Posts

Milicsigayga Sannadkii 2023 ( My Annual Review In 2023)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2023 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyah...

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

Image
  Hordhac   Buuggan waxa la yidhaahda “ Furaha Ganacsiga”, cinwaanhoosaadkiisuna waa ‘ Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga.’ Waxa qoray Dhaqaalayahan Siciid Cali Shire. Sacad, waa aqoonyahan ku takhasusay culuumta ganacsiga, hoggaaminta, iyo bangiyada Islaamka. Wuxuu ka soo shaqeeyay xarumo aqoon, cilmibaadhis iyo latalina oo ku kala yaalla daafaha dunida. Siciid, waa guddoomiyaha shirkadda Buuh Consulting, oo ah shirkad 10kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynaysay horumarinta xarumaha cilmiga, hay’adaha khayriga ah iyo ganacsiga Soomaalida. Dhinaca kale, Siciid waa qoraa buugaag kala duwan qoray, kaliya buuggan uu ma qorine buug kale ayuu qoray, buugta uu qoray waxa aan ka xusi karnaa: Bangiyada Islaamka, oo uu qoray sannadkii 2014kii, iyo buugga la yidhaahdo ‘ Sidee loo noqdaa Hoggaamiye Isbeddel Horseeda’ oo uu soo saaray sannadkii 2014kii. Iyo buugga la yidhaahdo ‘ Dawladnimo’ oo uu saaray sannadkii 2016kii. Buuggan ‘Furaha Ganacsiga’ dhawr daabacadood b...

Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaahdo ‘100 Mashruuc iyo Mashruuc’ waxa qoray Xamse Xabiib Xuseen, oo ah Wadaad arrimaha dhaqaalaha inta badan ka hadla, sidoo kalana ah dhiirrigeliye iyo tababbare cashirro bixiya. Wuxuu soo saaray badhtamihii sannadkan sii galbanaya ee 2023ka. Waxa lagu soo bandhigay Caasimadda Hargaysa, gaar ahaan Hotelka Maansoor. Wuxuu ka koobanyahay   4 Cutub, oo ballaadhan, weliba qaybo ayuu u sii qaybinayaa marmar qoraagu. Bog ahaan wuxuu ka koobanyahay 200 bog oo waraaqadda A5 ka ah. Marka hore waan bogaadinayaa qoraaga, wuxuu wax ka qoray mawduuc ay yartahay in dadka Soomaaliyeed wax ka qoraan, ama qoraalkiisa iyo ka hadalkiisuba yaryahay ; taas qoraaga waan ku bogaadinayaa. Buugu guud ahaantii wuxuu ka warramayaa waxa loo yaqaanno ‘ Horumarinta Dhaqaalaha Shakhsiga ah.’    Ka akhriste ahaan, waxa aan isku dayi doonaa inaan sheego wixii aan kala kulmay, iyo sida aan u arko baaxadda buugu leegyahay ee mawduuca uu falanqaynayo. Nux...

XOG SIRDOON

Image
  Qofkan la yidhaahdo ‘ Basaasku’, caalamku hal maalin kama maarmin; waa na xirfad. Dhulka waxaa ka jira loollan iyo dagaallo u dhexeeya dadka. Maadaama dagaallo iyo loollan jiro waxaa lagamamaarmaan ah in la helo basaasiin, oo halkaas ayay ka soo bidhaamaysaa doorka basaasiintu. Maskaxda basaasiintuna waa kuwo tababbaran, waxayna leeyihiin shakhsiyad jaadgooni ah oo suurtagelisa inay guuleystaan oo ay wax isku miisaamaan, iyo inay guuldarrooyinka u baddelaan guulo. Tan iyo intii ay taariikhdu jirtay ee ay soo ifbaxday, dumarku awood wayn ayay ku lahaayeen caalamka sirdoonka. Dadku markii horaba waxa ay ku baraarugeen awoodda dumarku ku keliyoobeen ee ay gaarka ku yihiin, si gaar ah majaalkan, iyo hubka ay dumarku ku hubaysanyihiin ee aan laga salgaadhin, waxyaabaaas waxa ka mid ah: oohinta, dabacsanaanta, iyo sida ay u adagtahay in sirta laga helo oo laga gungaadho… Waxa taariikhda lagu xusay tobannaan ka mid ah basaasiintii doorka ugu wayn iyo qaybta laxaadka leh ka soo qaatay lo...

