Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga hirgalay?

  


Hordhac

Waxa dhammaanaya sannad, waxaana bilaabmay. Sidaas darted waa muhiim inuu qofku iswayddiiyo: Qorshayaashii aad hiigsanaysay sannadkan 2025ka maxaa kaaga hirgalay? Maxaa kaa qabyoobay? Maxaad fursado heshay sannadkii tagay? Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid?

Qorshahagii maxaa hirgalay?

Qofkastaa wuxuu lahaa qorshayaal iyo riyooyin uu rabay inuu gaadho sannadkan dhammaanaya, adiga maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii? Maxaa kaaga hirgalay qorshihii dhinaca dhaqaale samaynta? Maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii dhinaca waxbarashada iyo aqoonta? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii dhinaca waxkorodhsiga iyo aqoonta guud? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii la xidhiidhay dhinaca shaqada iyo xirfadaha?

Qorshayaashaadii maxaa qabyoobay?

Marar badan ma dhacayaan in aad gaadhid waxkasta oo aad ku hammidid, marmar waxa imanaya gidaarro iyo caqabado kaa hor imanaya oo u baahan xal iyo taxliilin. Iswayddii maxaa qorshayaashaadii ka qabyoobay? Ma qaar ka mid ah ayaa qabyoobay mise way wada qabsoomeen? Miyay wada qabyoobeen mise qaarna way qabsoomeen, qaarna way  qabyoomeen?

Waxa aad ogsoonaataa in wixii kaa qabyoobay aanu ahayn guuldarro —  balse uu yahay cashar. Wuxuu ku barayaa in horumar mar walba jiro, lana sii dhisi karo.

Maxaad fursado heshay sannadkan 2025?

Nolosha marmar waxa ku soo mari kara waxyaabo kuu noqon ka fursad iyo jaanis oo u baahan in aad ka faa’idaysatid. Fursadahaasi waxa ay noqon karaan kuwo nololeed, kuwo waxbarasho, kuwo shaqo, iyo kuwo kale oo manfac kuu leh. Markaa waa muhiim in aad iswayddiisid fursadihii aad heshay 2025 ma ka faa’idaysatay, mise way kaa dayacmeen?

Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid 2025?

Way jiri karaan caqabado badan oo aad sannadkan la kulantay, waa muhiim in aad caqabadahaas taxdid, ka dibna xalka aad sannadka soo socda ku xallin lahayd aad ka sii fekertid. Nolosha wax bilaa caqabad ahi ma jiro.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

30 Dec. 2025

 

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Sookoobidda buugga “ Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah?”