Gorfaynta buugga ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’

 


Hordhac

 

Buuggan la yidhaahdo ‘100 Mashruuc iyo Mashruuc’ waxa qoray Xamse Xabiib Xuseen, oo ah Wadaad arrimaha dhaqaalaha inta badan ka hadla, sidoo kalana ah dhiirrigeliye iyo tababbare cashirro bixiya. Wuxuu soo saaray badhtamihii sannadkan sii galbanaya ee 2023ka. Waxa lagu soo bandhigay Caasimadda Hargaysa, gaar ahaan Hotelka Maansoor.

Wuxuu ka koobanyahay  4 Cutub, oo ballaadhan, weliba qaybo ayuu u sii qaybinayaa marmar qoraagu. Bog ahaan wuxuu ka koobanyahay 200 bog oo waraaqadda A5 ka ah.

Marka hore waan bogaadinayaa qoraaga, wuxuu wax ka qoray mawduuc ay yartahay in dadka Soomaaliyeed wax ka qoraan, ama qoraalkiisa iyo ka hadalkiisuba yaryahay ; taas qoraaga waan ku bogaadinayaa.

Buugu guud ahaantii wuxuu ka warramayaa waxa loo yaqaanno ‘ Horumarinta Dhaqaalaha Shakhsiga ah.’   Ka akhriste ahaan, waxa aan isku dayi doonaa inaan sheego wixii aan kala kulmay, iyo sida aan u arko baaxadda buugu leegyahay ee mawduuca uu falanqaynayo.

Nuxurka Buugga

Cutubka 1aad wuxuu qoraagu ka warramayaa mawduuc uu ku magacaabay ‘ Noqo Mashruuc.’ Isla mawduucaas wuxuu hoosgalinayaa xeerar badan oo illa toddoba ah.  Waxyaabaha uu ku xusayo waxa ka mid ah in hantidu tahay halgan, hanti kasta oo uu dhawranayo qof dunidan ku nool waxa u asal ah halgan, halgankaasi nooca uu doono ha ahaado, oo isagu ha halgamo ama cid kalaba ha u halgantee.

Waxa kale oo xusayaa in asxaabta qaar badan hantiilayaal ahaayeen, waxa ka mid ahaa Abuubakar Siddiiq, Cusmaan Binu Cafaan, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Dalxa Binu Cubaydillaah, Subayr Binu Cawaam, iyo Sacad Binu Abii Waqaas. Dhammaantood waa asxaabtii iyaga oo nool jannada loogu bishaareeyay, waxayna ahaayeen Milyaneerro; sida Qoraagu xusayo dhammaantood waxa ay haysteen hanti gaadhaysa $1,000,000.

Marka hantisamaynta laga hadlayo waxa iyadna qoraagu xusayaa xeerkii uu hindisay asxaabigii waynaa eee Cabdiraxmaan Binu Cawf markii uu soo qaxay,ee lala walaaleeyay Asxaabigii Sacad Ibnu Rabiic, ee Sacad u soo bandhigay inuu la qaybsado xoolihiisa, ee Cabdiraxmaan ku yidhi ‘ Suuqa I tus.’ Cabdiraxmaan kamuu dalban inuu raasamaal ama maalgelin siiyo, iyo waxyaabo kale toona, kaliya wuxuu ku yidhi Suuqa I tus. Bes. Waxa aan halkaa ka garan karnaa inuu si kalsooni leh suuqa u galay, oo aanu waxyaabo fudud ku marmarsiyoon.

Waxa kale, oo qoraagu xusayaa in qofku si yar wax y bilaabo, macne ahaan inuu qofku marka hore hantida meel hoose ka bilaabo. Waayo, hantidu waa sida geedka oo kale, waxa ay u badataa si aayar aayar ah, haddii la ilaaliyo oo xeerarkeeda la raacana waxa la arkaa iyada oo badatay bulaashay. Waxa muhiim ah marka qofku hanti samaynayo inuu iska ilaaliyo isbarbardhigga iyo xogaha qaldan ba.

