Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)



Qadhiidh ka mid ah buugga “ Dhabbadii Dhibaatada”


Barnaamijka Caroogyada Qayladhaanta: Baadhista Maskaxdii ka Danbaysay Qaraxii Sarihii Mataanaha (11 Sibtanbar)

Xagaagii Sannadkii 2002dii ka dib markii aan ka soo laabtay London waxa aan tagay magaalada Karaaji. Waxaa dhegahayga ka sii guuxayay hadalka Madaxii Waaxda Millatariga Al Qaacida Khaalid Sheekh Maxammad, hadalkaas ayaa maskaxda igaga soo dhacay ka dib markii ay geesaha iga soo galeen basaasiinta iyo kuwa u shaqeeyaaba. Khaalid Sheekh Maxammed ayaa markii koowaad igu yidhi: “ Marka u horraysaba haddii ay kuu yimaaddaan AYDAASI (isaga oo u jeeda Wakaaladda danbibaadhista iyo Sirdoonka Maraykanka ‘CIA’) iyo kuwa la midka ah ee daartaas ku sugan oo uu ula jeedo meesha la yidhaahdo MI6. Waaba haddii ay ku yimaaddaane, waxa ay ku wayddiin doonaan waxaasi iyo waxaasi.”
Muddo hadda laga joogo 5 bilood ka hor waxaa la xidhay Ramsi Binu Shayba oo ahaa dadkii ku eedaysnaa qaraxaas, oo aan anna muddo yar ka hor kula kulmay guri aamin ah. Halka muddo laga joogo 11 bilood gacanta lagu dhigay ee la xidhay Khaalid Sh. Maxammed oo aannu isku aragnay Baakistaan, iyaga ayaana ii qiray inay ka danbeeyeen qaraxii lagu qaaday Maraykanka 11kii Sibtanbar. Maanta sannado badan ayaa kulankaas gaarka ahaa ka soo wareegtay isna kuma guulaysan riyadiisii.
Hadalka aan odhanayo ee sheegi doono Alle ayaa iiga markhaati ah, waxaanan ahay wariyaha kaliya ee fursad u helay inuu la kulmo maskaxdii burburisay Maraykanka. Sidoo kale, waxa aan ahay wariyaha kaliya ee dabagal ku sameeyay argagixisadii ugu waynayd ee caalamka soo martay. Cidna inay taasi dhab tahay lama wayddiinayo. Haddaba wayddiintu waxa ay tahay: ma innaga ayaa waalan oo illaa xad halkaas gaadhnay? Ma laga yaabaa in maamulka Maraykanku gebi ahaan ba aannu danaynayn arrintan? Mise waxaa habboon inaan arrintaa gebi ahaan ba iskaga hadhno? Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa baadhitaanno aan ku sameeyay 11kii Sibtanbar, iyo wixii xogo ah ee aan helay.
Haddaba Al Qaacida ma ku saxsanayd weerarkaas? Iyaga oo Al Qaacida, weerarkaas ula baxay Weerarkii Manhaatam.
Waxa aan tagay Maraykanka, waxaanan la kulmay golihii odayaasha, dadka ayaanan kula hadlay, waxaanan idhi: “ Usaama Binu Laadin dad badan agtooda geesi ayuu ka yahay, u jeeddadu ma aha inuu Maraykanka weeraray. Balse, waxa uu hantiyay maskaxda dad badan…” Kulankaas waxaa ka soo qaybgalay Wariyayaal aad u badan iyo khubaro kale, waxaanan ugu magacdaray ‘ Cadawga Bin Laadin iyo kuwa u shaqeeya basaasiinta.’ Waxa kale, oo ka soo qaybgalay qaar ka mid ahaa Ilaalada Danbibaadhista Maraykanka (FBI). Dadka ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa ninkan aan anigu doonayay oo magaciisa la yidhaahdo Maykal Shuwaar oo ahaa Hoggaankii Kooxda Aalik ( oo ahayd magaca Sirdoonka Maraykanka) u jeedkooduna ahaa inay soo qabtaan Usaama Bin Laadin. Wuxuuna yidhi: “ Saaka Yusri Fawda waxa uu yidhi Usaama Bin Laadin wuu ka dhabaynayaa waxa uu leeyahay, Dunida islaamkuna sidaas ayay u arkaan. Waxaa innagu waajib ah inaan maqalno, se ma doonayno.” Maykal, laba buug ayuu qoray. Buugtaas uu qoray magaciisa kuma qorin, magaciisa wuu qariyay oo magac uu soo ergistay ayuu ku qoray. Dabadeed waxaa lagu amray inuu iscasilo afkana xidho. Sidii buuna sameeyay, juuq danbana lagama maqal.
