Posts

Safarkayii Ceerigaabo

Image
  Hordhac Markii koowaad ayaan tagay magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo waa caasimadda ama xarunta Gobolka Sanaag. Gobolka Sanaag waxa lagu naanaysaa “ Gobolkii Awawyada.” Ceerigaabo waa magaalo qadiimi ah. Muddo hore ayaa la degay. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo waxyaabaha aan Ceerigaabo ku arkay, meelaha aan booqday, muuqaalka guud ee magaalada, waxyaabaha magaalada u gaarka ah, iyo guud ahaan intii aan joogay wixii aan la kulmay intii aan la kulmay Ceerigaabo. Safarkaygii Ceerigaabo 27kii May, 2021kii xilli barqo ah waxa aan ka baxay magaalada Boorama. Saacaddu waa abbaaro 11kii barqannimo. Waxa aan u sii jeedaa oo ku socdaa magaalada Ceerigaabo. Waa markii ugu horraysay ee aan indhaha saaray Ceerigaabo. U jeeddada aan Ceerigaabo u tagayayna waxa ay ahayd safar shaqo, oo waxa aan ka shaqaynayay Doorashadii Isku Sidkanayd ee Soomaalilaan ka dhacday May 31, 2021ka. Ceerigaabo waa Caasimadda Gobolka Sanaag. Waxa ay ku taallaa Bariga Soomaalilaan. W...

Sookoobidda buugga “ Ku Raaxayso Noloshaada~ استمتع بحياتك”

Image
      Hordhac Buuggan ladhkiisa la yidhaahdo “Ku Raaxayso Noloshaada ~ استمتع بحياتك ” Waxa qoray Dr Maxammed Ben Cabdiraxmaan Al Cariifi. Luuqadda carabiga ayuu sheekhu ku qoray oo u doortay asal ahaan. Dr Cariifi, waa daaci islaam ah oo Sucuudiga u dhashay. Waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Boqor Mascuud ee Dalka Sucuudiga. Shahaadada sare ee Ph.D ayuu diyaariyay, wuxuunna ku qaatay Usuulu Diin, Caqiidada. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdicasiis Ibn Baas. Kutub badan oo kale ayuu qoray, waxa ka mid ah “ نهاية العالم (في أشراط الساعة ). .” iyo “ تجربتي في ربع قرن (نصائح للداعية المبندئ ) .” Buuggu wuxuu ka koobanyahay 290 bog. Qaybo badan ayuu iskugu jiraa. Habdhaqanka, iyo hababka dadka lagula dhaqmo ayuu ka warramayaa. Diktoorku muddo 20 sano ah inuu wado baadhidda iyo qoraalka buugga ayuu xusayaa. Qoridda buugga waxa ku dhalisay sida uu xusay, waxa uu sheegay in markii uu jiray da’da 26 sano jir uu buugga la yidhaa “ Fanka dadladhaqanka ” oo ...

Faallada Buugga GUULWADE

Image
  Hordhac Buuggan magaciisa la yidhaahdo ‘ Guulwade: Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta’ waxa qoray Cabdifataax Axmed Maxamed ( Qureyshi). Buuggu wuxuu soo baxay sannadkan 2021ka. Waxaa soo saartay oo faafisay madbacadda Dawaad Publisher. Buuggu waxa uu ka koobanyahay Shan Cutub. Bogag ahaanna waa 169 bog oo A5 ah. Waxa aan isku dayi doonaa inaan buugga si kooban u guudmaro, meelaha qaar aan dhaliilo, halka aan ka bogaadin doono buugga intiisa fiican. Ugu danbayn waan soo xidhi doonaa, oo soo gunaanadi.   Nuxurka Buugga   Nuxurka guud ee buuggu ka warramayaa waa guulwadaynta. Ladhka ugu badan ee uu qaadaadhigayaa waa guulwadaynta, sooyaalkeeda, iyo waxyaabaha la xidhiidha nooca ay doonaan ba ha ahaadaane. Qoraagu waxa uu sharraxayaa guulwadaynta.Waa maxay guulwadayntu? Sida uu qoraagu xusayo, erayga GUULWADE waxa uu ka koobanyahay laba kalmadood oo isku sidkan, labadaas eray oo kala ah ‘GUUL’ iyo ‘ WADE.’   Guul oo uu macnaheedu yahay gaadhidda ha...

Falanqaynta Buugga “La Shaqaynta Cadawga~Working with the Enemy .”

Image
  Hordhac Dhiganahan lagu magacaabo “ Working with the Enemy ~ La Shaqaynta Cadawga” Waxa qoray Mike Leibling, waa qoraa, tababbare, iyo xirfadle ku takhasusay arrimaha Istiraatiyadda la xidhiidha. Xarunta dadka arrimaha qallafsan kala talisa ayuu aasaasay, oo la yidhaa Strategy Tm. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “ How People Tick ” oo uu kaga warramayo in ka badan 50 nooc oo dadka qallafsan ah, iyo sidii aad ula tacaali lahayd. Sidoo kale, waxa uu qoray “ Coaching With Easy.” Buggu waxa uu ka koobanyahay 193 bog. Sannadkii 2009kii ayaa markii ugu horraysay la daabacay, oo uu soo baxay. Afar qaybood oo aad u ballaadhan ayuu ka koobanyahay oo qaadaadhigayaa. Waxa uu kaga warramaya sida uu qofku uga badbaadi lahaa, misana uu uga kori lahaa dadka qallafsan ee dabeecadda adeg ee ay qasabtahay inuu la dhaqmo, oo ay wax dhermaraan. Nuxurka Qaybta 1aad waxa uu qoraagu ku bilaabayaa “ Toban Istiraatijiyadood oo muhiim ah oo uu qofku ku badbaadayo marka ay...