Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

 



Hordhac

 

Buuggan waxa la yidhaahda “ Furaha Ganacsiga”, cinwaanhoosaadkiisuna waa ‘ Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga.’ Waxa qoray Dhaqaalayahan Siciid Cali Shire. Sacad, waa aqoonyahan ku takhasusay culuumta ganacsiga, hoggaaminta, iyo bangiyada Islaamka. Wuxuu ka soo shaqeeyay xarumo aqoon, cilmibaadhis iyo latalina oo ku kala yaalla daafaha dunida. Siciid, waa guddoomiyaha shirkadda Buuh Consulting, oo ah shirkad 10kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynaysay horumarinta xarumaha cilmiga, hay’adaha khayriga ah iyo ganacsiga Soomaalida. Dhinaca kale, Siciid waa qoraa buugaag kala duwan qoray, kaliya buuggan uu ma qorine buug kale ayuu qoray, buugta uu qoray waxa aan ka xusi karnaa: Bangiyada Islaamka, oo uu qoray sannadkii 2014kii, iyo buugga la yidhaahdo ‘ Sidee loo noqdaa Hoggaamiye Isbeddel Horseeda’ oo uu soo saaray sannadkii 2014kii. Iyo buugga la yidhaahdo ‘ Dawladnimo’ oo uu saaray sannadkii 2016kii.

Buuggan ‘Furaha Ganacsiga’ dhawr daabacadood buu u sameeyay. Tii u horraysay wuxuu daabacay sannadkii 2008kii, halka daabacaaddii 2aad uu sameeyay sannadkii 2014kii. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 300 bog.

Buuggu wuxuu si faahfaahsan uga warramayaa ganacsiga guud ahaantii, iyo hababka kala duwan ee ganacsiga loo bilaabo, loo horumariyo, loo wado, ee loo sii kobciyo. Buuggu wuxuu u dhiganyahay qaab cilmibaadhis oo kale ah.

Buuggu wuxuu ka koobanyahay saddex qaybood oo aad u ballaadhan. Qaybta 1aad wuxuu qoraagu kaga warramaya ‘ Fahanka Ganacsiga Yaryar iyo Antrabnoornimada.’ Wuxuu muuqaal guud ka bixinayaa dhalashada shirkadaha yaryar iyo dadka bilaaba shirkadahaas. Qaybtaasi waxa ay ka sii koobantahay afar cutub oo ballaadhan, waxayna qaadaadhigaysaa qaababka shirkaduhu u samaysmaan iyo dabeecadaha dadka bilaaba shirkadahaas.

Qaybta 2aad, waxa ay ka hadlaysaa ‘ Bilaabista, horumarinta, kobcinta iyo fashilka ganacsiga’ waxayna marka hore iftiiminaysaa marka hore qaababka loo helo fekrado ganacsi, iyo qaababka fekradaha ficil loogu baddelo ee loo hawlgeliyo. Waxa kale oo qaybtani ka warramaysaa qaabka loo sameeyo qorshe ganacsi.

Qaybta 3aad, waxa ay ka warramaysaa waxyaabaha Soomaalidu ku liitaan. Qaybtani waxa ay ka koobantahay afar cutub. Cutubyadaas waxa ka mid ah: Suuqgaynta, Istaraatijiyadda, iyo Maaliyadda xisaabaadka.

Qoraalkan waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban idiin la wadaago nuxurka buugga.

Nuxurka Buugga

 

Qaybta koowaad qoraagu wuxuu kaga warramayaa Fahanka Gnacsiga iyo Ganacsatada. Wuxuu muuqaal guud ka bixinayaa ganacsiga qaybihiisa kala duwan, sida uu ku bilaabmo, ganacsiga yaryar, hal’abuurka ganacsiga, iktiraaca, iyo guud ahaan fahanka ganacsiga.

