Posts

Sookoobidda Buugga “ 21 Lessons for 21st Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “21 Lessons for 21 st   Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad” waxa qoray Yuval Noah Harari. Yuval, waa aqoonayahan ku takhasusay Taariikhda Caalamka. Waa Yuhuudi. Wuxuu Ph.D ka qaatay Jaamacadda Oxford. Hadda wuxuu taariikhda ka dhigaa Jaamacadda Hebrew. Laba buug oo kale ayuu qoray. Mid waxa la yidhaa “ Sapiens: A Brief History of Humankin” Wuxuu kaga warramayaa tagtadii inna dhaaftay. Ka kalana waxa la yidhaa “Homo Deus: A Brief History of Tomorrow ” Wuxuu kaga warramayaa timaaddada iyo sida ay dadku u ekaan karaan. Buugtaasi waxa ay ka midyihiin buugta Caalamka loogu iibsiga badanyahay. Waxaa laga daabacay in ka badan 12 Milyan oo Nushkhadood. Waxaanna lagu turjumay in ka badan 40 Luuqadood. Buugga qaybta hore waxa uu ku sheegayaa inuu u hibeeyay NINKIISA! Waa Khaniis nin kale qaba. Buuggan 21 Lessons for 21 st   Century’ labadaas ayuu u dhexeeyaa, oo waxa uu kaga warramayaa waqtigan aynu joogno, iyo qarnigan aynu ku jirno. Wuxuu ...

Gorfeynta Buugga “ Hammigaygu waa inaan nin DILO!”

Image
Hordhac Buuggan lagu magacaabo “ Hammigaygu waa inaan nin DILO!   ” Waxa qortay Sucaad Suldaan Shaamisi. Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injineernimada Diyaaradaha. Shahaadada labaad ee Mastartana   maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub.   Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysay ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta ( Al Aan TV تلفزيون الآن ) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Way na ka soo dhalaashay. Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa kale oo ay qortay sheekada la yidhaa   " زهرة السوسن ." Sucaad, waa xaas, iyo hooyo carruur leh. Sida ay qortay Mareegta afka dheer leh ee " العين الإخبارية " waxa ay ku magacaabaan “ Sheek...

Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA.”

Image
Hordhac Buuggan ladhkiisu yahay “ Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA” waxa qoray Steve Harvey. Steve Harvey, waa majaajilayste, shactiroolle, iyo Ganacsade Maraykan ah. In badan ayuu xirfadda Majaajilennimada ku shaqaynayay, wuxuunna caan ku yahay soosaaridda barnaamijyada, iyo Filimmada kaladuwan. Waxa uu hore u soo saari jiray Barnaamijyada la yidhaa ‘ T he Steve Harvey Morning Show . Family Feud . Iyo Celebrity Family Feud .’ Abaalamarinno badan ayuu helay. Sannadkii January 17, 1957 ayuu dhashay, illaa haddana wuu noolyahay. Buugga sannadkii 2009kii ayuu qoray. Waxa uu ka mid noqday buugaagta ugu iibsiga badan. Si guud buugga waxa uu ugu eegayaa sida RAGGU   u FEKERAAN, iyo waxa ay ka aaminsanyihiin Jaceylka, xidhiidhka, iyo ka go’naanshaha arrimahaa. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 242 Bog. Saddex qaybood ayuu qoraagu u qaybinayaa. Sida raggu u fekeraan ayuu ka bilaabayaa.Raggu waxa ay qabtaan sababta ay u qabtaan a...

Sookoobidda buugga “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada”

Image
Hordhac Buuggan ka la yidhaa “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa qoray   Wallace Delois Wattles , oo noolaa intii u dhexaysay ( 1860–1911). Waxa uu ahaa qoraa Maraykan ah. buugga sannadkii 1910kii ayuu soo saaray oo daabacay. Waxyar dhimashadiisii ka hor ayaa la daabacay buugga. Shirkadda Elizabeth Towne  Company. Qoraagu waqti hore ayuu noolaa. Nin lacagle ayuu ahaa waqtigii danbe ee noloshiisa, oo hanti buu samaystay. Sida inantiisu sheegtay hantiile ayuu ahaa. Buug kale oo la yidhaa “ The Science of Being Well  “ ayuu isna qoray. Buuggu waxa uu sharraxayaa falsafadda ama qaabka uu qofku hodan ku noqon karo. Tabaha iyo qaababka uu sheegayo qofkii raacaa inuu hodan noqonayo ayuu qoraagu qabaa. Nuxurka Qeybta ugu horreysa qoraagu waxa uu leeyahay “ Inaad hodan noqoataa waa xaq aad leedahay.’ Waxa uu qabaa in qofku inuu hodan noqdaa ay tahay wax uu xaq u leeyahay. Se xaqaasi doonis ayuu ku xidhanyahay. Qofku si guud saddex ayu...

Saciid Binu Caamir Al Jumaxi

Image
Kumannaan dad ah ayaa meel barxada iskugu soo baxay, oo soo dareeray. Goobtu   waa meesha la yidhaa Tanciim, oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay.   Sababa la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Benu Cadi oo ka mid ah Asxaabtii Nebi Muxammed. Dadka goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaad la toogan ka hor. Hadalkiisii deggannaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaa uu tukanayay waxa eegayay Caamir Binu Saciid, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.”   Caamir, wuxuu xaadiray, oo indhihiisa ku eegayay tolkii oo qaybqayb u googaynaya Khubayb oo nool. Jidhkiisa ayay qurubqurub u jarjarayeen iyaga oo ku leh: “ Ma jeclaan lahayd inuu Nebi Muxammed ...