Posts

Furayaasha farxadda

Image
-           Haddii aad caafimaad doonaysid SOONKA badi. -           Haddii aad rabtid in wejigaagu iftiimo Salaatu Laylka tuko. -           Haddii aad degganaan doonaysid, Akhri Quraanka. -           Haddii aad badhaadhe iyo farxad doonaysid Salaadaha Waqtigooga TUKO. -           Haddii aad doonaysid faraj iyo in Alle meel kuu furo joogtee Istiqfaarta. -           Haddii aad doonaysid in murugada iyo culaysku ku dhaafo joogtee Ducada. -           Haddii aad rabtid in dhibaatadu kaa tagto ama ku dhaafto waxa aad tidhaahdaa ‘ Laa Xawla Walaa Quwata illaa Billaah.’ -           Haddii aad doonaysid barako iyo badnaan badi Salliga NEBIGA ...

Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland

Image
  Hordhac Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26ka bisha Diisambar, sannadka 2025 waxa ay bulshada Somaliland u ahayd maalin wayn oo taariikhiya. Waxa Somaliland u rumawday riyo ay lahaayeen 34 sano, oo ay maalin uun sugayeen in ay helaan madaxbannaani iyo aqoonsi dhaba. 34 sano waxa ay Somaliland gaadhay horumar wayn, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar baaxad leh. Waxa keliya ka dhinnaa wuxuu ahaa in la qiro horumarka ay gaadheen iyo awooddooda dawladnimo. Sannadkii 1991kii bishii May 18-kii ayay Somaliland ka go’day dalkii    la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliya oo ahaa Soomaaliya iyo Somaliland oo midoobay 1960kii- ka dib markii Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga, halka Somaliland na ay ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska. Aqoonsiga Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland oo jirta 34 sano ka dib markii ay xorriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya. Intaa ay Somaliland jirtay waxa ay gaadhay horumar baaxad leh. Waxa ay dhisatay nidaam dawladeed oo dhis...

10ka xeer ee Ixtiraamk Naftaada

Image
     1-       Iska ilaali xanta iyo maalaayacniga. 2-     Iska dhaaf waxyaabaha aanad wax ka qaban Karin. 3-     Iska ilaali in aad naftaada barbardhigtid cid kale. 4-     Aaminaaddaada ilaali in ka badan cabsidaada. 5-      Ha qaban wax aanad ku dareemayn degganaan. 6-     Ha ka cabsan in aad marmar keli noqotid oo naftaada waqti la qaadatid. 7-      Si naxariis le hula hadal naftaada iyo dadkaba. 8-     Naftaada raalligeli inta aanad horta dadka raalligellin. 9-     Ka fogow dadka awoodaada iyo tamartaada hoos u dhiga ee yareeya. 10-                         Iska indhatir fekerkasta oo aan wax ku darayn ama waxba ka tarayn noloshaada.   W/Q:  Ifeanyi Christopher     Turjumid: Cabdirisaa...

Ma xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus

Image
  Ma xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus. Halka dadka qaarkood ka cawdaan waxyaabo yaryar, kuwa kale waxa ay u dagaallamayaan inay wuxuun bartaan. Tani maaha saboolnimo, balse waa rejo iyo halgan. Tigxeli ilma kasta o rumaysan in waxbarashadu baddeli karto geeddisocodka noloshiisa. Tani waa qeexidda dhabta ah eek a go’naanta. Waxa aynu xusi 15 cashir oo laga baran karo sawirkan: 1-       Waxa jirta diirad saarid ( Focus) ayna lacagi goynin. 2-     Ha ku qoslin qof kale bilowgiisa. 3-     Sheeko kasta oo wayni waxa ay ku bilaabantaa adayg. 4-     Ma tihid shiide waxa aad tahay caajislow. 5-      Waxbarashadu waa hubka ugu culus, xataa hadddi uu qofku boorso Balaastig ah xanbaarsanyahay. 6-     Sawirku wuxuu muujinayaa sida ay tahay qofku markuu u gaajo qabo inuu waxbarto, ma faakihaysanayo, balse wuxuu leeyahay ujeeddo cad. 7-    ...

