Sookoobidda Buugga “ Xeerarka Shaqada ~ The Rules of Work”

 

Hordhac

Buuggan lagu magacaabo “ Xeerarka Shaqada ~ The Rules of Work” waxa qoray  Richard Templer. Waa qoraa Ingiriisi u dhashay. Buugaag kaladuwan ayuu qoray. Waxa ka mid ah “ The Rules of Management: The Definitive Guide to Managerial Success (Paperback - 30 Nov 2004).” Mid kale oo la yidhaa “ The Rules of Life: A Personal Code for Living a Better, Happier, More Successful Kind of Life (Paperback - 8 Nov 2005.” Iyo buugga la yidhaa “ The Rules of Wealth: A Personal Code for Prosperity (Paperback - 31 Oct 2006).” Buugaag badan ayuu qoray kuwaas ayaa ka mid ah. Buuggani waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan ee loo yaqaan “ Bestseller Books.” Waa 273 bog.

Buuggan waxa uu kaga warramayaa si guud shaqada uu qofku xarun u hayay xeerka uga degsanaan lahaa qof ahaan, gaar ahaanna waxa uu diiradda ku saarayaa sida qofku shaqooyinka u yaalla noloshiisa xeerar ugu dhigi lahaa. Qoraagu kama hadlayo xeerarka Shirkadda, goobta ama meesha aad ka shaqaysid u yaalla. Se qofka naf ahaantii wixii isaga la gudboon ayuu ka hadlayaa.

Nuxurka

Waxyaabaha uu buugga diiradda ku saarayo waxa ka mid ah:

1-     Xiisee shaqadaada: Qoraagu waxa uu qofkasta kula talinayaa inuu xiiseeyo waxa uu qabanayo ee shaqadiisa ah. Haddii aannu xiisaynayn inuu qabto oo uu raadsado wax uu xiisaynayo.

2-     Horumari si u araggaaga (Attitude) dhinaca wanaagsan: Qofku waa inuu si u araggiisa qaybta wanaagsan kobciyo.

3-     Maammul Awooddaa (Energy): Awoodda aad wax ku qabanaysid maammul oo gacantaada ha ku jirto.

4-     Dhoollacaddee: Qoraagu waxa uu leeyahay qofku marka uu cid shaqo la qabanayo, ama uu shaqaynayaba waxa wacan inuu mararka qaar dhoollacaddeeyo, oo dhoollacaddaynta isbaro. Weliba waxa uu ka cabbirayaa erayga ‘ Dhoollacaddee.’

5-     Qorshe yeelo: Qorshe inuu qofku yeeshaa waa muhiim. Weliba qorshaha waa inuu ka yeesho dhinacyo badan, oo noloshiisa ah; gaar ahaanna shaqada. Qorshuhu wuxuu noqon karaa

B) Mid dheer.

T) Mid dhaw.

6-     Doorkaaga ogow: Haddii aad meel shaqo ka haysid, iyo haddii aad wax qabanaysidba waa muhiim inaad doorkaaga ogaataa. Doorka aad leedahaya inaad ogaataa waxqabad badan ayay kuu sahlaysaa.

7-     Ogow naftaada waxa aad ku fiicantahay iyo waxa aad ku liidatid: Waa inaad ogaadaa waxyaabaha ay naftaadu qabashadooda awood ku leedahay, iyo waxyaabaha aad ku liidatid.

8-     Qoondayso dhacdooyinka iyo waqtiyadooda: Haddii aad wax qabanaysid xilligii aad qaban lahayd u qoondee.

9-     Fursadaha raadi: waqtiyada shaqada waxyaabaha muhiimka ah waxa ka mid ah inaad raadisid fursadaha.

10- Iska ilaali xanta: Waqtiyada shaqada iyo waqtiyada kalaba aad iskaga ilaali inaad dadka kula shaqayanay iyo kuwa kalaba xamatid. Xamashadu ma aha dhaqan wanaagsan. Waa dhaqan diin ahaan, iyo dadnimo haan ba liita.

11- Dadka kale caawi: Dadka kale caawi. Waqtiga shaqada haddii aad aragtid saaxiibkaa oo shaqadu ku culustahay, haddii ay macquultahay inaad caawisid isku day.

12- Isticmaal erayada “ Mahadsanid” iyo “ Fadlan”: Haddii wanaag laguu sameeyo ‘ Mahadsanid’ qofka ku dheh. Haddii aad wax doonaysana “ Fadlan’ isticmaal.

13- Dhegayste wanaagsan noqo: Waqtiga shaqada, iyo waqtiyada kalaba ku dadaal inaad dhagaysatid dadka kale, oo waxa ay ku leeyihiin si wanaagsan u dhuuxdid.

14- Wax nuxur leh ku hadal: wax nuxurle oo macno samaynaya ku hadal ama iska aamusa.

15- Garo oo ogsoonoow anshaxa shirkadda ama goobta aad ka shaqaysid: Goob kastaaba waxa ay leedahay xeerar u gaar ah. Ogsoonoow goobta aad ka shaqaysid xeerka iyo anshaxa u yaalla, waxa mamnuuca ka ah, iyo waxa ay oggolyihiin.

16- Iska ilaali beenta: Been ha sheegin.

17- Si jacama ‘ We’ u hadal’ oo si shakhsi ah’ Me’ ha u hadlin: Marka aad shirkad u shaqaynaysid, ee aad shirarka iyo goobaha kale si shakhsiyan ha u hadlin, se si wadar ah oo shirkadda dhan ah u hadal.

18- Ogsoonoow wixii sira iyo wixii kale: Waxyaabo waxa jira sir ah waqtiyada shaqada iyo waxyaabo aan ahayn. Waa muhiim inaad ogaati maxaa sira? Maxaanse ahayn sir?

19- Marka ismarinwaa ama khilaaf yimaad wayddiimaha badi: Marka uu iska hor imaad yimaad si aad xal u heshid wayddiimaha badi oo dhiancyo badan wax ka eeg.

20-  Garo waqtiga la kallahayo iyo waqtiga kale: Waxa jirta waqtiyo xaalado yimaaddaan oo degdeg ama hore in loo yimaaddo loo baahanyahay. Waa inaad ogaataa.

Gebagebo

Buuggan oo ah buug ballaadhan qodobbo ayuu ku salaysanyahay, oo xeerar ayuu taxayaa. Intaas ayaan ka soo qaatay anuu. In waxbadan uu qofka akhriyo ka baddelo ayaan rajaynayaa.

Dhammaad.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Maarij 04, 2020.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?