***
Waxyar ka hor intii aanu dhammaan sannadkii 2002dii waxaa loo fadhiistay in wax laga ogaado weerarkii Sarihii Mataanaha. Guddi siyaasadeed oo awood badan la siiyay oo Maraykan ah ayaa arrintaas iskaga soo horfadhiistay. Guddidaas waxa ka mid ahaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) oo doonay inay wayddiimo keenaan oo wax ka ogaadaan sidii uu u dhacay qaraxu, isla markaana wax ka wayddiiyaan kuwii talinayay waqtigi qaraxa, waxa ayna wax ka wayddiiyeen Koondhaliisa Rays oo ahayd lataliyaha dhinaca ammaanka Madaxwayne Buush. Afar arrimood ayay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Maraykanku (CIA) soo saareen. Waxa ka mid ah in la baadho wixii dhacay, oo waxa ay yidhaahdeen: “ Baadha wixii dhacay 11kii Sibtanbar si loo ogaado cidda aan masuuliyaddeedii shaqada gudan, iyo si loo ogaado argagixisada iyo arrimaha gudaha dalka.”
Thomas Kean, waa madaxii guddidii baadhista hawlgalkii 11kii Sibtanbar, waxa uu hore heshiis ula ahaa qoyska Sucuudiga, gaar ahaanna mashruuca saliidda dalkaasi. Ku xigeenkiisii Lii Haaton, waxa uu leeyahay taariikh dheer. Filib Siliko, oo ahaa madaxii fulinta waxa uu leeyahay buug uu ka qoray Koondhaliisa Rays. Waxaa inta badan la qariyaa arrimihiisa oo ma cadda.
Guddigii Baadhista 11ka Sibtanbar, waxa ay soo gudbiyeen warbixintoodii sannadkii 2004tii bishii Julaay, warbixintaas oo ka koobnayd 600 bog. Thomas Kean, ayaa hadlay, oo yidhi: “ Waxaa jira wayddiimo iyo jawaabo isku xidhan oo ku saabsan ciddii masuulka ka ahayd weerarkii dhacay. Haddii aynu soo xidhno Usaama, waxaa dhici karta warbixin cusub in aynu helno.” Balse, guddoomiyihii baadhistu muu soo hadalqaadin maskaxdii burburka ka danbaysay sida Abuu Subayda, Ramsi Binu Shayba, Khaalid Sh. Maxammed iyo rag kale oo gacanta Maraykanka ku jiray. Waxaa layaable inayna hal su’aal guddidu wayddiin raggaas gacanta ugu jira, hadda waa hal su’aal!! Warbixintaasi waxaa lagu iibinayay goobaha Wargeysyada Maraykanka. Khubaro badan ayaa aaminsan in warbixintu xayaysiis camal ahayd! Warbixinta waxaa loo qoray sida sheekada oo kale, waxayna ku bilaabmaysay sidan: “ Subaxdaasi waxa ay ahayd mid aad u wanaagsan, iyada oo dadka New York deggan ay shaqadoodii ku sii socdeen ayaa waxaa si kedis ah u dhacay weerarka!” Sidoo kale, warbixintu waxa ay u qornayd si caaddifadi ka muuqato. Lama wayddiin sababtii ka danbaysay weerarkii 11 Sibtanbar, iyo halka ay warbixinta ka keeneen midna! Qoraayo badan ayaa wax ka yidhi warbixintaas. Qoraayadu waxa ay isku raaceen in qaladaad badan warbixintaas ku jireen. Dr. Cabdalla Nafiisi qoraaga buugga ‘ Weerarkii Manhatan’ waxa uu yidhi: “ Warbixintu waxa ay ahayd heshiis u dhexeeya labada XISBI ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.”
***
Qoraaga caan ah ee Maykal Robert, wuxuu ka mid ahaa dadkii wax ka qoray Kondhaliisa Rays. Saymuur Hayrish, qoraaga buugga “ Silsilatu Al Qiyaadah”; iyo Toomas Kiin, madaxii guddida ayaa sheegay haddii ay ogyihiin inay dabageli lahaayeen.