Cutubbada uu ka warramayo waxa ka mid ah ganacsiga yaryar. Wuxuu xusayaa in soddonkii sano ee la soo dhaafay in isbeddelo waawayn oo la taaban karo ku dhaceen magaca iyo maamuuska lo ohayo ganacsiga yaryar. Isbeddelaas waxa ugu wayn sare u kac laxaad leh oo ku yimid qiimaha iyo qaddarinta ganacsatada yaryari ku leeyihiin bulshada dhexdooda. Halka berigii hore maamuul loo hayay keliya ganacsiyada waawayn uun, maanta waxa la isku raacsanyahay in in mustaqbalka horumar ee dal qayb ahaan uu ku xidhanyahay tirada iyo tayada ganacsiyada yaryar ee dalkaas. Rumayntaas ayaa keentay in ganacsiyada yaryar aad loo jeclaado oo ahmiyad la siiyo.

Cutubbada qaybtani ka koobantahay waxa ka mid ah dhalashada ganacsiga. Sida qoraagu ka soo guurinayo GEM ( 2012) sannadkasta malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida ayaa bilaaba ganacsiyo cusub. Dadkaasi waxyaabo badan ayay ku kala duwanyihiin, tusaale ahaan, waxa ay ku kala duwanyihiin waxyaabaha ku dhiirriegeliyay inay aasaasaan ganacsi cusub, sida ay xaaladdoodu ahayd ka hor intii ayna bilaabin ganacsiga cusub, duruufaha ka yimaadda sida ay u waajahaan IWM.

Sidoo kale, qoraagu waxa uu xusayaa waxyaabaha ay ku fiicanyihiin ganacsiyada yaryari ku fiicanyihiin, iyo waxyaabaha ay ku liitaan.Waxyaabaha ay ku wacanyihiin ganacsiyada yaryari waxa ka mid ah: Xorriyad, faa’ido dhaqaale oo badan, nolol fiican IWM. Ma jiro qof hantiile ku noqday mushahar uu qaato, se ganacsiga faa’idadiisa waxa laga xusi karaa in qofku xorriyad iyo hanti badan ka helo. Waxyaabaha ganacsigu ku liitana waxa ka mid ah; khatar buu leeyahay, culays dhaqaale oo wuxuu kaaga baahanyahay hanti badan, ma garanaysid waxa aad suuqa kala kulmi doontid, wuu kici karaa si degdega, wuxuu u baahanyahay kabitaan dheeraad, iyo inaad waqti badan gelisid.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa in heerka horumarka ganacsi ku xidhanyahay arrimo dhawr ah oo qofka bilaaba ganacsigu ugu horreeyo. Qofka bilaaba ganacsiga ee meel sare ka gaadha waxa loogu yeedhaa magacyo ay ka midyihiin ‘ Antarabnoor, iskii-u-shaqayste, mulkiile, maamule IWM.’ Qofkaasi magackasta oo loogu yeedho waa qof sida Steve Jobs kalsooni ku qaba inuu wax wayn abuuri karo oo hortii aanu qofna abuurin. Waxaa uu abuurayo qofkaasi sida Steve ayay noqon karaan tijnoolajiyo baddesha caalamka ama daahfurta ilo dhaqaale oo aan hore u jirin.

Waxa iyadna qoraagu xusayaa in casrigani yahay casri aqoon, tiknoolajiyad, iyo waqti casriya oo dunidu isku furantahay inuu yahay. Waa casri lagu jiro tartan, waxa muhiim ah in shirkaduhu ku socdaan xawaare la mid ah xawaaraha wax isku baddelayaan. Xawaarahan waqtigan wax isku baddelayaan waxa lagala mid dhigaa xawaaraha qorraxdu ku gaadho dunida oo kale. Sida kaliya ee shirkaduhu xawaarahaasi ugu socon karaan waa in ay weeleeyaan hal’abuurnimo iyo iktiraac. Warran Bennis ( 1997) isaga oo ka hadlaya ahmiyadda hal’abuurnimada iyo ikhtiraaca casrigan wuxuu yidhi: ‘ Dhimashada iyo jiritaanka shirkaduhu casrigan wuxuu ku xidhanyahay heerkooda hal’abuur iyo ikhtiraac.’

