Furayaasha farxadda
- Haddii aad caafimaad doonaysid SOONKA badi.
- Haddii aad rabtid in wejigaagu iftiimo Salaatu Laylka tuko.
- Haddii aad degganaan doonaysid, Akhri Quraanka.
- Haddii aad badhaadhe iyo farxad doonaysid Salaadaha Waqtigooga TUKO.
- Haddii aad doonaysid faraj iyo in Alle meel kuu furo joogtee Istiqfaarta.
- Haddii aad doonaysid in murugada iyo culaysku ku dhaafo joogtee Ducada.
- Haddii aad rabtid in dhibaatadu kaa tagto ama ku dhaafto waxa aad tidhaahdaa ‘ Laa Xawla Walaa Quwata illaa Billaah.’
- Haddii aad doonaysid barako iyo badnaan badi Salliga NEBIGA SCW.
Sookoobid: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment