo baxay dhinacaa iyo Koonfur ayuu u dhaqaaqey isaga oo suuqii moodaya! Wuxuunna moodayaa in uu Waqooyi oo suuqii ka xigo u socdo! Koonfurna wuu socdaa! Kkkkk. Taasaa la yidhaa dhama’. Haddii aad taa’ ila fahantay; kanna ila eeg. Waxaynnu ku jirnaa qarnigii 21aad, Waxaa la marayaa waqti casiri ah halkii waliba   ugu danbaysay, nasiibdarro se waxa aad mooddaa in casriga laftiisu burburinayo oo is baabiinayo! Haddii aynnu Soomaali nahay waxaynnu xiisaynaa kolba wixii indhaha u fiican, balse aan qalbiga u fiicneyn. Dhaqan ahaan waxaynnu u lahayn xoolo’dhaqato’beerallay, dhaqan gaar ah oo adduunku indhaha ku h...

SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR!

Image
           SIYAASADDA WAXA KU JIRTA SIR! 1-       [Imaam] Al-Qasaali wuxuu yidhi: Waalidu waa fan. Anna waxa aan idhi: Faqrigu wuxuu leeyahay noocyo, noocyaddiisa ta ugu khatarta badanina waa ta fekradda ku dhacda ( Faqriga fekerka). Sabobta oo ah noloshu dhammaanteed waa caalamkii fekradaha [ Fekradahaa lagu hadlaa]. Gef kasta oo dhaca waxaa uu ka yimaaddaa, kana dambeeya   fekerka. 2-   Siyaasaddu ma aqbalaso firaaqada [Waqtiyada bannaan], Faransiyiintu waxa ay yidhaahdaan: ‘‘ Dabeecaddu ma oggola firaaqada.’’ Markey Carabtu is kaga tagto saaxadda Soomaalida, cid kalana uga tagto, Afrikana ay ka bannaannaadaan sababo dhuleed, iyo, kuwo siyaasadeed, maalinna uu yimaado Turkiga oo qorshe istaraatijiya wata [haysta], oo aan dhuganno madaxda Masar   oo ku hanjabaya khatar, matalayana ( Arab National Security- Golaha Ammaanka ee Carabta). 3-   [Waddanka] Eratariya dhexdiisa, waxaa jirta x...