Posts

Sannadguuradii 1aad ee Xogkorodhsi: Qiimayn Guud

Image
  Hordhac Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacanayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, oo soo jeediya.   Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan ku qiimeeyo muddadaa Sannadka ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan Xogkorodhsi. Waa Maxay Xogkorodhsi? Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan. Waana barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af Soomaa...

Sookoobidda Buugga “ The 7 Habits of Highly Effective People”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “The 7 Habits of Highly Effective People~ 7 caado ee ay Leeyihiin Dadka ugu Firfircoon/hawlqabadka wanaagsan” waxa qoray Stephen Richards Covey. Steven, waxa uu ahaa aqoonyahan, qoraa iyo ganacsade reer Maraykan ah. Waxa uu ahaa aqoonyahan muddo badan waxbaranayay. Waxa uu shahaadada sare ku qaatay Barashada Diimaha. Waxa uu wax ka bartay Jaamado waaweyn sida Jaamacadda Utah, Jaamacadda Harvard, iyo Jaamadda Brigham Young.   Shaqooyinka uu qabtay waxa ka mid ahaa Lataliye ayuu noqday, maamulana wuu ahaa, qoraa wax qora, muddo badanna waxa uu ahaa Bare Sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalkiisa ugu waaweyn. Buugaag kaladuwan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ahaa ‘  First Things First .” Iyo buugga kale ee la yidhaa “Principle-Centered Leadership.” Qoraagu waxa uu dhintay sannadkii 2012kii. Buugga waxaa la daabacay sannadkii 1989kii.   Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan, waxaa laga iibiyay wax...

Sookoobidda buugga “How to Win Friends and Influence People ~Sideed saaxiibbo u kasban kartaa, dadkana u saamayn kartaa?”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ How to Win Friends and Influence People ~ Sideed saaxiibbo u yeelan kartaa, dadkana u saamayn kartaa?” waxa qoray Dale Carnegie. Dale Carnegie, waxa uu ahaa qoraa, macallin, dhiirrigeliye, iyo aqoonyahan culuumta horumarinta bini’aadanka ku xeeldheer. Waa qoraa qoray buugaag kale, oo ka mid ah kuwa ugu iibsiga badan, looguna jecelyahay caalamka. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “   How to Stop Worrying and Start Living .” Iyo “ Art of Public Speaking” oo uu qoray sannadkii 1915kii. Kan maanta innoo qalanna waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu saamaynta badan, waxa lo turjumay 36 luuqadood. Kolkii ugu horreysay waxa la daabacay   1936-1937kii. Buuggani waxa uu ka koobanyahay 205 bog. Wuxuuna qoraagu ka dhigay 6 qaybood. Waxa uu kaga warramayaa dadka la dhaqanka, sida dadka loo kasbado, ee saamayn loogu yeesho. Si kooban ayaynu u dulmari. Markii hore qoraagu cashir kooban oo uu fasal ka jeediyo ayuu ugu talagalay. ...

Faallada Buugga “ Maan Guursadeen!”

Image
  Hordhac Sannadkii 2016kii ayaan u baahday inaan guurka wax ka akhriyo, malahayga Dugsiga ayaa la igu qoray mawduucaas. Galab ayaan Internetka ku qoray GUUR. Islamarkiiba waxa iisoo baxay maqaal uu cinwaankiisu ahaa ‘ Maan Guursadeen!’   Cinwaanka maqaalka ayaa aad isoo jiitay, waan sii dhexgalay. Maqaalka araartiisa hore ayaan la ashqaraaray illaa aan dhammeeyay. Inta maqaalka ku qornayd ee aad iisoo jiidatay waxa ka mid ahaa intan “Haweenku marka ay ku oggolyihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho badanaa. Marka kalana murkur, madax[a]deyg, iyo maneeno badanaa…” Farshaxanka maqaalka ayaan la dhacay. Qoraaga oo ahaa Axmed Ismaaciil, ayaan isku dayay inaan wax ka ogaado. Nin iga waynaa oo Boorama aannu waqtigaa wadajoognay ayaan ku idhi: “ Walaal, ninka la yidhaa Axmed Ismaaciil ma taqaannaa, waxa aan akhriyay maqaal la yidhaa ‘ Maan Guursadeen’ oo uu qoraye?” Ninku wuu gartay, markaas ayuu igu yidhi hadal u macne eeg: “ Axmed Deeq ayaa la yidhaa. Waa nin fekerro reer Galbe...