XOG kaa QARSOON: SIRDOON
Raggu intooda badan waxa ay leeyihiin nugayl badan, oo way
quwadjabaan marka ay dheddigu soo hor istaagaan oo daciifnimo badan ayay
yeeshaan; waxaana soo baxda meelaha uu ninku daciifka ka yahay ee god
daloolooyinka ka leeyahay. Waxaa suurtagal ah in taariikhdu arrintaas ka
maragkacayso oo iyadu markhaati u tahay. Sheekooyinka Daliila, Istiir iyo
Saaluumi ayaa tusaale innoo noqon kara. Waxa aynu si wayn u arki doonaa sida
xeesha dheer ee gabadha quruxda badan u saamayso ninka— ninkuna wuxuu diyaar u
noqdaa oo u diyaargaroobaa inuu gabadhaas daraaddeed waxkasta u sameeyo.
Sidaas darteed ayaynu aragnaa in hay’adaha Sirdoonku ay
shaqaalahooda ka mamnuucaan jaceylka. Waxayna doorbidaan in shaqaalahoodu ay
ahaadaan kuwo hore u guursaday oo qoysas leh. U jeeddada ay sidaa u samaynayaan
waa iyaga oo ka hortagaya in qalad uu ku dhaco Sargaalka u shaqaynaya oo jaceyl
haleelo—Sargaalkaas marka uu jaceylku ku dhacana shaqada ayuu dayacayaa oo
wuxuu aad u tixgelinayaa jaceylkiisa.
Waxaa jirta qiso caan ah oo ay si fiican u yaqaannaan Raashiyaanku
oo ku saabsan ninka la yidhaahdo Wujdaan Sataashanki oo jeclaaday gabadh
Jarmalka Bari u dhalatay. Wuxuu shaqooyinkiisa qaar ka mid ah u tagay Jarmalka
Galbeed. Wujdaan iyo gabadhii waxa ay ku heshiiyeen inay isguursadaan, wuxuuna
ku xidhay fargalkii guurka. Markii uu ninkii soo laabtay ee muraadkiisii soo
gutay waxaa la soo xidhiidhay jaceylkiisii, waxayna u sheegtay inay uur
leedahay, dhawaanna dhali doonto ilmo oo ummuli doonto. Waxa ay ka codsatay ninkeedii inuu u soo
laabto oo u yimaaddo, balse waxaa ka horjoogsaday oo u diiday inuu u tago
Sirdoonkii Ruushka. Dabadeed, jaceylkiisii ayaa muddo yar ka dib la soo
xidhiidhay, waxayna u sheegtay inay ilmo dhashay, balse uu dhintay oo ay
sugayso inuu u yimaaddo oo ilmaha yar aaskiisa qabanqaabiyo. Markan Sirdoonka
Ruushku wuu u oggolaaday in ninku safar ku yimaaddo meesha xaaskiisu joogto,
ilmihiisuna ku dhintay. Sirdoonka Ruushku markii ay ninkan u oggolaadeen inuu
xaaskiisa u tago, waxa ay aad u xoojiyeen ka warhaynta, ilaalada iyo inay dusha
kala socdaan dhaqdhaqaaqyadiisa. Wujdaan markii ilmihiisii uu soo aasay shaqadiisii
ayuu ku soo laabtay, waxayna isaga iyo xaaskiisii u tahriibeen Jarmalka
Galbeed, wuxuuna tagay Xarunta Midawga Mukhaabaraadka. Wujdaan Maxkamadda ayaa
looga yeedhay. Maxkamaddu waxa ay aragtay inay aad uga khafiifisay haddii ay ku
xukunto siddeed sannadood oo shaqo adagi la socoto, waana la xidhay. Waxaa
jeelka lagu xidhay sannadkii 1966kii, xaaskiisuna way isqarin jirtay,
ninkeedana Jeelka ayay ku soo booqan jiray.
Sheekadani waa mid muujinaysa sida basaaskii waynaa u fashilmay ka
dib markii uu jaceyl ku dhacay, waayo arrimo jaceyl ayuu galay.
Sidoo kale, khubaradu waxa ay sheegeen in doonista raggu ay aad u
ixtiraamaan hablaha, ayna u nugulyihiin doonistooda. Ilinta ama oohinta gabadh
ka timaaddaa ragga waxgaradka ah waxa ay kaga darantahay cadaw ay garoon iyo goob
bannaan iskaga horyimaaddeen. Sidaas darteed ilintu waa hub gumaad dheer oo geeddisocod
taariikheed oo badan leh. Immisa ayuu halbeeggu isbeddelay, oo natiijooyin dagaallo
laga filnayay isla baddeleen ilintaas daraaddeed!
Qisooyin noocaas ah, iyo xogo badan oo arrimaha SIRDOONKA ku
saabsan ka akhri buugga SIRDOON.
Sii Faafi ( Share) dheh.
Ahmed Mohamed Ahmed
ReplyDelete