Qaybta 2aad, wuxuu qoraagu kaga warramayaa ‘ Bilaabista, badbaadinta, iyo kobcinta ganacsiga.’ Fursaddu waa wax leh muuqaal qurux badan oo sii jiri kara waqti dheer, si fududna loogu baddeli karo badeecad ama adeeg, macaamiisha agtoodana qiimo ka leh. Fursadda waxa saldhig u ah fekrad. Fekraddu waa aalad la’aanteed ayna fursadi abuurmi karin. Aaladdaas waxa si fiican u adeegsada hal’abuurrada ganacsi waaya’aragnimada iyo aqoonta leh. Si hal’abuurrada ganacsi usoo bandhigaan fekrado si fudud loogu baddeli karo badeecad ama adeeg, macaamiisha agtoodana qiimo ka leh waxa muhiim ah in ay fahansanyihiin sida loo arko fekrad ganacsi, iyo sida fekradahaas loogu baddelo fursad maalgelin. Sida caadada ah fursaddu maaha wax diyaarsane waa wax u baahan in la dhiso ama la abuuro.

Waxa kale oo qoraagu qaybtan ku xusayaa qorshaha ganacsiga. Dad badan oo ganacsiga bilaabaa way ogyihiin ahmiyadda qorshaha ganacsiga, se hadddana badankoodu ma sameeyaan qorshe ganacsi. Sababaha ay u samayn waayeen waxay doonaan ha noqdaane, balse cidhibdanbeedkoodu waa isku mid ah sida daraasado badan muujinayaan. Shirkadaha aan lahayn qorshe ganacsi waxa ay ku danbeeyaan fashil, kuwa aan fashilminna way ka kobocyaryihiin, ka faa’ido yaryihiin, kana hooseeyaan kuwa leh qorshe ganacsi.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa hababka shirkad ganacsi lagu bilaabi karo. Afar waddo midkood ayaa shirkad ganacsi lagu bilaabi karaa, afartaasi waxa ay kala yihiin: In qofku ku biiro ganacsi qoys, in shirkad magaceeda oggolaansho laga soo qaato si loogu ganacsado ( Franchised business), in shirkad cusub la sameeyo, iyo in la gato shirkad shaqaynaysa. Sidoo kale, ganacsigu sharci ahaan afar muuqaal sharci mid uun buu yeelan karaa: Geddisle ( Sole Trader), shirkad ( Partenship), shirkad xuduud leh ( LTD), iyo iskaashato ( Cooperation).

Sidoo kale, qoraagu wuxuu xusayaa waxyaabaha keena fashilka ama dhimashada shirkadaha. Sababaha keena fashilka shirkadaha waxa kii qaybiyaa laba qaybood. Qaybta hore waa sababo guud oo caam ah, halka qaybta labaad ka yihiin sababo gaar ah. Sababaha guud waxa ka mid ah: Baaxadda shirkadda ( Size), waqtiga ay shirkaddu jirto ama cimriga, lahaanshaha, xaaladda dhaqaale ee dalka,waxa shirkaddu ka shaqayso, maamulka/shaqaalaha shirkadda, meesha ay ku taallo shirkaddu, nooca shirkadda IWM. Sababaha kale ee gaarka ah waxa ka mid ah: Aqoondarro dhanka suuqgaynta ah, hadafka ganacsiga, isbeddellada ku dhacaya sayladda oo aan aqoon fiican loo lahayn, kharashaadka joogta ah oo sarreeya ama la xakamayn waayo, faa’idada oo aad u yar, khatarta oo sare u kacda, isbeddel ku yimaadda qoyska ama qofka. Sidoo kale, waxa jira waxyaabo kale oo keeni kara fashilka shirkadda sida ay sheegtay daraasad ay samaysay SBA ( 2012) ku sheegtay. Waxaana ka mid ah:

-         Waaya’aragnimo la’aan.

-         Maaliyadda oo ku yaraata.

-         Meesha shirkaddu ku taallo.

-         In si khaldan loo aamulo badeecadda.

-         Maalgelin farabadan oo lagula dulkufo hantida maguurtada ah.

-         Daymaha oo yaraada ama la waayo.

-         Qofka oo si khaldan u isticmaala hantida shirkadda.

-         Koboc aan lagu talagalin.