Waxa iyadna muhiim ah in qofku wax kaydsado. Daadka iyo dooxyada soo rogmadaa waxa ay ku yimaaddeen dhibco biyo ah oo isku tagay. Aqoontuna waa xarfo isbiirsaday. Hantiduna waa sidaas oo kale oo shilling lagu daray shilling kale, taasaa hantida badan dhasha, waa muhiim in qofku wax kaydsado.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa in xogta qofku ku dadaalo, waa in qofku xogta wuxuu bilaabayo raadsadaa. Caalamka hodannimadu iyo shaqooyinkuba waa caalam koobsaday dad badan oo aqoon iyo adkaysi leh, dadkaasi oo u adkaystay waxyaabo badan. Waxyaabaha qofku xogta ku heli karo waxa ka mid ah waxbarashada, la sheekaysiga dadka IWM.

Cutubka 2aad, wuxuu qoraagu mawduuc uga dhigay ‘ Samee Mashruuc.’ Wuxuu kaga warramayaa in qofku mashruuc sameeyo, ka dibna mashruucaa hirgeliyo. Abuuridda mashruucu waxa ay ka qaybqaadataa koboca iyo korukaca dhaqaalaha bulshada. Mashruucuna faa’idooyin gaar ah iyo faa’idooyin guudba wuu leeyahay. Mashruucyadu waxa ay u qaybsamaan laba qaybood. Qaybta koowaad, waa alaab la iibinayo, alaabataasi oo kolba meesha looga baahanyahay la gaynyo. Qaybta labaad waa adeeg, waa in qofku sameeyo mashruuc la xidhiidha adeeg la qabanayo. Qofku markuu mashruuc samaynayo labadaas midkood uun buu mashruuca ku sameeyaa.

Cutubka 3aad, wuxuu qoraagu mawduuc uga dhigay ‘ Adkee mashruuca.’ Wuxuu kaga warramayaa waxyaabihii mashruuc u muhiimka ahaa sida suuqgayntii, kobcintii iibka, maamulkii mashruuca IWM.  Waxa iyadna muhiim ah tayaynta mashruuca, in mashruuca la tayeeyo oo tayadiisa la eegaa waa muhiim.

Cutubka 4aad, wuxuu kaga warramayaa ‘ Ballaadhinta mashruuca.’  Wuxuu xusayaa in la ballaadhiyo mashruuca, sidaas si la mid ah waxa muhiim ah in qofku ogaado xilliyada ay tahay in mashruuca la ballaadhiyo, tallaabooyinka la qaadayo marka mashruuca la ballaadhinayo IWM.

Sidoo kale, wuxuu isla cutubkan kaga warramayaa tusaalayaasha 100 mashruuc, oo ah cinwaanka uu buuga ugu magacdaray. Wuxuu taxayaa 100 tusaale oo ah waxyaabo fudud oo qofku samayn karo. Waana waxyaabaha qofkastaa ka fekero.

Dhalliisha Buugga

 

Maadaama aan sheegay waxyaabaha buuggu ka warramayo, aniga oo bogaadiyay badankooda, haddana ka akhriste ahaan waxa i saaran inaan sheego waxyaabaha dhalliisha ah ee aan buugga ku arkay. Maadaama buuggu daabacanyahay oo bulshada horyaallo qofkasta oo akhriyaa waa muhiim inuu sheego wuxuu kala kulmay. Halkan waxa aan ku xusi doonaa dhawr qodob oo aan isleeyahay qoraagu wuu ka gaabiyay, ama wuu ku dhalliilanyahay buuggu:

1-     Baaxadda iyo Nuxurka Mawduuca: Buuggu wuxuu ka warramayaa waxa loo yaqaanno aqoonta dhaqaalaha ( Financial Education), oo ka Soomaali ahaan innagu yar. Qoraagu qaab nuxur leh oo xog badan sidda ugama warramin mawduuca, waxa uu soo gudbiyay xogo la wada garan karo oo ah waxa caqliga qofkastaa ku hayo oo aan ahayn  xogo cusub oo qofka wax ku kordhinaya. Tusaale ahaan, qofku markuu doonayo inuu ganacsi sameeyo waxa niyaddiisa ku soo dhacaysa ka hor inuu maalgelin haysto, se qof caafimaad qabaa kuma fekerayo inuu aayar ganacsi iska bilaabo. Qodobbo fudfudud oo noocaas ayuu qoraagu xusayaa. Arrinta kale ee aan buugga ku arkay waa in xataa mawduucyadaa caashagaratayga ah laftooda aanu kaa dharginayn oo si aan macne badan samaynayn u dhigayo.

2-    Buugga oo isku dhexdaadsan: Waxyaabaha buuggu ku liito waxa ka mid ah in buuggu isku dhexyaacsanyahay oo aanu kala saarsaarnayn, tusaale ahaan buuga meelaha qaar malaha waxa la yidhaahdo Tuducyada ( Pragraphing). Waxa aad arkaysaa qoraal dheer ooh al page ah, halkii ay ahayd inuu kala saarnaado oo qaybqayb isku raaco kolba sida fekraduhu u wada socdaan. Sidoo kale, buugga fartiisa iyo hannaankiisu ma fadhiyaan, fartu meelaha qaar si bay u kharribantahay oo aad baa loo waawayneeyay, meelaha qaarna waa la yaryareeyay. Dhinaca kale, waxa isku qaab u qoran oo aan aad u kala soocnayn meelaha qaar cinwaannada, oo waxa aad arkaysaa cinwaan far yaryar ku qoran oo aan laga soocayn qaybaha kale.

3-    Habqoraal qaldan: Buugu waxyaabaha uu ku liito waxa ka mid ah habqoraalka Af Soomaaliga, meelo badan qaabka qoraagu u dhigay way kugu adkaanaysaa, waxa dhacaysa in meelaha qaar xuruufta waawayn uu yaryaraynayo, meelaha qaar hakadkii ama calaamadihii kale ka tagayo. Tusaale aan soo qaato, eeg bogga 31, wuxuu qorayaa magacyadan, isla qaabkanna wuu u qorayaa: ‘ Abuu bakar siddiiq, Cismaan ibnu cafaan, Sacad ibnu abii waqaas…’ Waa qalad marka la eego xeerka qoraalka, waxa xeer ahaa in magackasta xarafka u horreeya la wayneeyo.

4-    Isdhexyaaca habqoraalka buugga: Habqoraal ahaan buuggu aad buu u liitaa, waxaanad mooddaa inuuna tifaftir badan soo marin.Ha I moodin qof aayar wax iska dhalliilayee aan buugga kaaga soo qabto arrintan. Eeg bogga 88, wuxuu qoraagu u qoray sidan ‘Alaabtu waa mid aqbasha una baahan kaydin halka aanay adeegu u baahnayn wax kaydin ah haddii ay u baahatana alaabta uu adeeggu ku xidhmay ayaa u baahda eee adeegga laftiisa maaha.’ Qaabkaasuu u qoray, se adna waad ila aragtaa inta hakad iyo inta dhibcood ee uu ka tagay. Qaabka loo qorayaa waa sidan ‘Alaabtu waa mid aqbasha una baahan kaydin, halka aanay adeegu u baahnayn wax kaydin ah, haddii ay u baahatana alaabta uu adeegu ku xidhmay ayaa u baahda eee adeega laftiisa maaha.’  Boqollaal qalad qoraalleed oo noocana ayaa buugga ka buuxa.

