Sannadguuradii 1aad ee Xogkorodhsi: Qiimayn Guud

 

Hordhac

Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacanayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, oo soo jeediya.

 Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaan inaan ku qiimeeyo muddadaa Sannadka ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan Xogkorodhsi.

Waa Maxay Xogkorodhsi?

Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan. Waana barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af Soomaaliga.

Muxuu  Xogkorodhsi la Gaaryahay?

1-      Waa barnaamij duuban, oo qofku dhammaan buugaagta la falanqeeyay si bilaash ah uga daawan karo Yuutubka Xogkorodhsi.

2-    Waxaa inta badan lagu baahiyaa faallaynta qoraal ahaan iyo muuqaal ahaanba.

3-     Waa barnaamij buugaagta lagu faalleeyo loogu caddaalad sameeyo, dhallil iyo ammaan waxa buugga lagala kulmo ayaa la sheegaa

4-    Wuxuu faahfaahin wanaagsan ka bixiyaa nuxurka buugga.

5-     Hal mawduuc kaliya kuma koobna, waxaa lagu faalleeyaa mawduucyo kaladuwan oo dhinacyo kaladuwan ku saabsan. 

U jeeddooyin Xogkorodhsi Loo Sameeyay?

1-      Inay dadka akhriska iyo qoraalka xiiseeyaa ay si fudud ku heli karaan xog badan oo caawinaysa.

2-    Meesha xogta ugu badan laga helaa waa buugaagta, markaa si taasi u fududaato Xogkorodhsi waxa uu isku dayayaa inuu dadka taas ka caawiyo.

3-     Waa in qofka xog rabaa uu waqti kooba ku heli karo.

4-    Waa in bulshada Soomaaliyeed heli karto madal ay ugu soo hagaagi karto buugaagta.

5-     Qof waayay buug uu rabay inuu akhristo, oo aan soo gaadhin meesha uu joogo waa inuu nuxurka buuggaas Xogkorodhsi si fudud uga daawadaa.

6-    Qofku inuu xulan karo buugaagta marka uu buugta kaladuwan daawado.

Siduu Xogkorodhsi Sannadkaa Noofanbar 2019- Noofanbar, 2020 U socday?

Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii ayaan bilaabay Xogkorodhsi. Waxa aan ka bilaabay magaalada Boorama. U jeeddada ugu way nee aan u bilaabay waxa ay ahayd inaan bulshada la wadaago buugta aan akhriyo, maadaam aan ahay akhriste. Si nafhurnimo ah ayaan ku bilaabay, ma jirin cid iga caawisay barnaamijka.

Maalintii aan bilaabay illaa maanta oo sannad laga joogo waxa aan bulshada la wadaagay 34 buug. 34 kaas buug qaar baa xalqado ahaa, markaa xalqo ahaan waxa ay noqonayaan 38 Xalqadood. Taasi waxa ay ka dhigantahay inaan bishiiba 3 muuqaal soo gelin jiray. Waxaa ka dhex maqan waqti kooban oo cillad farsamo jireen oo Kamaraddu nala meeraysatay. 34 kaas buug 6 buug ka mid ahi waxa ay asal ahaan ku qornaayeen Ingiriis, 1 buugna Soomaali, halka 27 buugna ay ahaayeen Ingiriis.

Buugta aan faalleeyay waxa ay u badanyihiin Ingiriisi, iyo Carabi- gaaar ahaanna Ingiriisi. Sababta aan sidaa u sameeyay waxa ay tahay in dadkeennu fahmi karaan Soomaaliga, se sida ay Soomaaliga u wada fahmaan ayna dhammaantood u wada akhrin karin, una fahmi karin ( Maaha dadka oo dhan, se qaarkood) Ingiriiska. Si kuwa aan wada fahmi karin Ingiriisku wax uga korodhsadaan kuwa yaqaannaana faa’ido kale ugu noqoto ayaan u sameeyay. 

Bulshada daawatay waxa ay yihiin 53,000 qof ayaa daawaday oo la socday.Waa dad kooban marka la eego inta daawata barnaaminka riwaayadaha, qosolka, Baraankiga IWM. Se waxa aan rejo badan ka qabaa in waqti kale la fahmi karo. 

 

 

Magacda Buugta Xogkorodhsi Lagu Falanqeeyay?

Buugta Xogkorodhsi ku duuban, ee maqaal iyo muuqaal ba iyaga oo Af Soomaali la heli karo waynu tixi; waana buugta uu Xogkorodhsi Sannadkaas 2019-2020 soo kordhiyay.

Waa kuwan Liiskoodu:

1-      ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda.’ Waxaa qortay Nancy V. Wood, 2005.  Maqaalka iyo muuqaalkaba dhammaadkii sannadkii 2019kii ayaa laga diyaariyay.

2-    The Language of Argument, waxa qoray Daniel McDonald, iyo larry W. Burton, 1999.

3-     Buuggan la yidhaa “تعليم المتعلم طريق التعلم.” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji.

4-    Dead Aid, by Damiso Moya ( 2009).

5-     Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki.

6-    Art of War, waxa qoray Sun Tzu.

7-     Buuggga la yidhaa ‘ Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon, soosaaristiisii 5aad.

8-    The science of Getting Rich, waxa qoray Wallace D. Wattles.

9-    Rich Dad and Poor Dad, by Robert T. Kiyosaki.

10- Buugga la yidhaa “اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك.” Oo uu qoray Saajid Al Cabdali.

11-  Buugga la yidhaa ““حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.” Oo uu qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. 

12- Buugga la yidhaa “ Show Your Work.’

13-  Buugga la yidhaa “ Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man.”

14- Buugga la yidhaa “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa qoray  Wallace Delois Wattles.