Warbixinta qaar ka mid ah ayaa lagu daabacay in Khaalid Sheekh Maxammed uu u qirtay Wariye Yusri Fawda in ururka Al Qaacida ay doonayeen weerar ay ku qaadaan soddon xarumood oo Maraykanka ku yaalla, kuwaasi oo ay qorshaynayeen Sagaashameeyadii, taasi oo been ahayd, u jeeddaduna ay ahayd weerarkii Saraha Maraykanka 11kii Sibtanbar. Sidoo kale, haddii aynu u eegno waxaa suurtagal ah inaan aniga oo Yusri ahi beenaale ahay, ama Khaalid beenaale yahay ama labadayaduba beenaalayaal nahay. Balse, waxaa xaqiiq ah in aanaan labayadu midna beenaale ahayn, se ay jirtay cid warxumatashiil ah oo arrinta tafsiir qaldan ka bixisay. Warbixintu way qaldanayd ha haato mid si kama’ ah u dhacay, ama si ulakac ah u dhacdaye. Waa warbixin aanan ku qanacsanayd bilow illaa dhammaad, waxyaabahan warbixinta lagu sheegay waxa ay dhaceen markii la qabtay Khaalid iyo Ramsi oo ahaa labadii nin ee ku eedaysnaa qaraxii 11kii Sibtanbar. Kulan na dhexmaray aniga iyo Khaalid ayaa tafsiir qaldan laga bixiyay. Dad badan oo warxumatashiil ah ayaa arrintii xumeeyay oo leexiyay.
Si aan u ogaado sida ay wax u jiraan, iyo cidda tafsiirka qaldan ka bixisay kulankii aniga iyo Khaalid waxa aan isku dayay inaan la xidhiidho Filib Siliko oo ahaa madaxii fulinta guddidii baadhaysay Qaraxii 11ka Sibtanbar. Wuuna iga oggolaaday inaan ku wada kulanno Hudheel u dhaw Aqalka Cad. Balse, wuu iman waayay. Waxa aan siiyay fursad kale, haddana ma iman, fursad kale ayaan siiyay, haddana ma iman. Waxa aan u la xidhiidhay dhammaan guddida mid mid, se mid mid ayay u diideen. Haddii aan la ballami lahaa Maykal Shuwayk wuxuu iska iscasilay xilkii, se haddii uu la hadlo Kanaalka Al Jazeera waxa uu ka baqay in la dilo! Dhinaca kale, waxa aan isku dayay inaan la xidhiidho guddoomiyihii hore Hay’addii Sirdoonka Maraykanka u qaabilsanaa Ladagaallanka Argagixisada Koofar Balaak, aniga oo wejiga kaga dhuftay wayddiin aannu jeclaysan: Mudane maxaad iila soo xidhiidhi wayday markii aan la kulmay raggii ahaa maskaxdii ka danbaysay burburkii Maraykanka? Wuxuuna yidhi: “ Hagaag, ma ogi inuu qof kuu sheekeeyay iyo in kale, annagu waxa aanu daawanaynay Tiifiiyada, adiguna waxa aad ka hadlaysaa arrimo sirdoon, mana ogi mawaqifkaaga shakhsiyadeed. Waxa aan hubaa inaad saraakiisha munaasibka ku ah aad wayddiisid, laga yaabaa inaad aragtid waddo kaaga furantay arrintaasi, ma ogi lamana socdo aragtidaada wariyannimo, jawaabna kuma siin karo.”
Wayddiimahaas oo dhan waxaa ka jawaabay ninkii Aqalka Cad u qaabilsanaa ladagaallanka argagixisada Richard Clark. Wuxuuna igu casuumay qado si aan ugu sheekaysanno wixii dhacay waqti munaasib ah. Richard, waxa uu soo horfadhiistay guddidii dabagalka ku hayay dhacdadii 11ka Sibtanbar, wuxuuna meesha ka sheegay arrin ay ka naxeen guddidii iyo dhammaan shacabka Maraykanku. Wuxuuna yidhi: “Kuwa qolka fadhiyoow ama warbaahinta iga daawanayoow, waxa aan idin leeyahay dawladdiinu way idin khiyaantay; kuwa masuuliyaddiina qaadayna way idin khiyaameen. Anigu naf ahaanna waan idin khiyaamay. Waan isku daynay si dhab ah, laakiin maanaan samaynin, maxaa yeelay waannu fashilannay. Waxa aan idiin sheegayaa marka aad rabtaan inaad xaqiiqda fahantaan, waa inaad isku daydaan inaad fahantaan xaqiiqdu waxa ay tahay. Sidaasi darteed waxa aan ku faraxsanahay inaan idiinka jawaabo su’aalihiinna oo dhan.”

