Sookoobidda buugga “How to Win Friends and Influence People ~Sideed saaxiibbo u kasban kartaa, dadkana u saamayn kartaa?”

 

Hordhac

Buuggan la yidhaa “How to Win Friends and Influence People ~Sideed saaxiibbo u yeelan kartaa, dadkana u saamayn kartaa?” waxa qoray Dale Carnegie. Dale Carnegie, waxa uu ahaa qoraa, macallin, dhiirrigeliye, iyo aqoonyahan culuumta horumarinta bini’aadanka ku xeeldheer.

Waa qoraa qoray buugaag kale, oo ka mid ah kuwa ugu iibsiga badan, looguna jecelyahay caalamka. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ How to Stop Worrying and Start Living.” Iyo “Art of Public Speaking” oo uu qoray sannadkii 1915kii. Kan maanta innoo qalanna waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu saamaynta badan, waxa lo turjumay 36 luuqadood. Kolkii ugu horreysay waxa la daabacay  1936-1937kii.

Buuggani waxa uu ka koobanyahay 205 bog. Wuxuuna qoraagu ka dhigay 6 qaybood. Waxa uu kaga warramayaa dadka la dhaqanka, sida dadka loo kasbado, ee saamayn loogu yeesho. Si kooban ayaynu u dulmari.

Markii hore qoraagu cashir kooban oo uu fasal ka jeediyo ayuu ugu talagalay. Diyaarintiisii way badatay. Wuxuunna yidhi “ Lagjarkii aan maalintaa galay wuu ila dheeraaday oo saacad iyo badh ayuu gaadhay.” Ardey ayuu jaamacadda koorsooyin la xidhiidha horumarinta nafta, iyo bulshada u dhigi jiray Jaamacad ku taalla magaalada New York. Sidoo kale, waxa uu ahaa aasaasaha Kooleejka Dela Caregie, oo uu ardeyda wax ku bari jiray. Machadkaas waxaa dhigan jiray dad badan oo iskugu jira ganacsato, iyo dad shaqooyin kale haya, deedan wuxuu ku yidhi “ Cashirkaa soo tijaabiya” intuu u dhigay qayb ka mid ah cashirro la xidhiidha horumarinta nafta, iyo xidhiidhka bulshada oo buuggana ku jira. Intay soo tijaabiyaan ayay kula soo laaban jireen wixii ay la soo kulmeen. Ugu danbayn halkaas ayaa lagu falanqayn jiray waxyaabo badan. Fekradda buuggu meelahaas ayay ka so unkantay.

Nuxurka Buugga

Qeybta koowaad, waxa uu kaga warramayaa “ Hababka aasaasiga ah ee loola dhaqmo dadka.” Sheekooyin soo maray, kuwo lala wadaagay iyo kuwa kalaba wuu soo qaadanayaa. Wuxuu ku xigsiinayaa qodobbo ay muhiim u tahay qofku markuu dadka la dhaqmo. Qodobbadaa waxa ka mid ah:

1-      Dhaliisha, iyo calaacalka aan waxba tarayn iska ilaali.

2-    Marka aad wax bogaadinaysid si daacad ah, oo saafi ah u bogaadi: Qoraagu waxa uu halkan ka wadaa, inaad si daacada oo kal iyo laaba wax u hanbalyaysid, se ayna afka uun kaa ahaan. Waxa la yidhaa qofka kuu dhaw ayaa marar badan kaaga daran cadawga. Intuu ku yeelo lagama yaabo inuu cadawgu ku yeelo.

Qeybta labaad, waxa uu kaga warramayaa “ hababka aad dadka adiga oo kale uga soo qaadi lahayd” macne ahaan, sidii aad dadka ugula dhaqmi lahayd sida aad rabto inay adiga naftaada ula dhaqmaan.

Qodabada uu qoraagu xusayo, qaar ka mid ah ayaynu ka soo qaadan:

1-      Dadka si caqli leh u xiisee, una xiisageli: Halkan waxa soo geli kara qofku marka uu qof la ballamayo inuu xiisageliyo oo si wanaagsan ula dhaqmo,  sidoo kale, inuu muuqaalkiisa hagaajiyo sida qaab lebbiska IWM.