15- Buugga la yidhaa “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta.”

16-  Buugga la yidhaa ““ Hammigaygu waa inaan nin DILO” oo ay Qortay Sucaad Suldaan, luuqadda carabiga ayuu ku qornaa.

17- Buugga la yidhaa “The Rules of Work.” Oo uu qoray Richard Templer.

18- Buugga la yidhaa “ Masuuliyadda Ardeyga’ oo uu Cabdicasiis Ibn Baas qoray ayaan soo koobay.

19-  Buug la yidhaa “ Ego is the Enemy’ ayaan soo koobay.

20-                       Buugga la yidhaa “ How Successful People Think’ ayaan soo koobay.

21-  Buugga la yidhaa “How to Win Friends and Influence People.” Oo uu qoray Dale Carnegie.

22-                       Buugga la yidhaa “ A women of Firsts” oo ay qortay Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaan gorfeeyay. 3 Xalqadood ayuu ahaa.

23-                        Buugga la yidhaa “ Atomic Habits” oo uu qoray James Cream ayaan soo koobay.

24-                       Buugga la yidhaa “ 12 Rules of Life” oo uu qoray Jordan ayaan soo koobay.

25-                        Buugga la yidhaa “Getting Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray  David Allen ayaan soo koobay.

26-                       Buugga la yidhaa “ 21 Lessons of 21 Century’ oo uu qoray Yuval Harrari ayaan soo koobay.

27-                        Buugga la yidhaa “From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad” oo uu qoray Lee Yew ayaan sookoobay.

28-                       Buugga la yidhaa “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” oo ay qortay Mary Harper ayaan gorfeeyay. 2 xalqadood ayay ahayd.

29-                       Buugga la yidhaa “ Istrategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia.’ Oo uu qoray Cumar Yuusuf Cabdulla ayaan gorfeeyay.

30-                        Buugga la yidhaa “ 7 Habits of Highly Effective People” ayaan sookoobay.

31-  Buugga la yidhaa “ Maan Guursadeen” oo uu qoray Axmed Deeq ayaan gorfeeyay.

32-                        Buugga la yidhaa “ Masuuliyadda Indheergaradka’ oo uu qoray Cali Shariicatii ayaan soo koobay.

33-Buugga la yidhaa “3 Sirood ee Waqtiga Looga Midhadhaliyo?’ oo uu qoray Cali Shariicatii ayaan soo koobay.

34-                         “ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad” oo uu qoray Najdi Kaamil ayaan gorfeeyay. 

Caqabadaha Barnaamijka

Caqabadaha aan sannadkaa kala kulmay Xogkorodhsi way badanyihiin. Mana soo koobi karo. Sababta u wayna waxa ay ahayd maadaama uu ahaa barnaamij aan taageero helin, se kaliya uu ku socday jeebka hal qof! Taasi waxa ay keenaysaan in culaysku hal qof kaliya fuulo. Dabcanna way dhacday, oo aniga kaliya ayaa caqabadahaa iyo waxkasta la dabbaalanayay. Caqabadaha waxa aan ka xusayaa:

1-      Waqti: Marka aan diyaarinayo ee dib u qorayo, marka aan jeedinayo intuba waqti bay iiga baahnayd.

2-    Dhaqaale: Soo iibsashada Buugaagta, Kamaradda iyo waxyaabaha la midka ahi waxa ay u baahnaayeen dhaqaale gaar ah oo u baahan in wax loo diyaarsho.

3-     Dadaal: Marka aan buugga akhriyayo waa inaan aad ugu fiirsadaa oo dadaal geliyaa.

Maxaa Laga Faa’iday?

Markii aan Barmaamijka bilaabayay u jeeddooyin ayaan u aasaasay. U jeeddooyinkii aan u sameeyay waxa aan isleeyahay badankoodii wuu  haqabtiray, kuwa dhimanna wuu buuxin doonaa. Waxyaabaha aan isleeyahay waa laga tarsanday waxaa ka mid ah:

1-      In la helay madal faallada buugaagta loogu soo hagaago.

2-    In dad badan buugaag ay waayeen ay nuxurkooda heleen.

3-     In dad badan dhiirrigelin ay buugta ku akhriyaan uu u noqday.

4-    Dad badan ayaa helay buug diyaarsan oo la soo shiilay.

5-     Faallooyin kooban oo maqal iyo muuqaal ah ayay dad badan wax ka taransadeen.

6-    Buugaag halkan lagu soo bandhigay ayay dad badan xusheen oo intay dib u raadsadeen ka sii faa’ideystay.

 

Farriinta Daawadayaasha iyo Akhristayaasha

Daawadayaasha iyo Akhristayaasha sharafta leh marka koowaad waxa aan leeyahay waad mahadsantihiin. Marka labaad na waxa aan leeyahay Alle ha idinku anfaco. Marka saddexaad waxa aan leeyahay weeleeya oo ku dhaqma, asxaabtana sii gaadhsiiya si ay innoola soo eegaan buugaagta.

 

Gebagebo

Muddo sannad ah ayuu Xogkorodhsi socday. Barnaamij isxilqaan ah ayuu ahaa. Mana jirin cid si gaar ah ula socotay oo wax ku taageeri jirtay, iyo cid maalgelin jirtay. Se nafhurid ayaan ku waday. Waxa aan rejaynayaa inaan sii wado haddii duruuftu ii saamaxdo. Haddii se uu joogsado in wuxuun uu taray bulshada ayaan qabaa. Cidda dhegaysata ee la socota Alle ha ku anfaco. Iyaguna bulshada ha sii gaadhsiiyaan.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Noofanbar, 2020. 

Boorama, Awdal.


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?