Posts

Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2022?

Image
Hordhac   Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon badan iyo adduun ba kasbadaa. Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa. Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid. Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2022 kaga faa’idaysan karo. Aniga oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo, duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun ka anfaca. Maxaan kaga Faa’idaystaa 2022? Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin c...

Muxuu ka hadlayaa buuggayga “Helen Keller: Gabadhii Indhaha iyo Dhegahaba la'ayd ee Ph.D Qaadatay”?

Image
Waa buug u qoran qaab sheeko, wuxuu ku halqabsanayaa gabadha la yidhaa Helen Keller. Helen Keller, waxa ay ahayd qoraa, macallimad, tababbare nololeed, & gabadh arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba u dhaqdhaqaada! Indhaha iyo Dhegaha ayay naafo ka ahayd. Helen Keller, waxaa lagu tiriyaa dadka adduunka soo maray kuwa ugu guulaha wanaagsan ee wax laga dheefo oo lagu xasuusto ka tagay. Ugu horreyn iyada oo caafimaadqabta, misana Lixda laxaad ba qabta ayay dhalanaysaa. 19 bilood marka ay jirsato ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa. Waxay muddo la jiiftaba xummaddiibaa ka ba’aysa. Xummaddii way ka ba’day, se waxa ay kaga tagtay indhala’aan iyo dhegala’aan. Labadii laxaad ee lixda laxaad ugu mudnaa ayay waayaysaa! Dam. Hooyadeed, iyo Aabbaheed ayaa dhakhtar u raadinaya. Hooyadeed qaabka ay u raadinayso waxaa ka mid ah inay la socoto Wargeysyada maalinlaha ah ee guud ahaan dalka, gaar ahaanna gobbollada jaarka ka soo baxa. Markaa maalin iyada oo akhriyaysa Wargeysa ...

Wadaadkii Iyo Fannaanaddii Isguursaday!

Image
Wadaad iyo fannaanad ayaa ismehersaday. Waa laba qof oo aad u kala fekrad, iyo nolol duwan. Casrigan waxyaabaha uu la yaabka yahay waxa ugu qosolka badan Wadaad aan Masaajid ka bixin, iyo Fannaanad Salaadda markay doonto Tukataa inay isguursadaan! Toloow, maxay iskaga midyihiin ee isku keenay?! Labada judha horaba isku deegaan maahee? Malaha waa calaf. Malaha waa dareen. Malaha waa danaysi. Malaha wax kalaa mideeya! Ta dhexe u badi. Waxa ugu wayn ee mideeyaa waa dareen. Dareenku ma yaqaanno labada qof waxa ay ku kaladuwanyihiin, waxa ay isku hayaan, iyo waxa ka dhex oogan toona. Waa wax indha & dhegala’ oo qofkii ay u saarto sida sixirka ku dhega! Ma yaqaanno Wadaad & Waranle. Arooskii iyo qaabdhaciisii ayay isku khilaafeen ba Wadaadkii iyo Xaaskiisii Al Fannnaana Canab Qaali! Aroosku iyo qaabka uu noqday, sida wadaadku rabay & Sida Fannaannadu rabtay, sida labadaas qof iskula dhibbanyihiin & waxa dhexyaallaba ha ii danbeeyaan, intan ila yara dhuux. Lammaanuhu si uun ba...

Sookoobidda buugga “100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ 100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever ~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.” Waxa qoray Steve Chandler. Waa lataliye, tababbare, fagaare ka hadle, dhiirrigeliye, iyo lataliye. Wuxuu la soo shaqeeyay shirkado badan, iyo jaamacado waaweyn. Waa qoraa. Buugaag kale ayuu qoray. Wuxuu qoray in ka badan 30 buug, oo looturjumay 25 luuqadadoo. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ RIGHT NOW: Mastering the Beauty of the Present Moment.” Buuggu jaad ahaan, waa nooca loo yaqaan dhiirrigelinta. Markii koowaad waxaa la daabacay sannadkii 1995kii. 100kaa hab ayuu qoraagu kaga warramayaa, oo ku sharraxayaa. Soo wada qaadan maynee, qaar ka mid ah ayaynu ka soo qaadan. Nuxurka Buugga Maadaama buuggu qodobbo yahay, qodobbaduna badanyihiin, waxaa waajib noqonaysa inaynu qaar ka mid ah soo qaadanno. Waynu soo qaadan. Hababka uu qofku naftiisa ku dhiirrigelin karo waxa ka mid ah: 1-     ...

WAQTIGA FIRAAQADA: JIDH’DHIS IYO CAQLI KORIN

Image
  Ma doonayo in waqtigeenna oo dhami noqdo shaqo, in nolosheenna oo dhani noqoto dadaal aan nasasho laheyn─iyo in ay noqoto weji cabuus aan qosol laheyn! Taasi qarniyadii dhexe ayey tusaale u tahay; oo dadka ka ugu kheyrooni wuxuu ahaa ka dadaala ee an nasan, weji gabaxa uun ee aan qoslin, markastana in geeri ku dhacdey aad mooddo, qalbigiisana aynna farxadi gelin, dadkuna ay u arkayeen mid murugeysan oo sidii nin aas kasoo noqdey oo kale! Ka ugu fiican ee ay culimadu dadka ku dhiirriyeen casrigan waa: Farxad iyo qosol, iyo in uu qofki waqti maangal ah ciyaaro, kaasaanna anfacaya bini-aadanka in ka badan inta dadaal isdaba joogga oo aan nasasho laheyn lagu jiro! Waxa aan doonayaa in waqtiyada firaaqaddu aynna ka badan waqtiyada shaqada, iyo aynna firaaqadu indha tirin nolosha, oo aynna shaqadu sabbeyn geerka! Waxa kale oo aan doonayaa; in waqtiyada firaaqada caqliga la dhiso, sida waqtiyada shaqada oo kale. Markeynnu shaqaynanno waxaynnu u shaqeynnaa u jeeddo, sidaa si leeg, wa...

Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)

Image
Qadhiidh ka mid ah buugga “ Dhabbadii Dhibaatada” Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar) Xagaagii Sannadkii 2002dii ka dib markii aan ka soo laabtay London waxa aan tagay magaalada Karaaji. Waxaa dhegahayga ka sii guuxayay hadalka Madaxii Waaxda Millatariga Al Qaacida Khaalid Sheekh Maxammad, hadalkaas ayaa maskaxda igaga soo dhacay ka dib markii ay geesaha iga soo galeen basaasiinta iyo kuwa u shaqeeyaaba. Khaalid Sheekh Maxammed ayaa markii koowaad igu yidhi: “ Marka u horraysaba haddii ay kuu yimaaddaan AYDAASI (isaga oo u jeeda Wakaaladda danbibaadhista iyo Sirdoonka Maraykanka ‘CIA’) iyo kuwa la midka ah ee daartaas ku sugan oo uu ula jeedo meesha la yidhaahdo MI6. Waaba haddii ay ku yimaaddaane, waxa ay ku wayddiin doonaan waxaasi iyo waxaasi.” Muddo hadda laga joogo 5 bilood ka hor waxaa la xidhay Ramsi Binu Shayba oo ahaa dadkii ku eedaysnaa qaraxaas, oo aan anna muddo yar ka hor kula kulmay guri aamin a...