Milicsigayga Sannadkan 2025 ( My Annual Review In 2025)

 



Hordhac

Waxa dhammaanaya sannad, oo waxa lagu jiraa maalmihii ugu danbeeyay sannadka 2025ka. Waa ila muhiim inaan dib ugu laabto sannadkaas galbaday. In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2025 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM.

Akhriska

Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Sannadkan 2025 akhriska aad ayaan uga gaabiyay, oo sidii sannadihii hore kuma ahayn, sababtu waxa ay ahayd hawlo iga qabyo ahaa iyo culayso shaqo oo jiray. Haddana isma dhige waxoogaa waan akhriyay, inta aan akhriyay kuwan ayaa ka mid ah:  

1- Darkii anshaxa, Turjumid Cabdijaliil Muhandis, waxa aan akhriyay

Jeenari-Febr, 2025.

2- Waa innoo Muqdisho, Turjumid Cabdicasiis Guudcadde, waxa aan

akhriyay Jeenari-March, 2025.

3- Muu akhriyo Waalidkay, waxa turjumay Maxamed Qaamuus, waxa

aan akhriyay March 2025. Waxa xusid mudan in aan buuga marhore

akhriyay.

4- Waxa aan akhriyay buuga ‘ Ragga oo Keliya’ oo uu turjumay

Cabdixakiin Obsiiye, waxaanan akhriyay April, 2025.

5- Waxa aan akhriyay buuga ‘ Dhanbaallada Nebiga’ oo uu turjumay

Cabdixakiin Obsiiye, waxaanan akhriyay May- Juun, 2025.

6- Waxa aan akhiyay buuga ‘ Ha Waynaanin Aabbe’ oo uu qoray Aadan

Sahan, waxa aan akhriyay July-Ogosto 2025.

7- Waxa aan akhriyay buuga la yidhaahdo ‘ Duni aan Islaam Jirin’ waxa

turjumay Cabdimajiid Aw Warfaa, waxa aan akhriyay Juun- Julay,

2025.

8- Waxa aan akhriyay buuga la yidhaahdo ‘ Bangiyada Islaamka’ , waxa

qoray Siciid Cali Shire, waxa aan akhriyay Ogosto-Octoobar, 2025.

9- Buuga la yidhaahdo ‘ Gumeystoow lagula Dood’ ayaan akhriyay

Oktoobar- Noofanbar.

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Sannadkan qoraalka guud ahaan aan sameeyay ma badna, se waxoogaa wuu jiraa, oo qoraallo waan qoray. Waxa aan ka xusi karaa:

1-    Sideed uga faa’idaysanaysaa sannadkan cusub 2025ka? Halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/sideed-uga-faaidaysanaysaa-sannadkan.html ).

2-    Sidee Shaqo loo helaa? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/sidee-shaqo-loo-helaa.html  ).

3-    Markasta muhiim baa tahay! Qoraalka halkan ka akhriso: (  https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/markasta-muhiim-baa-tahay.html ).

4-    Maxaan ku soo arkay Diridhaba? ! Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/maxaan-ku-soo-arkay-diridhaba.html ).

5-    Maxaa werwer kugu haya? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/8741542212078554871 ).

6-    Shaqadii iigu horraysay! Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7110894095020691404 ).

7-    Muhiimadda Shaqada. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2606758951795979745  ).

8-    Noloshaa sidaasa.  Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1715894337120495907  ).

9-    Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025:  Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2220704463985398606 ).

10-                       Maxaad ka baratay sannadkan sii dhammaanaya 2025ka? Qoraalka halkan ka akhriso: ( https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3164422903446530394 ).

11-                        Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga hirgalay? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/557224406577283987 ).

 

Turjumaadda

Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr maqaal ayaan turjumay:

1-     Dheelmintii Nebi Muxammed SCW. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/01/maxaynu-cashir-ka-baran-karnaa.html ).

2-    Waa maxay faa’idada ku jirta akhrinta buugaag badan? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/02/waa-maxay-faaidada-ku-jirta-akhrinta.html ).

3-    Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa su'aalihii la wayddiiyay... Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/03/imaam-axmed-maalmihii-ugu-danbeeyay.html ).

4-    Cali Binu Abii Daalib oo u caddaalad sameeyay kuray yar oo aabbhii rag dileen oo dafireen? Sidee u xalliyay? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/04/asxaabigii-waynaa-ee-cali-binu-abii.html  ).

5-    Muxuu Alle dumarka uga ilaaliyay Murugada? Qoraalka halkan ka akhriso: ( https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/4544516105848022362 ).