Xulashada Lammaanaha

Image
Gabadha Diinta lihi dhibcaha qiimaynta ay haysataa waa 1. Haddii gabadhu qurux leedahay waxa ay ku darsanaysaa 0 waa na 10. Haddii ay xoolo leedahay waxa ay ku sii darsanaysaa 0 kale, waana 100. Haddii ay qoys caana ka soo jeedo oo nasaba waxay ku darsanaysaa 0 kale, waana 1000. Haddiigabadhu ayna Diin lahayn oo 1 jirin waxa soo hadhaya 0, eberna waa waxba la’aan. Gabadha aan Diinta lahayn waa sidaasoo kale. Waa xaqiiqo la soo weriyo, ma garanayo cidda saxda ah ee qaacidadaa ku fadhiisisay Sharraxaadda Xadiiskii Nebi Muxammed ee ahaa “ Gabadha waxa lagu doortaa afar shay: Diinteeda, hantideeda, quruxdeeda, iyo nasabkeeda…”

XOG kaa QARSOON: SIRDOON

Image
Raggu intooda badan waxa ay leeyihiin nugayl badan, oo way quwadjabaan marka ay dheddigu soo hor istaagaan oo daciifnimo badan ayay yeeshaan; waxaana soo baxda meelaha uu ninku daciifka ka yahay ee god daloolooyinka ka leeyahay. Waxaa suurtagal ah in taariikhdu arrintaas ka maragkacayso oo iyadu markhaati u tahay. Sheekooyinka Daliila, Istiir iyo Saaluumi ayaa tusaale innoo noqon kara. Waxa aynu si wayn u arki doonaa sida xeesha dheer ee gabadha quruxda badan u saamayso ninka— ninkuna wuxuu diyaar u noqdaa oo u diyaargaroobaa inuu gabadhaas daraaddeed waxkasta u sameeyo. Sidaas darteed ayaynu aragnaa in hay’adaha Sirdoonku ay shaqaalahooda ka mamnuucaan jaceylka. Waxayna doorbidaan in shaqaalahoodu ay ahaadaan kuwo hore u guursaday oo qoysas leh. U jeeddada ay sidaa u samaynayaan waa iyaga oo ka hortagaya in qalad uu ku dhaco Sargaalka u shaqaynaya oo jaceyl haleelo—Sargaalkaas marka uu jaceylku ku dhacana shaqada ayuu dayacayaa oo wuxuu aad u tixgelinayaa jaceylkiisa. Waxaa jirt...

Barbaarinta Carruurta/Ubadka

Image
   Galab dhawayd baan markii Casar laga baxay Masaajidka waxyar fadhiistay, oo Quraanka akhri is idhi. Oday wayn iyo wiil yar oo uu dhalay baa soo galay. Markii odaygu soo galay ba kii yaraa buu ku qaylyay isaga oo leh ' Ha fadhiisane akhri.' Mii yaraa baa sunnaystay, odaygu muu sunnaysane intii ka yari tukanayay Masaajidkuu dhex socsocday. Markii kii yaraa tukaday buu xagga hore fadhiiso yidhi. Wuxuu u siday Kitaab iyo Qalinka la dul dhigo ee mrka kitaabka Quraanka la saaro akhriya. Kii yaraa halkii buu fadhiistay, kitaabkii buu soo kala bixiyay. Odaygii baa u mari isyidhi, ka diba wuu akhriyay odaygii, kii yaraana wuu ka daba akhriyay, se wuu qalday, haddana odaygii baa ku celiyay aayaddii, kii yaraana wuu qalday markale. Odaygii dhirbaaxo ayuu qaaday, oo ka yar ku dhuftay, inta uu iska xanaaqsiiyay ayuu isaga oo sii kacaya yidhi: " Car sii jilcin waa waxyohow, waan baxayaa oo waan soo noqonayaaye..." Inta uu kacay buu kabihii oo agyaallay sii qaatay. Kii yaraan baa...