12 Xaqiiqo ee ay tahay in qofkastaa aqbalo

Image
  1- Jooji naftaadan aad dadka kale barbardhigayso:  Isbarbardhiggu waa dabin, Baraha bulshada iyo dadka xaasidiinta ahi keliya waxa ay kaa xadayaan farxaddaada iyo meeshii aad ku fooganayd. Safarkaagu waa jaadgooni, keliya naftaada isbarbardhig tagtadeedii iyo hadda, se cid kale ha isbarbardhigin. 2- Maalgelinta naftaadu maaha nacasnimo:  Koritaankaga cidkasta oo kuu dhaw way ka faa’idaysaa. Waxbarashada, tababbarrada, iyo kobcinta xirfadahaagu maaha dayacaad, balse waa u diyaargarawga nolol wanaagsan. 3- Culaysyada shucuureed qofka way burburiyaan in ka badan culaysyada dhaqaalaha:  Culaysyada, werwerka iyo qoomamadu iyagaa ka daran culaysyada dhaqaalaha. Maskaxdaada nadiifi, cafiska iyo isku noqoshada naftu waa waxyaabaha ugu muhiimsan. 4- Fekerku markaad dhimato macne malaha:  Markaad dhimatid qofna xasuusan maayo waxaad ka fekeraysay. Waxyaabaha debadda kaaga imanayaa yayna saamayn dookhaaga iyo doonistaada. 5- Muhiimaddu waa waxa aad hadda haysatid uun: ...

Sideed Xanuunka iyo dhibaatooyinka ku soo waajaha uga dhigi kartaa Shidaal hore kuu wada?

Image
   Qoraalkan laba jeer akhri- waxa laga yaabaa inuu noloshaada baddelee Qofkasta  dhibaatooyinka iyo xanuunku way soo wajahaan, balse inyar ayaa ka faa’idaysata oo aan oggolaan in ay baabbi’iyaan.Waxa aad fahantaa in xanuunku yahay macalinka ugu daacadsan ee nolosha. Dhibaatadu waxa ay kaa khalkhalinaysaa aagaagii raaxada, waxayna soo saaraysaa daciifnimadaada, waxayna kugu qasbaysaa in aad burburtid. Raggu intooda badan way ka dhuuntaan dhibaatooyinka, balse ragga geed adayga ah ayaa xanuunka u baddela tamar. Haddaba, haddii aad dareemaysid niyadjab, dibudhac ama guuldarro qaad tallaabooyinkan: 1-       Xanuunku waa barbilowga awoodda Qofkasta oo meeqaam lihi waxa dhisay duruufo uu ku sigtay inay burburiyaan. Gym-tu keliya ma dhisto murqaha uun, balse sidoo kale waxay yaraysaa xanuunka. Marka aad dhaawacantid ha iswayddiin ‘ Maxaan u dhaawacmay?’ Se iswayddii ‘Maxaan ka baran karaa?’ 2-Cadhada ficil u baddel Waxa aan cabashada joojiyay maalintii ...

10 Xeer qofka u muhiima

Image
    Waxa wanaagsan in qofku markasta la socdo habdhaqankiisa iyo ficilladiisa. Tobankan qodob waa arrimo shakhsiyadda qofka iyo habdhaqankiisa dhisayo oo wanaagsan. 1-       Waxkasta ha ka falcelin- awooddaada keydso. 2-     Dadka u oggoloow inay hadlaan, dhegaysigu wuxuu keenaa awood. 3-     Isdeji marka wax dhacaan, degganaantu waxa ay keentaa xakamayn. 4-     Cidna ha ka baryin inay ku danayso ama jeclaato, rabitaanka dhabta ahi waa mid si dabiiciya u yimaad. 5-      Waqtigaaga tixgeli, ha iska lumin awooddaada qaaliga ah oo ah waqtiga. 6-     Yoolashaadu sir ha kuu ahaadaan. 7-      Cidna ha iska dhaadhicin, waayo qofna kuma danaynayo. 8-     Noloshaada adaa ka masuula ma jiro qof kaaga masuula oo danaynayaa. 9-     Lacag keydso 10-               ...