Posts

Sookoobidda Buugga “ Xeerarka Shaqada ~ The Rules of Work”

Image
  Hordhac Buuggan lagu magacaabo “ Xeerarka Shaqada ~ The Rules of Work” waxa qoray   Richard Templer. Waa qoraa Ingiriisi u dhashay. Buugaag kaladuwan ayuu qoray. Waxa ka mid ah “ The Rules of Management: The Definitive Guide to Managerial Success  (Paperback - 30 Nov 2004).” Mid kale oo la yidhaa “ The Rules of Life: A Personal Code for Living a Better, Happier, More Successful Kind of Life  (Paperback - 8 Nov 2005.” Iyo buugga la yidhaa “ The Rules of Wealth: A Personal Code for Prosperity  (Paperback - 31 Oct 2006).” Buugaag badan ayuu qoray kuwaas ayaa ka mid ah. Buuggani waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan ee loo yaqaan “ Bestseller Books.” Waa 273 bog. Buuggan waxa uu kaga warramayaa si guud shaqada uu qofku xarun u hayay xeerka uga degsanaan lahaa qof ahaan, gaar ahaanna waxa uu diiradda ku saarayaa sida qofku shaqooyinka u yaalla noloshiisa xeerar ugu dhigi lahaa. Qoraagu kama hadlayo xeerarka Shirkadda, goobta ama meesha aad...

Sookoobidda buugga “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda.”

Image
  Hordhac   Buuggan la yidhaa “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si togan u fekeridda” waxa qoray Norman Vincent Peale  oo noolaa intii u dhexaysay (May 31, 1898 – Diisanbar 24, 1993kii).   Wuxuu ku dhashay magaalada Ohio. Waxa uunna ku dhintay magaalada New York. Da’diisu 95 sano jir ayay ahayd. Waxa dalka Maraykanka ka soo noqday Wasiir. Waxa uuna ahaa qoraa. Waxa ay saaxiib dhaw ahaayeen Madaxweyne Donald Trump.   Buuggu waxa uu ka koobanyahay 285 bog. Waxa uu ku jiraa buugta ugu iibsiga badan ‘ bestseller books’ waxa laga daabacay in ka badan 15 Milyan oo nuskhadood. Nuxurka Buugga Cutubka 1aad, qoraagu waxa uu ku bilaabayaa ‘ Naftaada aamin.’ Naftaada in aad aamint oo rumeysato inay waxkastaa ku xidhanyihiin ayuu xusayaa. Aaminaadda naftu waa inuu qofku ku kalsoonaado awoodda uu leeyahay, waxa uu hirgelin karo, iyo sida ay suurtagelka ku yihiin. Waxa uu qabanayo waa inuu si aaminaada leh u qabtaa. Aaminaadda naftu ixtiraamka qofnimo...

Sookoobidda buugga “ 13 Things Mentally Strong People Don’t Do ~ 13ka Shay ee dadka maskax ahaan xoogga badani aynna qaban.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ 13 Things Mentally Strong People Don’t Do ~ 13ka Shay ee dadka maskax ahaan xoogga badani aynna qaban.” Waxa qortay Marwo Amy Morin. Waa qoraa maqaallo iyo buug ba qortay. Sidoo kale waa macallimad Jaamacadda Northeastern University dhigta.   Qoraayadda iyada 00 23 jir ah ayay hooyadeed dhimatay, murugo badan iyo walbahaar badan ayaa saaqay. 3 sano ka dib dhimashadii hooyadeed, waxaa dhintay ninkeedii! Murugadii hore midkale ayaa ugu biirtay. Iyada oo sidii ah ayay qortay qoraal. Baloog ay lahayd ayay ku qortay cinwaanka buuggan. Qormooyinkii ayay dad badan oo illaa 30 Milyan gaadhayaa akhristeen. Qormooyinkii waxa ay ku kallifeen inay buug ka dhigto, maadaama dadkii jeclaadeen. Sidaas ayuu fekerka buuggu ku dhashay. Buuggii oo dhammaystiranna way qortay. Buugga aad baa loo jeclaaday, waxaanna lagu turjumay 25 luuqadood. Sannadkii 2013kii oo TEDx Talk ay ka qaybgashay buuggii ugu wanaagsanaa ayuu ahaa. Wuxuu ka midyahay buugaagta caalamka lo...

Gorfeynta Buugga “ Before You Quit Your Job.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Before You Quit Your Job ~ Ka hor intaanad iska casilin Shaqadaada” Cinwaanhoosaadkiisuna yahay “ 10 Real-Life Lessons Every Entrepreneur Should Know About Building a Multimillion-Dollar Business ~ 10ka cashir Nololeed ee Dhabta ah ee ay Tahay inuu Hal’abuur Ganacsi oo kastaa o gaado, oo ah sidii uu uu Dhisi Lahaa Ganacsi Malaayiin Doollar Macaasha.” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Waxa qoridda ka caawiyay oo la qoray John Fleming iyo Kim Kiyosaki. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financi...

Sookoobidda Buugga “15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ 15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.” Waxa qoray Kevin M. Kruse, oo ah Bare Jaamacadeed oo Sooyaalka ka dhiga Jaamacadda Princeton. Waxa uu u dhashay Dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa qoraa. Waxa uu xiiseeyaa oo wax ka qoraa Siyaasadda, arrimaha Bulshada IWM. Buugaag kalana wuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ One Nation Under God.” Cinwaanhoosaadka buuggu waa “ The Productivity Habits of 7 Billionaires, 13 Olympic Athletes, 29 Straight-A Students, and 239 Entrepreneura ~ Caadooyinka waxtarka leh ee ay lahaayeen 7ba Bilyaneer, 13 Ciyaaryahanno Olombik ah, 29 Ardey Xariifiina oo A ah, iyo 239 Hal’abuurayaal ganacsi ah.” Buuggu waxa uu ka warramayaa maaraynta waqtiga. Waa  302 bog marka uu PDF yahay. Wuxuunna sheegayaa 15 siro oo guuleystayaashu waqtiga u maareeyaan, kana ogyihiin. Qaar ka mid ayaan soo qaadan. Nuxurka Qoraagu waxa uu xusayaa wa...