Barbaarinta Carruurta/Ubadka
Galab dhawayd baan markii Casar laga baxay Masaajidka waxyar fadhiistay, oo Quraanka akhri is idhi. Oday wayn iyo wiil yar oo uu dhalay baa soo galay. Markii odaygu soo galay ba kii yaraa buu ku qaylyay isaga oo leh ' Ha fadhiisane akhri.' Mii yaraa baa sunnaystay, odaygu muu sunnaysane intii ka yari tukanayay Masaajidkuu dhex socsocday.
Markii kii yaraa tukaday buu xagga hore fadhiiso yidhi. Wuxuu u siday Kitaab iyo Qalinka la dul dhigo ee mrka kitaabka Quraanka la saaro akhriya. Kii yaraa halkii buu fadhiistay, kitaabkii buu soo kala bixiyay. Odaygii baa u mari isyidhi, ka diba wuu akhriyay odaygii, kii yaraana wuu ka daba akhriyay, se wuu qalday, haddana odaygii baa ku celiyay aayaddii, kii yaraana wuu qalday markale. Odaygii dhirbaaxo ayuu qaaday, oo ka yar ku dhuftay, inta uu iska xanaaqsiiyay ayuu isaga oo sii kacaya yidhi: " Car sii jilcin waa waxyohow, waan baxayaa oo waan soo noqonayaaye..." Inta uu kacay buu kabihii oo agyaallay sii qaatay.
Kii yaraan baan eegay, waaba isaga oo ciil ooyaya, oo gacanta indhaha marmarinaya. Waxa aan is idhi odayga dulqaadkaa ku yaraa, mana fahansanayn sida carruurta wax loogu dhigo. Hadal na waan la gaadhi waayay oo gebigiisuba wuu qaddinnaa.
Waalidku waxa wanaagsan inuu carruurta i naxariisto, oo inta ay yaryihiin dabacsanaan tuso. Isagaa dhalay illayne qaa unuu u adkaystaa, oo si wanaagsan wax ugu sheegaa.
Comments
Post a Comment