Sookoobidda Buugga “ The 7 Habits of Highly Effective People”

 


Hordhac

Buuggan la yidhaa “The 7 Habits of Highly Effective People~ 7 caado ee ay Leeyihiin Dadka ugu Firfircoon/hawlqabadka wanaagsan” waxa qoray Stephen Richards Covey. Steven, waxa uu ahaa aqoonyahan, qoraa iyo ganacsade reer Maraykan ah.

Waxa uu ahaa aqoonyahan muddo badan waxbaranayay. Waxa uu shahaadada sare ku qaatay Barashada Diimaha. Waxa uu wax ka bartay Jaamado waaweyn sida Jaamacadda Utah, Jaamacadda Harvard, iyo Jaamadda Brigham Young.

 Shaqooyinka uu qabtay waxa ka mid ahaa Lataliye ayuu noqday, maamulana wuu ahaa, qoraa wax qora, muddo badanna waxa uu ahaa Bare Sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalkiisa ugu waaweyn.

Buugaag kaladuwan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ahaa ‘ First Things First.” Iyo buugga kale ee la yidhaa “Principle-Centered Leadership.”

Qoraagu waxa uu dhintay sannadkii 2012kii.

Buugga waxaa la daabacay sannadkii 1989kii.  Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan, waxaa laga iibiyay wax ka badan 25Milyan oo Nuskho. Buugga waxaa loo baddelay cod ahaan, codka waxaa laga iibiyay wax ka badan Hal milyan, wuxuuna noqday buuggii ugu horreeyay ee aan Mala’awaal ahayn ee Maraykanka gudihiisa intaas dhegaysigiisa laga iibsaday.

Buugga, waxa uu kaga warramayaa sifooyinka ay leeyihiin dadka ugu waxqabadka badan, ama ugu firfircoon. Tijaabo ka dib ayuu tilmaamayaa sifooyinkaas.

Nuxurka Buugga

Qoraagu waxa uu islamarkaaba bilaabayaa sifooyinka ay leeyihiin dadka ugu waxtarka badani. Sifooyinkaas waxa ay yihiin: Waa saddex sifo oo waawayn oo ay soo hoosgalayaan 7da caado:

1-      Inuu yahay qof aan cidna ku tiirsanayn (Independence): Waa qof aan cidna baahiyiisa muhiimka ah ka sugin. Saddex shey ayaa soo hoosgalaya tilmaantaas, waxa ka mid ah;

B) Inuu qofku waxkasta oo ku dhaca isagu masuuliyaddooda qaado oo aanu cidkale, iyo waxkale toona ku canaanan.

T) Inuu mustaqbalka qorsheeyo oo waxa uu qabanayo maskaxda sii geliyo.

J) In sheyga u horreeyo ka bilaabo, shey’yadu sida ay u kala horreeyaanna u kala horraysiiyo.

2-  Sifada labaad waa ‘ Inuu yahay qofku qof dadka la shaqayn kara~  Interdependence.’ Qodobkanna waxaa soo hoosgalay dhawr caado:

             X) Inuu qofku ku guuleysto inuu dadka uu la shaqaynayo si siman u wada guuleystaan (Think win-win).

         Kh) Inuu isku dayo inuu qofku marka hore wax fahmo, ka dib uu  si wanaagsan wax uga yidhaa iskuna dayo inuu wixii gudbiyo oo la fahmo, waxa jirayna uu u xalliyo.

      D) Inuu awoodda dadka badan mideeyo oo hal meel iskugu geeyo, isaga oo awooddooda midaynaya si ay u gaadhaan guul aanu hal qof kalidii gaadhi karin.

    R) Inuu qofku Korniin sameeyo, oo hore u socdo. Inuu yahay qofku qof naftiisa baddelay, dadka kalana u gudbay oo saamayn ku yeeshay.

Gebagebo

Buuggu, waxa uu ka midyahay buugaagta qiimaha badan ee nafta qofka caawisa. Qoraagu, waxa uu isku dayay inuu akhristaha wax u kordhiyo, oo uu u sheego wax uu naftiisa ku anfaco. Waxyaabahaas aan soo taxay ayuu buuggu ka warramayaa.

Intaas ayaan ku soo koobayaa buugga.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

22 Ogosto, 2020.

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?