6-    Markaad wax akhirid maxaa dhacaya? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/9205364476420684701 ).

7-     Maxaynu ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/6874005007497975610 ).

8-   Haddaad rabtid in aad  noqotid aqoonyahan... Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/434338597131992466 ).

9-    5 Qodob haddii aad samaysid muddo 3bilood waxaad noqon qof kale Insha Allah. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2281435234804444107 ).

10-         Marka Cabbirku xumaado Waxaa Dayacanta Xuquuqda! (2) Qoraalka halkan ka akhriso: (  https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/05/marka-cabbirku-khalkhalo-waxaa.html ).

11- Xasuus Habeeneed, W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3652357402707132117 ).

12-          Dhagxintii Soraya! Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1612515896783074226 ).

13-          Haddii 20yadii ku jirtid... Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2485846898452812716  ).

14-          Faa'idooyin laga qaadan karo buuga ' Ilme wax Akhriya' ee Dr Cabdikariin Bakaar. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/faaidooyin-laga-qaadan-karo-buuga-ilme.html ).

15-Talooyin Muhiima oo Khuseeya Qofka akhriska ku cusub. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/faaidooyin-laga-qaadan-karo-buuga-ilme.html  ).

16-          Calaamadaha lagu garto guriga ay ku dhacday ama hayso Isha ama xasadku. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/876371215443487607  ).

17- 4 ta Marxaladood ee Hodannimadu marto. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/07/4-ta-marxaladood-ee-hodannimadu-marto.html  ).

18-         Talooyin ay Waajibtahay gabadh kastaa inay ogaato guurkeeda ka hor. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/3976288834186542271 ).

19-          U sheega Hablihiinna Talooyinkan. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2554285437150732404 ).

20-        4 Talo ee ay tahay in aad iska indhatirtid. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7991683887284658517 ).

21-          Sideed Dhaqaale ahaan u kori kartaa? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/2712120409113848057  ).

22-        5 Qodob ee Wiilka ka dhiga NIN. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7018625856384493799  ).

23-        Sideed Xanuunka iyo dhibaatooyinka ku soo waajaha uga dhigi kartaa Shidaal hore kuu wada? Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/5468575493156691930  ).

24-        12 Xaqiiqo ee ay tahay in qofkastaa aqbalo. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1966039194450431960  ).

25-         Ma xanbaarsana shandad keliya, balse wuxuu sida riyooyin dahabka ka culus. Qoraalka halkan ka akhriso: (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/7606735867793095078 ).

26-        10ka xeer ee Ixtiraamk Naftaada. Qoraalka halkan ka akhriso:  (https://www.blogger.com/blog/post/edit/preview/164808027658618772/1506608231608210334  ).

Gorfeynta Buugaagta #Xogkorodhsi

Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’  Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Saddexdii sano ee u danbeeyay Barnaamijka waan waday, waxaanan guud ahaan afartaas sano soo gudbiyay faallaynta 83 buug. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:

1-     In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.

2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.

3-    In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

 Waxa aan bulshada sannadkan 2025 ka  muuqaal ahaan kula wadaagay buug kooban, walow ay yaraayeen haddana wuxuun baan la wadaagay bulshada.

Buugan ayaa ka mid ah:

1-      Buugga la yidhaahdo ‘ Ragga oo Keliya’ faallo ayaan ka qoray.  Faallada halkan ka akhri: ‘  https://cabdirisaaqsandheere12.blogspot.com/2025/05/faallada-buuga-ragga-oo-kaliya.html ).

Isbeddellada Nolosha

Sannadkan 2025 wuxuu ahaa iska caadiya. Isbeddel nololeed wuu jiray. Noloshu waxa ay u baahantahay isbeddel iyo in qofku ka dhaqaaqo meesha uu joogo. Waxyaabaha isbeddelka qofka lagu qiyaaso waxa ka mid ah in qofku sameeyay isbeddel deegaan, isbeddel shaqo, isbeddel maskaxeed, nafsadeed, iyo isbeddel si guud laan la mid ah laamaha noloshiisa taabanaya uun. Anigu shakhsiyan isbeddel waan sameeyay, qofkastaana isbeddel wuu sameeyay, isbeddelka ugu yar qofka sameeyay waa ka da’diisu isbeddeshay ee dhinaca wedka u dhawaaday.

Safarrada aan galay sannadka 2025

Safarku waa cashir nololeed oo wayn.  Sannadkan meelo kala duwan ayaan maray.

 


 W/Q: Cabdirisaaq Sandheere 

31 Dec. 2025

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Muhiimadda Shaqada