-         Culays kaga yimaadda tartanka.

-         Iibka oo hooseeya.

Qaybta 3aad, wuxuu kaga warramayaa Suuqgaynta, tartanka, maaliyadda IWM. Inkastoo sida Peter Frucker tilmaamo ganacsiga oo dhami ku koobanyahay laba hawlood oo ah Ikhtiraaca iyo suuqgaynta, haddana asbaabo iskugu jira aqoonta oo yar, waqtiga oo cidhiidhi ah, iyadoon la fahansanayn ahmiyadda suuqgaynta iyo dhaqaale xumo, sharikaad badani malaha wax istaraatijiyad suuqgayn ah. Intaas waxa dheer in shirkadi badani ayna xisaabta ku darsan in ay sameeyaan wax suuq baadhis ah ama qorshe suuqgayna marka ay bilaabayaanganacsi cusub. Arrimahaas oo ah kuwo dhammaantood laga taxaddari karo waxa ay shirkadaha mutaysiiyaan dhibaatooyin ay ka midyihiin: In ay dhinac maraan fursadobadan oo u furnaa, iibka oo yaraada, faa’ido xumo, dhimasho IWM.

Sidoo kale, waxa qoraagu ka warramayaa tartanka shirkaddaada ay kula jiraan shirkadaha kale, iyo guud ahaan tartanka suuqa. Qarnigii la soo dhaafay badhtamihiisii ayaa Joseph Sxhumpeter wuxuu tartanka ku tilmaamay  ‘ Dabayl aan kala go’ lahayn.’ Dabayshaas aan dhammaanayn oo uu ugu yeedhay ‘ hal’abuur wax burburiya.’ Wuxuu caddeeyay fursado abuuraan, isla markaana dib u burburiyaan fursadihii ay abuureen. Shirkadaha suuqa ku wada jiraa cadaadis badan bay isku hayaan. Wejigan cusub ee tartanku galay wuxuu sababay in xogta tartamayaasha la raadiyo habeen iyo maalin.

Sidoo kale, qoraagu wuxuu ka hadlayaa maaliyadda ganacsiga. Mid ka mid ah culaysyada aad u waawayn eee soo wajaha sharikaadka yaryar ayaa lagu tilmaamaa helitaanka maalgelin ku filan. Dhibaatadaas oo asbaaba la xidhiidha jahawareerkii dhaqaale iyo harraatidii jawahawareerkaas ka sii daraysa maalin ba maalinta ka danbaysa, maalgeliyayaasha waxa loo sheegaa nidaamyo cusub oo ay ku kala ogaan karaan fekradaha fursadaha maalgelin leh iyo kuwa aan lahayn. Waxa sidoo kale saldhig u ah qorshe ganacsi oo lagu kalsoonaan karo. Meelo kala duduwan ayay shirkadaha yaryari ka heli karaan maalgelin, meelahaa waxa ka mid ah sida in ay Bangiyada ka qaataan dayn iyaga oo maraya nidaamka muraabaxada, mudaarabada ama mushaarakada, ama in ay lacag ka amaahdaan asxaabtooda ama qaraabadooda.

 

 

 

 

Gebagebo

Buuggu wuxuu si faahfaahsan uga warramayaa ganacsiga guud ahaantii, iyo hababka kala duwan ee ganacsiga loo bilaabo, loo horumariyo, loo wado, ee loo sii kobciyo. Buuggu wuxuu u dhiganyahay qaab cilmibaadhis oo kale ah. Wuxuu ka koobanyahay saddex qaybood oo ballaadhan, dhammaantood waxa ay ka warramayaan sidii qofku ganacsi iskii isku wada u samaysan lahaa ee u wadi lahaa.

Waxa aan rejaynayaa nuxurka buugga in wuxuun laga fahmay. Waxa aan soo jeedinayaa in qofkasta oo mawduucan ganacsiga xiiseeyaa buugga akhriyo, sidoo kale waxa aan soo jeedinayaa in qofkasta oo heli kara buugu akhriyo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Tog-Wajaale, Gebilay, Somaliland.

15 Sept. 2023

 

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?