21kii Abril sannadkii 2002dii waxa aan ku sii hakaday Dubaay aniga oo ku sii jeeday Karaaji. Waxa aan rabay si aan ula kulmo qaar ka mid ah maskaxdii burburisay Maraykanka. May jirin cid og wax aan u socdo xataa Madaxdaydii shaqada. Dubaay, waxa aan u imid si aan ugu nasto. Waxa aan sitay boorsadii ay ku jireen xogihii iyo warbixinnadii aan ka helay Al Qaacida, oo ahaa xogihii aan ka helay weerarkii 11kii Sibtanbar. Waxa aan marwalba iswayddiin jiray aaway Maraykanka iyo kuwii dabadhilifka u ahaa ee meelkasta, wadda walba iyo luuqkasta oo aad gasho la socon jiray. Dadka New York kala badhkood waxa ay qabaan in xukuumaddoodu ogayd weerarkii dhacay xilligii uu dhici rabay ama ay ka danbaysay. Se ay si ogaal ah uga laabteen wixii dhacay.
Aniga oo garoonka Dubaay ka duulaya ayaa waxa aan ogaaday in Siyaad Jarraax, lagu qabtay garoonkan oo halkan lagu hakiyay. Siyaad waxa uu ka yimid Afgaanistaan 30 Jannaayo, sannadkii 2000dii. Waxaana lagu istaajiyay dalab ka yimid ciidanka Sirdoonka Maraykanka. Boorso ayuu sitay. Waxaa boorsadiisa ka buuxay Dhakamuntiyo iyo xogo ay Al Qaacido leeyihiin. Baadhidiisii waxa ay qaadatay 4 saacadood, wuxuuna u sheegay inuu Maraykanka ka soo bartay sida diyaaradaha loo wado. Waxa se yaab ahayd in isku xidhihii Khaalid Sheekh Maxammed iyo Usaama Bin Laadin oo ahaa Siyaad Jarraax si fudud lagu sii daayo isaga oo Jarmalka ku sii socday.