5-    Erayo aan ku habboonayn meelaha qaar: Waxa aad mooddaa in buuggu si qaabdaran iskugu dhex yaacsanyahay. Marka laga yimaaddo isdhexyaaca qoraalka waxa ka daran in qoraagu adeegsaday erayo aan munaasib ku ahayn mawduuca uu ka hadlayo iyo arrinta uu faallaynayaba. Tusaale ahaan, wuxuu qoraagu leeyahay ‘ Dikhawga iyo wasakhawga maxkaxeed ee maaliyadda.’  Erayga dikhaw waxa loo isticmaalaa marka hawadu xumaato ee walxo aan nadiif ahayn soo galaan, ma aha eray loo isticmaalo lacag iyo maaliyad midna. Waxa iyadna la mid ah ‘ Wasakhaw’ oo qoraagu halkan u adeegsaday, isna waxa loo adeegsadaa marka ay walxaha qaar sida biyaha, ama wax muuqda oo kale xumaadaan. Maaliyaddu ma aha wax muuqata, markaa lama odhan karo way xumaatay, waa hadaltiro. Waxa la heli karaa erayo la macne ah maaliyaddii way xumaatay oo loo adeegsadaa halkaas. Waxa iyadna uu leeyahay ‘ maskaxda fooli’ isaga oo ka wada ‘ Maskaxda tuuji’, erayga foolin meeshan kuma habboona, mana aha meeshiisii.

6-    Mugga iyo Miisaanka Cinwaanka: Cinwaanka buugu wato ee ‘ 100 Mashruuc iyo Mashruuc’ markaad aragtid waxa niyaddaada ku soo dhacaysa in qoraagu buugga gebigiisaba kaga warramayo 101 mashruuc ee uu cinwaanka ku sheegay iyo faahfaahintooda, se waxa nasiibdarro ah in qoraagu mashaariicdaa uu cinwaanka ku xusay kaliya buugga gudihiisa ku sheegayo magacyadooda, oo aanu faahfaahin badan iyo tabaha loo abuuri lahaa aanu ka warramayn. Sida habboonayd ee sharafta buuggana ahayd waxa weeyaan in qoraagu Mashaariicda sharraxo oo si wacan oo mug iyo miisaan leh uga warrama. Se hadda qaabka uu mashaariicda buugga u qoray maaha sidii laga filanay, qofka buugga akhriya wuu ka niyadjabayaa markuu ka waayo wixii uu ka filanayay oo ahayd inuu ka helo mashaariic uu ku dhaqaaqo.

Gebagebo

 Buuggu wuxuu ka warramayaa mawduuc muhiim ah oo ah aqoonta la xidhiidha dhaqaalaha. Dhaqaaluhu waa lafdhabarta dunidan casriga ah ee aynu ku noolnahay, waana waxa kala haga heerka nolosha, iyo qofku jihada uu u dhaqaaqayo.

Muhiimadda aan buugga idiin la wadaagay waxay ahayd in wax laga ogaado mawduuca, sidaas si la mid ah waxa aan rabay inaan kobcinno aqoonta la xidhiidha gorfaynta buugaagta, naqdinta erayga qoran iyo in qofku wuxuu akhriyo wax ka odhan karo oo bulshada la wadaagi. Waa qodob muhiima oo shakhsi ahaan aad u tixgeliyo. Naqdinta iyo dhalliisha macnahoodu maaha in qoraaga ama shakhsiyaddiisa la durayo, balse waa in jacayl iyo lexejeclo laga qabo qoraalka, buugta iyo erayga qoran.

Waxa aan iyadna baraarujinayaa inay muhiim tahay in marka buugu soo baxo ee gacanta qoraaga ka soo dhammaado in si shaacsane ah ( Public) ah loo naqdiyo, muhiim ma aha in qoraaga si hoose ( private) loola wadaagaa, waa arrin iska caadiya, se waxa markasta ka wartan badan in  si shaacsane ah ( Public) ah loo naqdiyo.

 

W/Q: Cabdirisaaq  Sandheere

29 Sept. 2023. 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?