2-    Dhoollacaddee.

3-     Qofka magaciisa xasuusnoow, ogowna inay xasuusta magacu muhiimad leedahay.

4-    Dhegayste wanaagsan noqo.

5-     Qodku wuxuu xiisaynayo kala hadal.

6-    Qofku markuu kula joogo muhiimad wayn inaad ugu fadhido ha dareemo.

Qeybta saddexaad, waxa uu qoraagu ku sheegayaa “ Sideed dadka ugu kasban kartaa habfekerkaaga?” Qoraagu sida uu u arko ayuu innala wadaagayaa. Dhawr qodob ayaynu ka soo qaadan:

1-      Habka keliya ee aad muranka kaga guuleysan kartaa waa inaad iska joojisid, iska ilaali muranka.

2-    Dadka fekerradooda inaad tixgelinaysid muuji, oo ha odhan “ Waad qaldantahay.”

3-     Haddii aad qaldantahay, qaladkaaga garo, oo qiro.

4-    Si saaxiibtinnimo dadka u baro, ulana dhaqan.

5-     Qofku markuu kuu sheegayo degdeg mararka qaar u dheh “ Haa. Haa.”

6-    Qofka aragtidiisa si daacad ah u arag, oo inay daacad ka tahay ogsoonoow.

7-     U dabacsanoow qofka aragtidiisa iyo dooniddiisa.

Qeybta afraad, wuxuu qoraagu kaga warramayaa “ Hoggaamiye noqo: Sida aad dadka u baddeli kartid adiga oo aan wayn qaban.” Macne ahaan, sidii aad dadka isbeddel ugu yeelan lahayd adiga oo aan wax wayn samayn, misana aan hub qaadan. Hoggaamiyaha uu hadda sheegayaa maaha ka dal ama meel wayn hoggaamiya, waa qofkasta oo saamayn leh, oo ugu yaraan wax baddelay.

Dhawr qodob oo qoraagu taxayo ayaynu sheegi:

1-      Haddii aad waxa qaldan ogaatid, waa halka aad wax ka bilaabi kartid: Haddii shey dhaco, oo waxa dhacay aad horta ogaatid xal waad keeni kartaa.

2-     Si wanaagsan dadka ugu mahadceli.

3-     Dadka qaladkooga si sarbeeb ah ugu sheeg.

4-    Qaladkaaga sax, isna canaano ka hor intaanad dadka kale qaladkooga dhaliilin.

5-     Dadka su’aalo waydii, halkii aad amar toos ah ka siin lahayd: amar toos ah siinin, se iyaga wayddii bal ka warran sidaa iyo sidaa?

6-    Dadka dhiirrigeli.

7-     Dadka farxadgeli.

Qeybta shanaad sheekooyin ayay u badantahay. Wuxuunna kaga warramayaa qisoon. Sidoo kale, waxa ku jira waraaqo loo soo diray, oo uu ka qorayo.

Qeybta lixaad, waxa uu kaga warramayaa “  Sifooyin aad gurigaaga farxad kaga dhigi karto” macne ahaan, qodobo aad dadka kuu dhaw farxad ku gelin karto.

Qodobbada ayaynu qaar ka mid ah soo qaadan:

1-      Qofna ha qasbin.

2-    Si daacada wax u bogaadi.

3-     Dadka dareenkaada u soo jeedi.

4-    Canaanta iska dhawr.

 

Maxaa Buugga Laga Faa’idayaa?

1-      Sida sheekeeye wanaagsan loo noqdo.

2-    Sida dadka loo xiisageliyo.

3-     Sida asxaabta loo kasbado, ama samaysto.

4-    Sidee cadawgaaga looga digtoonaadaa.

5-     Haddii aad qaldantahay qiro. 

Gebagebo

Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta adduunka ugu saamaynta badan, ee aad loo xiiseeyo. Dad badan ayaa iibsaday. Si guud ayaynu u soo dulmarnay. Waxa aan rajaynayaa in wuxuun laga korodhsaday. Intaas ayaan ku soo koobayaa buuggan qiimaha leh. Sidaas iyo nabadgelyo.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

29 Maarij, 2020.

Boorama, Awdal.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?