Posts

Faallada Buugga “ Maan Guursadeen!”

Image
  Hordhac Sannadkii 2016kii ayaan u baahday inaan guurka wax ka akhriyo, malahayga Dugsiga ayaa la igu qoray mawduucaas. Galab ayaan Internetka ku qoray GUUR. Islamarkiiba waxa iisoo baxay maqaal uu cinwaankiisu ahaa ‘ Maan Guursadeen!’   Cinwaanka maqaalka ayaa aad isoo jiitay, waan sii dhexgalay. Maqaalka araartiisa hore ayaan la ashqaraaray illaa aan dhammeeyay. Inta maqaalka ku qornayd ee aad iisoo jiidatay waxa ka mid ahaa intan “Haweenku marka ay ku oggolyihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho badanaa. Marka kalana murkur, madax[a]deyg, iyo maneeno badanaa…” Farshaxanka maqaalka ayaan la dhacay. Qoraaga oo ahaa Axmed Ismaaciil, ayaan isku dayay inaan wax ka ogaado. Nin iga waynaa oo Boorama aannu waqtigaa wadajoognay ayaan ku idhi: “ Walaal, ninka la yidhaa Axmed Ismaaciil ma taqaannaa, waxa aan akhriyay maqaal la yidhaa ‘ Maan Guursadeen’ oo uu qoraye?” Ninku wuu gartay, markaas ayuu igu yidhi hadal u macne eeg: “ Axmed Deeq ayaa la yidhaa. Waa nin fekerro reer Galbe...

Sookoobidda “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?” Eraygaa “ Ego’ sidoo kale ‘ Kibir’ waan ku macnayn karnaa. Se hadda Anaaniyad aynnu u qaadanno. Waxa qoray Ryan Holiday. Ryan waa qoraa, ganacsade iyo Suuqgeeye. Shirkado badan ayuu la shaqeeyay. Ka dib markii laga eryay Kooleejkii uu dhigan jiray waxa uu ku mashquulka arrimaha qoraalka. Shabakado kaladuwan ayuu lka shaqeeyay, oo qaar xataa madax ka soo noqday. Qoraa muddo badan wax qora ayuu ahaa. Meelaha uu wax ku qoro, ama lagu daabacay waxa ka mid ah: The Columbia Journalism Review ,  The Guardian ,  Thought Catalog ,   Medium.com  iyo  New York Observer . Waxa ay muddo wadashaqaynayeen saaxiibna ahaayeen qoraa R obert Greene, oo ah qoraaga buugta “ 48 laws of Power” iyo “ The Nature of Human…” Buugaag badan ayuu qoray Ryan. Waxa ka mid ah ‘ Obstacles on the Way.” Buugga la yidhaa, oo uu 2014 daabacay. Kana mid ah buugaagta caalamka loogu iibsiga badanyahay. Buuggan waxa uu...

Faallaynta Buugga “ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad”

Image
  Hordhac Buuggan   la yidhaa “ حرب الجواسيس القرن ٢١ ~Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad ” waxa qoray Majdi Xuseen Kaamil. Majdi, waa Qoraa, Wariye, iyo Turjumaa. Mareego kaladuwan oo dalka Masar ka soo baxa ayuu wax ku qori jiray. Wuxuu u dhashay dalka Masar.   Wuxuu dhashay sannadkii 1970kii. Majdi, waxa uu qoray buugaag kaladuwan. Buugta uu qoray waxa aynu ka xusi karnaa “   فريدريك نيتشه شيطان الفلسفة الأكبر .”“ أحداث التاريخ الكبرى .” “ رؤوس الشر العشرة     .”   “ الفوضى البناءة .”iyo buugaag kale. Waa qoraa muddo badan wax qorayay saaxadda qoraannimada ku jiray. Hadda wuu noolyahay.   Buuggan uu Majdi qoray ayaan isku dayi inaan si kooban u tilmaamo nuxurkiisa, iyo waxa uu ka warramayo. Weliba waxa aan doorbiday inaan sookoobidda ku soo qaato hordhaca buugga, oo soo afnaqo iyada oo faahfaahin wadata. Muxuu Buuggu ka Warramayaa? Hawlgallada Ruushka ayaa soo caddeeyay in Sargaal dalkooda u dhashay oo la odhan jiray ‘ Alex...

Faallaynta Buugga “From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “From Third World to First” waxa qoray Lee Kuan Yew. Waxa uu ka soo jeeday oo ku dhashay dalka Singapore. Waxbarashada Dugsiyada waxa uu ku qaatay Singapore. Markii danba waxa uu waxbarasho Jaamacadeed u tagay Dalka Ingiriiska, waxa uu dhigtay   London School of Economics . Sharcigana wuu bartay, oo Jaamacadahana wuu ka dhigay, xarumo kala duwanna wuu kaga shaqeeyay. Siyaasaddii dalkiisa ayuu soo galay. Xisbiga la yidhaa  ‘ People's Action Party ’ ayuu aasaaskiisa wax ku lahaa sannadkii 1954kii. Lee, waxa uu ahaa Raysalwasaarihii Dalka Singapore intii u dhexaysay 1959 illaa 1990. Qoraa Lee, waxa uu ahaa hoggaamiye dalkiisa horumar baaxadle gaadhsiiyay. Oo Singapore sannadkii uu maamulayay ayuu horumarkan ay hadda haysto gaadhsiiyay. Dalka meel hoose ayuu ka soo qaaday, meel sarana wuu gaadhsiiyay. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa wayn oo buugaag kala duwan qoray. Buugta kale, ee uu qoray waxa ka mid ah “ The The Wit and Wisdom of Lee Kuan Yew ...

Gorfeynta Buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “Getting Somalia Wrong” oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Warxumatashiilka Soomaaliya’ sida uu Cabdicasiis Mahdi ku afceliyay. Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buug la yidhaa “ Everything I Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayay soo saartay kalhore 2019kii. Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka   Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku   hadashaa af Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka   Senegal. Buug...