Dalka Jarmalka ayaan soo gaadhay bil ka dib. Waxaanan halkan u imid inaan ogaado xogta mid ka mid ah raggii qaraxa gaystay oo halkaas degganaa oo ahaa iskuxidhihii ama agaasimihii weerarka Ramsi Binu Shayba. Si aan u soo ogaado lanbarradooda, cinwaannadood, iyo waxyaabo kale oo tafaasiil ah. Magaalada Humrburge, waxa ay ahayd meesha koowaad ee aan Filinka ka qaaday si aan u hubiyo wixii ay ii sheegeen madaxdii Al Qaacida. Waxayna noqotay inaan indhaha saaro halkii ay degganaayeen raggii ugu khatarsanaa dunida.

Waxbadan kama ogaan. Xafiiskaygii London ayaan ku soo laabtay. Waxaanan helay Waraaqad uu isoo diray nin la yidhaahdo Abuubakar aniga oo jooga Xafiiskaygii London. Abuubakar waxa uu ahaa ninkii isku kaaya xidhayay Al Qaacida. Wuxuuna waraaqadda ku qoray: “Waan la kulmay ninkii shalay innala joogay Garoonka, waanan ka wada hadalnay arrintii. Waanan idin soo gaadhsiin doonnaa Canjaladihii dhammaantood. Waxa aan ku farayaa inaad isdejisid. Waxa aan la hadli doonaa iyaga, dabadeedna waan kula soo xidhiidhi doonaa.”
Laba cisho ka dib waan soo duulay illaa Qaahira si aan wax uga ogaado Maxammed Caddaa, oo aan wax uga wayddiiyo aabbihii dhalay Maxamed oo diidannaa in inankiisu weerarkaas gaystay. Intii aan joogay Qaahira garabkii Warbaahinta al Qaacida may sugin intaan warbixinta ka dhammaynayo. Waxaana Al Jazeera loo diray nuqul ka mid ah canjaladihi aan aniguba haystay. Waxa aan arkay muuqaalladii oo laga sii daayay Al Jazeera.
Waxa aan haddana imid Baaruud si aan Siyaad ula kulmo oo wax uga ogaado xidhiidhkii ka dhexeeyay Siyaad iyo Ramsi. Dhinaca kale Ramsi ayaa ii sheegay inuu diyaarinayo warbixin ka hadlaysa dhacdadii 11kii Sibtanbar isaga oo la kaashanaya shirkadda As Saxaab ee Filimada samaysa. Intii aan hortaagnaa aqalka Siyaad Jarraax waxaa si kedis ah iila soo xidhiidhay Abuubakar isaga oo hubinaya inaan helay warqaddii iyo in kale, wax cusubna iima sheegin. Markii aan Lubnaan joogay waxa aan tagi jiray cawaysyada habeenkii, si aan Siyaad wax uga ogaado. Meelkasta oo ay maraan waan ka dabamaray. Sirdoonka reer galbeedku waxa ay isha ku hayeen ninka u dhashay Lubnaan ee Siyaad Jarraax oo ku fekerayay Janno si uu adduunyada uga nasto.
***
14kii Juun Sannadii 2002dii Dooxa ayaan tagay, aniga oo markaas ka imid Bayruud. Kulan ayaan madaxdii Al Qaacida la qaatay, waxa aan la joogay laba bilood. Xogtii waxa aan la wadaagay 3 ka mid ah asxaabtaydii Al Jazeera ka wada shaqayn jirnay si ay murugada iila wadaagaan. [...]

Xogta oo dhammaystiran ka akhriso buugga “ Dhabbadii Dhibaatada.”

Meelahan buugga ka dalbo:
Hargeysa: Iqra Books, Rayaan Bookshop.
Burco: Iqra Books.
Muqdisho: Yalax Bookshop.
Jigjiga: Geeljire Bookshop.
Boorama: 0634569020
Gebilay: 063-4669758

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?