Sookoobidda buugga “ 13 Things Mentally Strong People Don’t Do ~ 13ka Shay ee dadka maskax ahaan xoogga badani aynna qaban.”

 


Hordhac

Buuggan la yidhaa 13 Things Mentally Strong People Don’t Do ~ 13ka Shay ee dadka maskax ahaan xoogga badani aynna qaban.” Waxa qortay Marwo Amy Morin. Waa qoraa maqaallo iyo buug ba qortay. Sidoo kale waa macallimad Jaamacadda Northeastern University dhigta.

 

Qoraayadda iyada 00 23 jir ah ayay hooyadeed dhimatay, murugo badan iyo walbahaar badan ayaa saaqay. 3 sano ka dib dhimashadii hooyadeed, waxaa dhintay ninkeedii! Murugadii hore midkale ayaa ugu biirtay. Iyada oo sidii ah ayay qortay qoraal. Baloog ay lahayd ayay ku qortay cinwaanka buuggan. Qormooyinkii ayay dad badan oo illaa 30 Milyan gaadhayaa akhristeen. Qormooyinkii waxa ay ku kallifeen inay buug ka dhigto, maadaama dadkii jeclaadeen. Sidaas ayuu fekerka buuggu ku dhashay. Buuggii oo dhammaystiranna way qortay. Buugga aad baa loo jeclaaday, waxaanna lagu turjumay 25 luuqadood. Sannadkii 2013kii oo TEDx Talk ay ka qaybgashay buuggii ugu wanaagsanaa ayuu ahaa. Wuxuu ka midyahay buugaagta caalamka loogu iibsiga badanyahay ( Best Selling Books).

 

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 318 bog. Cutub ahaanna waa 13 Cutub oo kaliya. Hordhac wanaagsan oo qodobbada uu ka warramayo buuggu aaraar u ah ayay ka horreysiinaysaa. Waxa ay ku sii xigsiinaysaa 13 qodob oo dadka maskaxdoodu awoodda leedahay aynna samayn. Si kooban ayaynnu u dulmari. Innaga oo sida ay buugga u kala horreeyaan u soo qaadan doonna: Hordhaca, haddana 13ka qodob.

 

Nuxurka

 

Waxa ay iswayddiinaysaa waa maxay ‘ mental Strenth ~ Awood maskaxeed’ waxa ay ku qeexaysaa ‘ Waa awoodda uu qofku ku maammuli karo dareennadiisa, waxa uu dareemayo, iyo cabbiraaddiisa maskaxeed.’ Dadku way kaladuwanyihiin. Qaar waxa ay leeyihiin maskax daciif ah, qaar kalana maskax awood leh.

Waxa jira qodobbo saameeya awoodda maskaxda. Waxa ka mid ah:

1-      Hiddaha.

2-    Shakhsiyadda qofka.

3-     Waaya’aragnimada ama khibradda.

Waxyaabaha aasaaska u ah maskaxda awoodda leh ayay qoraayaddu xusaysaa.Waxa ka mid ah:

1-      Dareennada:Dareenkaada wanaaji.

2-    Habdhaqanka qofka.

3-     Habfekerka qofka.

Faa’idada maskaxda awoodda leh ayay xusaysaa. Waxa ka mid ah:

1-      Qofk wuxuu awood u yeelanayaa inuu u adkeysto qulubka/welwelba.

2-    Qanaacadii qofku uu nolosha ku qabay ayaa kobcaysa.

3-     Horumarkii qofkaa koraya.

13 Qodob ee aynna dadka maskaxda xoogga badani samaynin:

1-      Wax tagay ka xumaanshihiisa waqti iskaga ma lumiyaan.

2-    Awooddooda ayay ka faa’ideystaan.

3-     Isbeddelka kama xishoodaan.

4-    Shey’yada ama waxyaabaha aynna maammuli karayn ( Cantrol) xoogga ma saaraan.

5-     Farxadgelinta qofkasta kama werweraan.

6-    Khatar inay u badheedhaan kama cabsadaan.

7-     Kama fekeraan tagtadii.

8-    Qalad isku mid ah marar badan/ dhawr mar ma sameeyaan.

9-    Dadka kale guushooda kama xumaadaan.

10- Guuldarrada koowaad ka dib ismadhiibaan.

11-  Waqtiga ay kalida yihiin ma baqaan.

12- Ma dareemaan inay adduunyadu dayn ku leedahay.

13-  Natiijo degdeg ah ma fishaan.

 

Gebagebo

Hordhacaa hore, iyo 13kaa qodob ee aynnu taxnayn ayaan ku soo afmeerayaa. Si guud baan u dulmaray. Wixii iiga baxay ayaan idin la wadaagay. Waa buug runtii aad iisoo jiitay. Haddii aad heshid inaad akhridaan kugu la talin lahaa.

Mahadsanidiin.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Maarij 17, 2020.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?